8 Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Maraykanka

Posted Date: 11 Sep 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Ugu yaraan 8 qof oo uu ku jiray nin hubeysan ayaa lagu dilay Toogasho xalay ka dhacday Tuulladda Plano oo 32 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Dallas ee Gobalka Teksas ee dalkaasi.

Afhayeenka Deegaanka Plano, David Tifley ayaa sheegay inay Saraakiisha Boliska toogteen Ninkii hubeysnaa ee ka dambeeyey dilka 7 qof iyo dhaawaca 2-kale, kuwaasi oo dad qangaar wada ahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad la toogtay ku sugnaayeen Xaflad ay ku daawanayey ciyaar K/cagta.

Dadka Deegaanka ee ku dhowaa Dhismahaasi ayaa sheegay inay maqleen ilaa 30- xabbadood oo la isku weydaarsaday dhismahaasi.

Dhinaca kale, Toogashadda ayaa noqotay mid si joogta ah maalin kasta uga dhacda dalka Maraykanka, waxaana la sheegay in ka badan 10,000 oo qof lagu dilay shilalka lala xiriiriyo Hubka oo sannadkan ka dhacady dalkaasi.

Allidamaale