Sida uu sheegto waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo. Da’diisa iminka kama yara 75 jir.
Inkastoo uusan fursad u helin waxbarasho rasmi ah waxa uu ku amaanan yahay sida uu isu dabirey. Ugu horayn waxa uu dareewal u noqday naxariista jannada Allah ka waraabiyee Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud.
1960 xoriyada ka dib marka uu Marxuum Cabdullahi Ciise Maxamuud uu noqday Wasiirka Arimaha Dibeda ugu horeeyey ee Jamhuriyada Soomaaliya, Dhabancad ilaale buu ka noqday Wasaarada Arimaha Dibeda qudheeda. Mudo gaaban ka dib buu ku guulaystay tababarka saylada isgaarsiinta daahsoon (cypher). Ka dib baa Dhabancad ku–qabsane (attaché) is gaarsiinta looga dhigay Safaaradaha Soomaaliyeed ee London uu Danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe ka noqday Danjiraha Soomaaliyeed ugu horeeya ee halkaas ka hawl gala. Seddax sano ka dib baa Dhabancad laga dhigay Xoghayaha sedaxaad (third secretary).
Laga bilaabo maalintaas, buu Dhabancad la soo baxay firfircooni xad dhaaf ah isaga oo ka faa'idaysanaya darawalnimadiisii oo ay ku dheehantahay fariidnimo dheerad ah, iyo isagoo ku fiicaan fulinta hawlaha odayaasha xishooda (fataalnimo).
Bilawgii 1980, Dhabancad waxaa loo bedelay Safaarada Soomaaliyeed dalka Bakistan taasoo La Taliye (Counselor) ka ahaa. Maadaama uu Dhabancad xiriir gaar ah la lahaa Wasiirkii Arimaha Dibeda, Mudane Cabduraxmaan Jaamac Barre Buluqbuluq hawlwadeenadii ay wada shaqaayn jireen aad iyo aad baay u baqi-jireen. Diblumaasiyiintii Soomaaliyeed xiligii Dowladii Allah u naxariistee Maxamed Siyaad Barre kama qarsooneen hawlaha fataalnimada uu Buluqbuluq (iyo rag kale oo madax sida Danjire Qaybe, iwm) ay ku jeclaayeen Dhabancad. Iyo sida Buluqbuluq iyo Dhabancad u wada ciyaari jireen ciyaarta loo yaqaan tenniska.
1983 Dhabancad waxaa loo bedelay Nairobi. Hawlaha uu magaaladaas ka qabtay ilaa iyo hadeer lama soo koobi karo.
Dabayaaqadii sideetamaatkii, Buluqbuluq oo aad iyo aad ugu kalsoonaa Dhabancad, baa Danjire waxa uu uga dhigay Dalka Bakistaan. Waxaa xusid mudan in xiliyadaas Allah u naxariistee S/G Maxamed Faarax Caydiid uu Danjire ka ahaa Dalka India. Sida la wada ogsoon yahay waxa ay yihin beel wadaag waxaana ka dhexeeyey xiriir adag.
Dadka sida gaarka aqoonta u leh Danjire Dhabancad waxa ay ku wada tilmaamaan in uu yahay is koris ku dheereeya xeeladaha reer magaalnimada iyo gaar ahaan u adeegida aan xadka lahayn raga iyo dumarka madaxda u ah.
Arimahaan awgood buu Dhabancad ku mutaystay in xaaskiisa iyo caruurtiisa ay Dowladii Marxuum Maxamed Siyaad Barre ku masruufto Mareekanka ka dib markii uu Buluqbuluq uu Xamar uga baahdey Dhabancad.
Mudadii uu Dhabancad Danjiraha ka ahaa Islamabad, dowlada Bakistaan waxa ay Soomaaliya ugu deeqday waxbarasho (scholarships) aad u tira badan. Sida la wada ogsoon yahay deeqdaas wax barasho Danjire Dhabancad laba qaybood oo ardey buu u kala qaybiyay. Tolkiisa (Cabdalla Sacad) uu lacag la’aan ku siiyey iyo Soomaali inteedi kale uu ka gatey.
Akhristayaasha sharafta leh ee bogga Allidamaale waxa aan ogeysinaynaa in aan ka xishooney in aan soo ban dhigno warbixino kale ee laga qoray Danjire Dhabancad mudadii uu diblumaasiga ahaa.
1991 Danjire Dhabancad waxa u si cad ugu xuubsibtay sarkaal sare ee ka tirsan Jabhadii la oran jiray USC. Ugu horayn waxa uu ka mid noqday taageerayaashii Madaxweeyne Mudane Cali Maxdi Maxamed. Hasa yeeshee markii Mudane Cali Mahdi Maxamed ay is qabteen Allah u naxaristee S/G Maxamed Faarax Caydiid, Danjire Dhabancad waxa uu ku biiray kooxda Marxuumka maadaama ay beel wadaaga yihin, xiriir hoosena uu ka dhexeeyn jiray.
Danjire Dhabancad kaalin aad iyo aad u wayn buu ka qaatey xasuuqi uu geystay S/G Marxuum Caydiid, maadaama uu dibeda uga soo daabuley saanad milatari kala duwan (hub, rasaas iyo tuute) iyo dhaqaale. Waxa aan qarsoodi aheyn in Danjire Dhabancad uu dalalka Ukraine iyo Belarus ka keenay hubkii, rasaastii iyo sanaadii uu S/G Marxuum Caydiid ku xasuuqay maatadii Gaalkacyo.
2006 Danjire Dhabancad waxa uu ka mid noqday ragii aas’aasey Maamul Goboleedka la magac baxay Galmudug, kaasoo uu ka noqday Madaxweeyne ku Xigeen. Waxaa xusid mudan in xiligaas Danjire Maxamed Warsame Cali Kiimiko uu ahaa Madaxweeynaha Galmudug. Labadaan Danjire waa beel wadaag.
2008 Madaxweeyne ku xigeenkii Galmudug waxa uu dib ugu noqday Islamabad, wuxuuna xoog iyo mooryaanimo dib ugu laabtey hawshii Safiirnimo uu iskiisa isaga tagey. Halkaas uu ka sii watey mukhalsnimada uu macallinka ku yahay.
Hadaba waxaa is weydiin mudan sababta Madaxweeynaha DFKMGS Mudane Shiikh Shariif uu faataale, laalush cune, gacan ku dhiigle la mid ah Danjire Dhabancad ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibeda?
Tan labaad maxay tahay sababta dhabta ah uu Danjire Dhabancad kula taliyey Madaxweeynaha DFKMGS iyo Wasiirka Arimaha Dibeda Mudane Cali Axmed Jaamaca Jangeli oo asxaabtiisa u taqaan Fowfowle in la xiro sideeda Safaaradood?
Xogo hoose oo isasoo taraya kuwaasoo ku soo qulqulaya warqabadka Allidamaale waxa ay tibaaxaysaa in Danjire Dhabancad uu lug wayn ku leeyahay talada lagu iibiyay Guryaha uu Qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Safaaradaha la xirayo. Waxaa kaloo taagan sababta ku kaliftay Danjire Dhabancad in uu idaacada BBC uga daba hadlo Wasiir Cali Fowfowle?
Dhageyso wareysi BBC u siiyay Danjire Dhabancad
Dibindaabyada siyaasadeed uu maleegayo Danjire Dhabancad waxaa si fudud looga dhadhansan karaa wareeysigiisa BBC, maadaama uu daaha ka qaadey in iibsashada hantida Qaranka ay tahay mid ka mid ah danaha laga leeyahay xeritaanka ku meel gaarka Safaaradaha. Iyo in sideedaas Danjire uu xiligoodii idlaaday.
Dhageyso wareysi BBC u siiyay Danjire Dhabancad
Qoraalada tirada badan aynu ka helno Akhristayaasha sharafta leh ee bogga Allidamaale waxa ku wada cad caro lixaad leh oo ku wajahan dibindaabyada siyaasadeed ay ku hawlan yihin siyaasiinta iyo hawlwadeenada DFKMGS uu gar wadeenka ka yahay Axmed Tuke. Waxa aan shaki ku jirin in Danjire Dhabancad uu doonayo in uu hilfaha u qaado DFKMGS oo sii liiceysa waayo gacan saar hoose buu la leeyahay mid ka mid ah garabyada Ahlu Sunna wal Jameeca ee Galmudug.
Ugu dambayn, qoraalada xiga waxa si buuxda looga dhadhansan karaa siyaasadaha soo jireenka ah uu ku shaqeeyo Danjire Dhabancad, kuwaasoo gabigoodaba lid ku ah shacabka Soomaaliyeed ee ku ab tirsada gobolada Puntland.
http://hobyoradio.com/0814067.html
http://www.hobyoradio.com/8,25,81.htm
http://www.mudugonline.com/viewArticle.php?articleid=1472
http://mudugnet.com/Arimaha%20Bulshada/November/05_talo%20ku% 20socoto%20maamulka%20sare%20ee%20Galmudug.htm
http://www.hobyo-one.com/index.php?name=News&file=print&sid=112
http://www.halgan.net/view_article.php?articleid=3268
http://www.waagacusub.com/news/20.08.08.3.htm
Xafiiska Warqabadka Shabakada Allidamaale Muqdisho Edition
