230; Qof oo ku dhintay Dhul Gariir ku dhuftay Mexico (Sawiro)

Posted Date: 20 Sep 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Ugu yaraan 226 Qof ayaa ku dhimatay Dhul Gariir ku dhufat Dalka Mexico, kaas oo saameyn badan ku yeeshay Caasimadda dalkaas ee Mexico City.

Dowladda ayaa xaqiijisay in dhimashada ay sii kordheyso iyada oo markii 1aad dhimashada ahayd 125 Qof laakiin hadda ay ku dhowdahay 230 Qof.

Madaxweynaha Dalka Mexico Enrique Peña Nieto; ayaa sheegay in 20 Carruur ah iyo 30 Haween ah la la’yahay kaddib markii Iskuulkii ay dhiganayeen uu bur buriyay dhul Gariirka.

32 Snao ayaa ka soo wareegtay markii Dhul gariir ay ku dhufteen dad ka badan 10,000 oo Qof uu ku dhuftay Dalka Mexico,waxaan musiibada hadda socota laga baqayaa in tii oo kale ay ku socoto.

Allidamaale