Golaha Senatka South Carolina oo u codeeyey dajinta Calanka la necebyahay!

Posted Date: 07 Jul 2015   in: news,World     0 Comments

Golaha gurtida ee gobalka South Carolina ayaa shalay oo taariikhdu aheyd 06-07-2015 u codeeyey in laga dajiyo xarumaha dowlada ee gobalkaasi Calanka loo yaqaan Confederate Flag oo astaan u ah cunsuriyiinta dalka Maraykanka.

Calankan oo la isticmaali jiray xiligii dagaalada sokeeye ay ka socdeen dalka Mareyknaka ayaa weli ka dul babanaya Xarunta baarlamaanka ee South Carolina, waxaa horey looga codsaday in halkaasi laga dajiyo kadib weerarkii uu bishii hore nin cunsuri cadaan ah ku qaaday kaniisada taariikhiga ah ee dadka madow ee ku tukudaan oo ku taal magaalada Charleston ee gobalkaasi South Carolina.

Xildhibaanada Senate-ka South Carolina oo ka kooban 40 xildhibaan ayaa 37 ka mid ah u codeeyeen in calankaasi laga dajiyo xaruntooda, waxaana dhawaan la sugayaa inay arrintan ay ayagana u codeeyaan golaha Shacabka.

Gobalka South Carolina ayaa kamid ahaa gobaladii koonfurta Maraykanka ee ka go’ay dalkaasi Maraykanka sanadkii 1860-1861, gobaladaasi oo ka gadooday joojinta Adoonsiga dadka madow oo ay dowladii xiligaasi soo rogtay, waxaana Gobaladii gooni u goosadka doonayey looga guuleystay dagaalkii sokeeyey ee dhexmaray gobaladaasi koonfureed iyo Federaalka Maraykanka.

Qaar badan oo kamid ah dadka cadaanka ah iyo cunsuriyiinta dalka Maraykanka ee neceb dadka madow ayaa weli calankaasi adeegsada, iyadoo ay dadka madow calankaasi ku tilmaameen mid astaan u ah cunsuriyada iyo adoonsigii dadka madow, halka cadaanka jecel calanka ay ku tilmaamaan mid kamid ah taariikhda ay ku faanaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7