|
| ||||||||||
|
|
|
| ||||||||
|
Ethiopia oo hirgalineysa Mashruuc lagu cuna qabteenayo Dadka Somaliyeed >>> |
||||||||||
|
Axad 31 May 2009 |
||||||||||
|
Dowlada Ethiopia oo dhawaan hirgalineysa Masharuuc ay ugu magac dartay Dawa-3, waxeyna gabi ahaanba ku xiraysaa Biyaha Wabiga Juba oo ah wabiga ugu biyaha badan ee soo gala Somalia, kasoo laga dhisyo Quwad Dab oo dhan 246-MW, waxaana laga hirgalinayaa Gobalka liban ee ismaamulka somalida si korantada kasoo baxda looga iibiyo Kenya iyo Somalia. Mashruucan ama wabi xireenkan ayaa Dalka Ethiopia ay ugu tala gashay in ay ka xirto meel wax yar u jirta Magaalada Doolow oo ah halka ay ku kulmaan labada wabi. Tilaabadatani waxey noqoneysaa tii labaad oo ay Dalalka Dariska la ah Somalia ku boobayan Dhulka, Biyaha iyo kheyeraadka Somalia tan iyo markii lasoo dhisay Dowlada Sh. Shariif , waana Tilaabo loo qaaday dhinaca Quna Qabateynta Dadka Somaliyeed oo la ogyahay in ay noloshoodu ku xirantahay Wax soo saarka Beeraha iyo Wabiga Juba iyo sidoo kale Daaqa Xoolaha laf dhabarka u ah nolasha Dadka Somaliyeed, waxaan horey markhaati uga aheyn Boobkii Dalka Kenya ay ku xalaalesatay bada iyo Kheeyraadka Somalia oo ayna ug magacdartay (Memorandum of understanding) Hadaba dibin daabyada labad oo ay Ethiopia ku damacsantahay ineey ku baabiso umada Somaliyeed ka akhri hoos, kasoo ku tusay damac soo jireenka ah ee guracan oo ay Ethiopia ku dooneyso ineey ku baabiso umadan wax magaratada ah ee Somaliyeed, waxaan ku muuqanaaya sida loogu heshiiyay Dadka iyo Dalka Somaliyeed, wana arin cad oo markhaati kugu filan kana turjimeysa in dalkii horey loo oran jiray Somalia lakal qeeybsaday, balse su’aashu waxeey tahay....... Dowlada u madaxda ka yahay Sh. Shariif Sheikh Axmed wax maka ogyihiin, waxse maka qabankaraan? Ma ayagaa u saxiixay oo u ogalaaday? Hadey maya tahay maxey u amusan yhiin oo ay oga hadli waayen? Ka akhri halkan > http://cyberethiopia.com/news/?id=140124 Fiiro gaar ah oo kugu filan ka tusaale qaadasho awooda Quwada dabka ee Ethiopia ay damacsanatahay iney hirgaliso. Mashruusii Quwada Dabka Faanoole ee Dagmada Jilib ayaa soo saari jiray Dab dhan 5-MW oo aan lawada istic maalijirin, kasoo gaarsiin jiray 50-KM oo ah Jilib ilaa iyo Mashurcii Bariska ee Tulada Kamsuuma, hadaba waad garan kartaa 246-MW inta u leg yahay Mashruucani iyo dhaqaalaha la rabo in lagu abuuro.....
Allidamaale.com |
||||||||||
|
Thanks For your Visiting |
|
|||||||||