|
Somalia-
Wararka nagasoo garaya Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiraan ayaa
sheegaya in saakay Ciidamada Ethiopia oo ku hubeysan gawari dagaal oo
farabadan ay u ruqaansadeen dhinacaa iyo Baladweyne iyadoo lasheegay
kooxohii kusugnaa Magaalada Baladweyne ayaa isga baxeen halkaas.
Cidamada Ethiopia ayaa lagusoo waramayaa ineey
lakulmeen iska caabin aan saas usii weyneen, ayadoo kooxo aan badneen oo
ku sugna dafah Magalada Baladwene ay dagaal lagaleen Cidamadii Ethiopia
ee kusii jeday Magaalda Baladweyne si ay ula wareegaan gacan kuheynta
Magaaladaasi.
Wararku waxeey intaa ku darayaan in kooxihii laga awood roonaadeen ay
faaruqiyeen dhamaan magaalada Baladweyne ayagoo lasheegay ineey u sii
dhaqaaqeen dhinaca Beer Xano ee xiga Buule Burde ee Gobolka Hiiraan,
ayadoo lasheegay in ay ku baxeen cidamada Ethipia halkii ay u dhaqaaqen
Kooxihii kabaxay Magalada Baladweyne.
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |