|
Somalia-
Qoxooti Somaliyed oo ku nool Dalka Greek ayaa waxaa lagsoo sheegayaa
nolool xumo lasoo daristay kadib markeey Dowlada Dalka Greek udiiday
aqoonsi Qoxootimo, tasoo kentay ineey gabi ahaanba wayaan waxyabihii ay
ku dhisneed nolasha adanaha, sida hoyga, cunada iyo daweeynba.
Rux ka mid ah dadkaas Somaliyed ee ku dhibaateysan
wadankaasi greek oo nalsoo xiriiray asagoo naga codsaday inaan magciisa
la shaciin ayaa Allidamaale.com u sheegay ineey duruufo adagi lasoo
daristay xaladooda nololeedna ay haatan u muqato mid adag, wuxuuna intaa
kudaray Dadka Somaliyeed ee jooga Dalka Greek ineey u badanyihiin dumar
iyo caruur kuwaaso mararka qaar booliska Wadanka Greek ay kula kacaan falaal
ay kamid yihiin kufsi iyo jirdil aan loo abayeelin.
Waxaan ka codsaneynaa Dowlada Fadaraalka Somaliyeed
iyo dhamaan bulsha weynta Somaliyeedba ineey gurmad Somalinimo noo soo
sameyaan, umada badan oo an tashan karin ayaa halkaan jooga meel ay
adaan iyo wax ay sameyaan toona an garaneyn, sidaas waxaa yiri
dhibanahaas Somaliyeed ee ka mid ah dadka jooga Dalka Greek.
Dadkaan Somaliyeed ee ku dhibaateysan Wadankasi
Greek ayaa markoodi horeba ku yimid si aan kafirsi laheen, halka ay
weydisanayaan magan galyo Qoxootinimo, aygoo baxsad un ka ahaa
dagaalada macno darada ah ee 19 sano jirsaday, waxaana la orankaraa
arintani waxeey tusaale cad utahay inkaarta ku dhacaday bulsha weeyntii
Somaliyeed kuwaaso duruufo kala duwani ay ku hayso dunida dacaladeed,
ayagoo la ildaran arxan la’aan, mustaqbil la’aan iyo dowlada la’aanba,
mana muuqato tanaasul iyo garoowsho ka imaanaya kalifayaashii qaxiyaay
umadaas si loo gaaro nabad galyo waarta oo umaadisi ay dib ugu soo
noqdaan dalkoodi hooyo.
Hassan
Allidamaale@hotmail.com
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |