ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   

Qeybtii 2: Maxay aheeyd danahii Nuur Cade kalahaa Fashilinta heshiiskii Jabuuti?

Khamiis 25. 09. 2008

Somalia - Cabdulaahi waxaa uu ku dadaaley aamusnaanta. Nuurna waxaa uu arkey odeygii oo aan hadleyn markaasuu yiri waxaa la sheegayey waa run sharcigana adiigaa ugu sareeya oo kaba weeyn.

Waxaa uu hilmaamey halganka ragga qaarkii u soo galeen kursiga uu ku fadhiyo. Isagoo shaley la keeney ayuu kuwii naftooda u huray iskaga dhaweeyey. Madaama odeygii laga waayey hadal ayaa waxaa la dhisay qorshe kale oo cad macnaheeduna ahaa in dawlada baalasha laga rifo si muqaawamada ay jaanis u hesho. Waxaa lagula taliyey in Ra'iisul wasaaruhu meesha kasaaro oo uu ceyriyo raga garbaha u ah dawlada sida maxamed dheere,cabdi qeybdiid,darwiish. Waxaa sidoo kale lagula taliyey in uu reerka iska horkeeno si halkaas janis looga helo.taasna waxaa u daliil ah mareeyihii dekeda ayuu xilkii ka qaadey. Maxamed dheere ayuu xilkii ka qaadey labaduba waa isku jifo.taas waxaa sii dheer oo dadka ka yaabisay markii la arkey nin loo magacaabey sii haye oo loo mudaharaadayo oo la leeyahay waan taagersanahay, taasoo uu ka danbeeyey Nuur Cadde si reerka la iskugu diro loona abuuro jawi colaadeed.

Taas waxaa uu ku sii darsadey isga oo inkiraya baarlamaankii ansixiyaay inuu jagadaas qabto si aqlabiyad lehna u ogolaaday,oo u iska diiday inuu horyimaado lalana xisaabtamo.

Waxaa  taa kadaran  isaga oo aruursadey lacgtii dawlada oo dhan ilaa iyo hadana aan la ogeyn halka ay martey. Taasso uu ka faaideystay aamusnaanta cabdullahi uu farah kalabtay  ogaansha dakhliga doowlada asogoo diidanaa in loo arko faragalin.

markii danbena Waxuuba lataliye kadhigtay axmed cabdisalaan oo had iyo jeer taleefoon kula hadlaya aabihii cabdi qaasin iyo adeerkiis xasan aweys.

Waxaa marmarsiyo laga dhigtay waxaan gobolada u sameyneynaa maamulo. Waxaa ay ka bilaabeen magaalada beledweyne iyagoo casiley dabageed waxaana taas ka danbeeyey wasiirka arimaha gudaha iyo axmed cabdisaal.

Taasi waxaa ay keentay in magaaladii nabada aheyd ay gacanta u gasho muqaawamo. Oo laga dhamaan waayo taasoo keentay in dadkii shacabka ahaa lagu duldiriro. Aakhirkiina waxuu uu u soo dhacey maxamed dheere isaga oo damacsanaa in xamarna uu ka dhigo sida baledweyne.

Odeygiii baa hurdadii ka kacey markii loogu yimid xamar, kolkaasu Nuur Cadde bilaabey qar iska xoor, taasoo kuu cadeyneysaa markii ay iscasileen 3 meelood labo in maalintii ku xigtey uu magacaabo wasiiro isagoo aan la hadlin kuwii iscasiley latashina kala sameeyn Madaxweynihii soo magacaabay, taasi waxaa ay ku tusineysaa sida Nur loogu hayo remoodka.

Hadii aan dib ugu noqdo Csilaadii uu la damacsanaa Maxamed dheere iyadoo aan loo geyn  wax warqad shaqo ka joojin ah ayaa waxaa laga sheegey radiyaha hornafriik maalmo ka hor, taasi oo ku tusineysa in odeyga nuur cade ah qar iska xoor nimo u wado.

Mar uu la hadley idaacadana waxaa uu ka sheegey in sababta la isku casiley ay tahey in la carqaladeeyo shirka. Waxaaba uu hilmaamey waxa dirirey in ay ahaayeen muqaawamo iyo raga dawlada geeyey xamar oo isagu suubis ku yahaey, kiwii dirar sanaa ee larabay in la heshisiiyo u asagu hortaagan yahay.

Hadaba nuur waxaa uu sii fogeeyey nabadii iyo dib uheshisiintii lasugayay mudaad dheer,  isagoo u adeegaya Wadamo shisheeye oo somliya dano kaleh kuwaaso qaarkood kadhigtay Somalia difaaca buluu nile si aysan Ethoipia u faragalin wabigaas.

Hadaan yara ifiyo markeey labada oday isugu tageen Ethiopia oo lagu howlanaa dhex dhaxaadin tooda ayaa..... hayaay......waxaa markaliya soo baxay oo mudh soo yiri gacantii qarsooneeyd  ee dhabarka Nuur Cadde taagneeyd waakuma gacantaasi waa kuwii madalayaasha ahaa ee 18-ka-sano sidii macawistii nagu marnaa, waa Masar iyo Talyaaniga, safaradihii ay ku lahaayen Ethiopia ayaa markilya bilaabay dhaq dhaqaaq siyasadeed iyo fir fircooni aan horey loogu aqoon, waxeeyna kulamo iyo talefoonba ku badayeen Nuur Cadde, halka u Cabdulaahi iska diiday la kulankooda.

Waxaay cagta ku badayeen Nuur Cadde aygoo ka dadaalaya in aysan isfahmin labada Oday,hayeeshe wakhtiga iyo duruufaha ayaa nur usaamixi wayaay fulinta codsiga Dowladahaas, waxuuna maanka ku hayaay oo had iyo goor idaacadah kasoo yeerayaay mindiyo afeeysadka kasoo yeeraya Baarlamaankii u ka meer meeray, oo raba in ay gees biciid kuleeylka ku gooyaan.

gaba gabadii waxaa tuusaale inoogu filin Maxamed Dheere markuu lahaa waxaa shidada ku lug leh oo sii shidaya Dad ajaanib ah, marabana inaan hada sheeg sheego,balse hadeeysan nadeeyniin waan sheegaya waxeey igu yirahdeen, taaso u oola jeeday codsi ay usoo gudbiyeen kol hore aygoo faray inuu fududeeyo cinqilaab lamaleegay qaatana lacag farabadan, hasa yeeshe maxmed Dheere wuu iska diiday taladaas. 

 

Fikirka Qoraagu Kama turjimayo Aragtida iyo Siyaasada Allidamaale.com

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com