Dhageyso:- Waxaradka PL” Muqdisho waa magaalo Hawiye xoog ku heysto, dadka kalena la heystayaal ku yihiin”

Posted Date: 01 Jun 2016   in: Maqaalo,Puntland     Comments Comments

waxgaradka  deegaanada Puntland oo ka hadlay kulamada qubahana ah eek u xeeraan xeeladaha cusub ee lagusii dheereynayo khilaafka siyaasadeed eek a oogaan dalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay gabi ahaanba shirk aka socda Muqdisho oo ay dadka qaarkiis u yaqaanaan xabaasha qarankii Soomaaliyeed.

Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf (Xaarin) oo ka warbixiyay aragtida shacabka Puntland ka qabo xujada ka tagaan Muqdisho ayaa sheegay in ay shacabku k asoo horjeedaan in hadba xeelado cusub oo ewakhtiga lagu dheereynayo lagusoo kordhiyo bur burka ka taagan Soomaaliya oo hadba isbaaro horleh loo dhigto wadadii looga bixi lahaa daagaalada sokeeya ee Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa tibaaxay in magaalada Muqdisho aysan marnaba u ahyen umada Soomaaliyeed caasimad iyo wax u dhaw oo ay xiligaan tahay magaalo qabiil xoog ku heysto, kuwaas 1991-dii ku muudasaday maal iyo dhiigba waxey Soomaali laheyd, haatana ay tahay Magaalo Beelaha Hawiye heystaan oo dadka kale ay laheystayaal ku yihiin.

Nabadoon Xaarin ayaa intaa ku daray in ay wax walba ka horeyso in dadka Muqdisho xooga ku heysta ay hantida umada Soomaaliyeed ay xaaranta ku heystaan u celiyaan agoonta ay walidkood xasuuqeen, cafis iyo nabadna ka doonaan umada Soomaaliyeed, kadiba wixii dhacay laga wada hadlo si aysan dibdanba u dhicin in gardaro iyo kibir loo xasuuqo loona kufsado umada Soomaaliyeed.

waa Xaaran in Muqdisho si gaar ah loogu maamuuso aqanlka Sare ee Baarlamaanka, hadaan gobolo wax lágu qeybsaneyn, ayuu yiri Nabadon Nabadoon Cabdicasiis.

Allidamaale