Maamulkii Buuhodle ugu magacaawna Jeegaanta oo usoo wareegay Garoowe, kuna dhawaaqay in ay u jihaadayaan difaaca dadkooda

Posted Date: 10 Jun 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Maamulkii Jeegaanta ugu magacawnaa Gobolka Ceyn iyo degamada Buhoodle Mudane Ismaaciil Maxamed Jaamac ayaa usoo Wareegay Dowladda Puntland.

Ismaaciil Maxamed Jaamac oo si weyn lagasoo dhaweeyay caasimada Puntland ee Garoowe ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan tahay magaalada Laascaano iyo Shacabka dhibaatada lagu hayo oo jo udulqaadanwaayay.

Ismaaciil ayaa sheegay Jeegaanta in ciidamadooda ay godad waaweyn oo dhufaysyo ah ku wareejiyeen magaalada Laascaano iyagoo doonaya inay gabaad ka dhigtaan shacabka.

Mudane ismaacil ayaa ugu danbeytii shaxabka Gobalka Sool iyo Isimada ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka Maamulka Hargaysa looga sifaynayo Gobalka Sool si losoo celiyo xirayadii shacabka iyo Sharaftoodaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale