ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroornimo
16:00 - Fiidnimo
17:00 - Habeenimo
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroornimo
11:00 Barqanimo
14:00 Duhurnimo
18:00 Fiidnimo
   

Kongreska Mareykanka oo u ogalaaday CIA Mareykanka 400 Milyan oo Dollar sidii loo bur burinlahaa brogaramka atoomig ee Dowlada Iraan.

Talado July 01 2008

USA- Wadanka Mareykanka ayaa bilaabay howalgal qarsoodi ah oo lagu la dagaalamaayo Dowlada Iran, ujeedka qorshahaasina u yahay in larido Doowlada hada jirta ee Waddanka Iran si loo joojiyo gabi ahaanba sameenta nukliyeerka.

Sida u qoray warges kasoo baxa dalka Mareykanka , nin qariyaay magaciisa ayaa u sheegay wargeskaasi in kongreska Mareykanku siyaay hay’adda sirdoonka ee layiraahdo CIA 400 milyan oo Dollar, taaso looga goleeyahay in lagu sameeyo jabhado ka horjeeda  Dowlada Iran.

howalgalkaan qarsoodiga ah oo la rabo in laga hirgaliyo xuduuda ay wadaagan Ciraq iyo Iran, balse arintaasi waxaa diiday oo waxkama jiraan ku tilmaamay Safiirka Mareykanka u fadhiya  Dalka Ciraq, asgoo sheegay in aysan marnaba dhaceeyniin arintaas lasheegay.

White houseka ama Hay’adda Sirdonka ee CIA ayaa iyagu diiday ineey wax jawaab ah ka bixiyaan edeymahaas lagusoo ogay wadanka Mareykanka.

White houseka ayaa asgu ku adkeestay in strategiyada Mareykanka ee ku wajahan Dalka Iran inuu yahay oo kaliya in cidlo lataago Dalka Iran oo macnaheedu  yahay godoomin laga godoomiyo aduunka intiisa kale, hase ahaate Madaxweynaha Dalka Mareykanka George W. Bush ayaa horey u sheegay in waxkasta oo macquul ah oo talaabo looga qaado dalka Iran ay furantahay si buuyiri loo joojiyo sameynta nukliyerka Dalka Iran.  

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka USA

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com