Dag dag: 77 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay dalka france

Posted Date: 15 Jul 2016   in: news,World     0 Comments

Ugu yaraan 77 qof ay ku dhinteen in ka badan 100-qofoodna weyn dhaawacmeen ka dib markii xalay nin wata gaari xamuul ah uu weerar ku jiir siiyay dad aad u farabadan oo isigi soo baxay dabaaldegayay munaasabadda Maalinta Bastille, oo ka dhaceysay magaalada Nice.ee dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ku tilmaamay mid argagixiso oo lagusoo qaaday dalka Faransiiska, sidoo kalena Booliska ayaa xaqiijiyay in gaariga uu xawaaro dheer dadka ku dhexmarayay masaafo laba kilo mitir dhan, sialmarkaana uu ninka gariga watay uu rasaasna ku furayay dadweynaha ka hor inta aysan boolisku toogasho ku dilin..

Waxaa hadda baaritaanka goobta ay wax ka dhaceen la wareegay askarta argagixiso la dagaallanka, kuwaas oo gaabtii ka bilaalabay baarutaan.

Madaxweyne Hollande ayaa shaaciyay in Faransiiska uu ku jiro xaaladda degdeg ah, oo ay amniga dalkaasi sugayan kumannaan milateri iyo boolis isugu jira.

Sida ay shaacisay Warbaahinta Faransiiska waxaa gaariga laga dhexe helay Aqoonsi Faransiis ah oo  asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunisi, isla markaana 31-jir ah.

Hase yeeshee Ma jirto ilaa iyo hada cid si toos ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Franse.weerar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7