Horjooge Xasan Jaamici Oo Maanta Ka Mid Noqday burcada Lagu Halaagay Buufow

Posted Date: 16 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Waxaa Faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay deeegaanka Buufoow, dagaalkaas oo khasaaro badan lagu gaarsiiyay Mooryaanta Habargidir iyo Xulafadooda. Dagaalka ka dhacay deegaanka Buufoow ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay Hoojooge Xasan Jaamici Oo Taliye Urur ka ahaa waxa loogu yeero Guutada Labaad ee Ciidamada Dowlada Federaalka.   Dagaal Ooge Xasan Jaamci oo kasoo Duulay Gobolada dhexe ayaa ahaa Horjoogaha ugu sareeyay oo xilagaan Ku suganaa Gobolka Shabeelada hoose, kadib Markii Mooryaan Goobaale uu Ku laabtay Gobolada dhexe isagoo ka qeyb qaadanaya dagaalada Xilagan ka socda Gobolka Galaduud. Maalmihii ugu dambeeyay Xasan Jaamici wuxuu ahaa shakhsiga la wareegay Dagaal gelinta Mooryaanta Habargidir ee dhibaatada ku haya Shacabka Gobolka Shabeelada hoose, waxaana ugu dmabeyntii Maanta uu ku baxay Gacanta Ciidamada Deegaanka. Dhanka kale waxaa dagaalka maanta Lagu dilay Maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyaad kale oo lasoo kireestay si ay u daadiyaaan Dhiiga Shacabka Beesha Biimaal.   Mooryaanta Daba dhilafyada ah ee dagaalka lagu laayay waxaa ka mid ah Maxamed Shacbaan oo u dhashay Beesha Garre, Horjooge Maxamed Shacabaan ayaa mooryaanta Habargidir u qaabilsanaa soo uruurinta Maleeshiyaadka Kasooo Jeeda Beeshiisa, oo aan la ogeyn Sawabta ay ugu dhimanayaan deegaanada Beesha Biimaal iyagoo la safan Mooryaanta Habargidir. Waxaa Sidoo kale Maanta Dagaalka lagu dhaawacay Horjooge Cali Ganey oo isna kasoo Jeeda Beesha Garre inkastoo wararka qaar ay Xaqiijinayaan in Uu u dhintay dhaawacii kasoo gaaray Dagaalka Buufow. Markii laga reebo horjoogayaasha aan Magacyadooda soo xusnay waxaa jira Maleeshiyaad fara badan oo Calooshood u shaqeystiyaal ahaa oo dagaalka lagu laayay.

Xigasho: markanews.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7