Madaxweynaha Jubaland oo lagu wado inuu soo gaaro Garoowe si looga wada hadlo Khilaafka labada maamul kala dhaxeeya DF

Posted Date: 10 Jul 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Madaxweynaha dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la sheegay inuu dhawaan u soo gaari doono caasimda dowlada Puntland ee Garoowe. Safarka Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa la sheegay in uu ujeediisa yahay wada tashi ay labada dhinaca ka yeelanayaan khilaafka kala dhexeeya labada doowladood DF ee Muqdisho.

Labada dhinaca ayaa iska wareeysanaya xagal daacinta dowlada Federaalka ay ku heyso dadaalada nabadeed ee umada Soomaaliyeed iyo fulin la’aanta dowlada Muqdisho ay ku heyso Heshiisyadii ay l a gashay labada Maamul ee udub dhexaadka u ah nidaamka Federaalka, waxaana sidoo kale laga yabaa in la isku soo qaado wax hortaagaan fulinta qodnbka Dastuuriga ee sameynta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Kualanka Punjub ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aadaan xaalada Siyaasada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7