Madaxa laanta afsoomaaliga ee VOA Abdirahman Yabarow ayaa lagu edeeyey inuu yahey nin ka soo horjeeda siyaasada idacada VOA, ka dib markii ay xaqiijiyeen wariyaal idacada ka shaqeen jirey inuu yahey nin usoo jeestey inuu dagaalada ka holcaya gayiga Somaliya ee qabyaalada ku saleysan iyo tagerida ururka Argagixisada(Al-shabaab iyo kuwa kale) u adeegsado idaacada caalamiga ah ee VOA.uuna si qaldan u isticmaalo masuuliyada uu hayo.
Yabarow wuxuu ka ilaaliyaa intii tabatiis wararka in idaacada uu madaxda ka yahey ee VAO qeybteeda Somaliga laga sii daayo wararka lidka ku ah ama wax u dhimaya Al-shabaab,Wuxuu kaloo is hortaagay in waxgaradka iyo aqoonyahanada aan qabiilkiisa aheyn ay wareysato idaacadu ama ka qaybqaataan barnaamijyada doodaha,waxaa kaloo la xaqiijiyey inuu cadaadis ku saaro wariya yaasha iney san wax ka sheegin Al-shabaab iyo ururada kale ee ka dagaalama Somaliya.
Wariyaal badan oo caan ka ah saxaafada Soomaaliya ayaa idaacada VOA ka shaqeyn jirey intii uusan madaxa sare ka noqon Yabarow, balse waxaa la xaqiijiyey in wariyayaashaas ay isaga tageen idaacada markey arkeen sida uu u dhaqmayo Abdirahmaan Yabarow iyo inuu dagaal ka Soomaaliya ka socda uu qeybka yahay isagoo adeegsanaya idacada VOA.
Fatxiyo M. Cabsiyo oo ka mid aheyd wariyayaasha idacada VOA ayaa wareysi ay bixisey ka hadashey in dhowr jeer uu Yabarow is hortaagey barnaamijyo iyo wareysiyo ay damacdey iney sameyso,waxey kaloo sheegtey inuu si cad ugu yiri "ka bixa afka Alshabaab" mar ay ka hadleysey gabadhii lagu dili jirey kismaayo ee al-shabaab dileen.
Fatxiyo waxey kaloo sheegtey inuu Abdirahmaan Yabrow sidoo kale is hortaagey iney ka hadasho Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee laga kaxeeystay Mareykanka si ay ugu dagaalamaan kooxo diimeedyada Somaliya.
Halkan ka dhageyso Wareysi dheer ee ay bixisey Farxiyo Cabsiye
Dhageyso
Waxaa xiligaan jira Ururo Soomaaaliyeed oo doonaya iney dacwad u gudbiyaan VOA si loo baaro arintaan lagu soo eedeeyey madaxa laanta afsoomaaliga ee idaacada VOA Abdirahmaan Yabarow.
Ururka Somali One Media ayaa ka mid ah ururada Dhaleeceeyey Yabarow uguna baaqey VOA iney si deg deg ah u baarto kiiskaan.
Somali One Media waxey kaloo dooneysaa iney xiriir la sameyso wariyayaashii ka tagey VOA si ay iyana u dhegeysato waxa ay ka yiraahdaan eedeymahaan.
kala xiriir Somali One Media somalionemedia@gmail.com
Puntlandi USA
usa@puntlandi.com
akhriso maqaalo horey looga qorey VOA-da
http://allidamaale.com/Warka.2110.htm
http://allidamaale.com/Rayiga.114.htm
akhriso warqadii ay u qorety Fatxiyo VOA markey shaqada ka tagtey riix halkaan To: Somali Service, Africa Division, VOA, IBB and BBG top executives
Re: Resignation Letter

