Argagixiso dalka mareykan ku qarxin Rabay Qoosas Somaliyeed oo gacanta lagu dhigay

Posted Date: 15 Oct 2016   in: news,World     0 Comments

Ciidamada amniga Mareykanka ayaa daaha ka rogay in xabsiga loo taxaabay saddex nin oo u dhashay Mareykan oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay Qaraxyo Muuno ku weeraraan masaajid iyo guryo ay daganyihiin qoysas Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay ilaa iyo 120-Qofood oo ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansas ee dalkaan Mareykanka.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Mareykanka Tom Beall ayaa u sheegay Saxaafada Mareykanka in raga kala ah Curtis Allen, Gavin Wright, iyo Patrick Stein, la xiray Jimcihii isla markaana lagu soo eedeeyey dhamaantood danbiyo la xiriira aragagixisada gudaha laso oqabtay.

Tom Beall ayaa sheegay in ay kooxdan xagjirka ah qorsheysteen in ay dhigaan gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey afarta gees ee daar dheer oo ka kooban dhowr abaartment oo ay daganyihiin ilaa iyo 120 ruux oo Soomaali ah, ayagoona isu diyaarinayay in ay weerar waxash nimo ah oo dhiigbadan ku daato ay fuliyaan  9-ka November 2016 ee soo aadan oo ah maalin kadib marka ay dhacdo doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7