ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroorti
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroorti
11:00 Barqadii
14:00 Duhurki
18:00 Fiidniki
   

Faalo iyo falanqeeyn Qeybtii 1: Maxay tahay danaha Nuur Cade kaleeyahay Fashilinta heshiiskii Jabuuti?

Arbaco 27. 08. 2008

Somalia - Hadanu Faaleeyno amaba falanqeeyno khilaafkii Dastuuriga ee u dhaxeeyay Madaxda sare ee Dawlada hadase lasheegay ineey ka heshiyeen iyo halka uu salka ku hayo.

waxaanu lawada soconaa amba kadharagsanayahay in iscasilidii  Ra'iisul wasaarihii hore ee Dowlada Fadaraalka Geedi ay banaantay kursiga u hada kufadhiyo Nuur Cadde,taasina ay keentay in  tartan ay ugalaan rag badan oo doonayey in ay qabtaan jagadaas.

Raga la saadaalinayey ayaa waxaa ka mid ahaa Gacmadheere oo ay u arkeen dad badan oo siyaasada indha indheeya in aan cidina uga habooneeyn jagadaasi. Waxaa feer socday xusul duub weeyn oo ay wadeen beesha Ra'iisul wasaarihii hore, kuwaaso la yimid  Nuur Cade si uu ubuuxiyo jagadaasi.

Cabdulaahi waxaa uu jeclaa in jagadaas uu qabto  Gacmadheere. Laakiin cadaadis ay saareen Maxamed Dheere, Cali mahdi iyo odayaal ka soo jeeda beeshii Cali Geedi oo u kamid yahay Imaamka Beesha ayaa kaliftay in Cabdulahi talada udaayo,Maadaama ay beeshu si hagar laaan ah u taageertay dawlada ayaa waxaa uu cabdulaahi ku khasbanaadey in uu liqo oo uu magacaabo nin uusan aqoon u laheyn siyaasadiisa iyo dhinac u ujanjeero.

Markii la magacaabey Nuur Cade ayuu waxaa uu bilaabey markiiba in uusan la tashan madaxda kale ee dawlada. Waxaa uu iskiis u soo magacaabey rag lagula taliyay in uu magacaabo si ay garab iyo talo u siiyaan isaga. Waxaana ka mid ah abdisalaan hornafriik iyo wasiirka arimaha gudaha. Waxaa durbadiiba  lagula taliyay in uu qaado tilaabooyin ka careysiiya Cabdulaahi isgoo sameeyey waxyaalo farabadan oo cabdulaahi ka xanaajiyay. Sababtoo ah waxaa laga dhaadhiciyey  in Cabdulaahi xiligaan khilaaf dhexdiina ah usan diyaar u aheeyn,maadama  isaga iyo geedi isqabteen geedina isga taagay meesha khasab beey ku tahay in u kaa lex leexdo hadii kalena waxaa aduunku u arkayaa in uu odeygu khaldanyahay.

Hassan C

 

Fikirka Qoraagu Kama turjimayo Aragtida iyo Siyaasada Allidamaale.com

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com