ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   

Shir ahmiyad weeyn ugu fahdiya umada Somaliyeed oo UN Human Rights Council iyo Sufaraadaha Afrikaanka ee Geneva fadhiya ay yeeshen ayaa ka  dhacay Magaalada Geneva Ee Dalka Swizerland.

Axad 28. 09. 2008

Geneva - Shir ahmiyad weeyn ugu fahdiya umada Somaliyeed oo UN Human Rights Council iyo Sufaraadaha Afrikaanka ee Geneva fadhiya ay yeeshen ayaa ka  dhacay Magaalada Geneva Ee Dalka Swizerland, waxaana Dowalda Somaliyeed ooga qeeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo saldhiggisu ku yaal magaalada Geneva, Dalka Switzerland Mudane Yuusuf Bari-Bari.

UN Mandated Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia makes his first visit to Somalia & African Group welcomes the Djibouti peace process and condemns Al-Shabab attacks on AU peacekeapers.

Geneva - Shirkii sagaalaad uu Golaha Xuquuqal-Insaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ku yeeshey magaalada Geneva 8 illaa iyo 23/ka September 2008 waxaa lagu gorfeeyey warbixinno iyo bayaanno fara badan.

19 September 2008 Khabiirka cusub ee Caalamka u xil-saaraan Xaaladda Xuquuqal-Insaanka ka jirta dalka Soomaaliya Dr. Shamsul Bari oo ah nin Muslim ah Garyaqaana ah una dhashey Dalka Bangladesh wuxuu soo bandhigey warbixintiisa ugu horreysa.     

23 September shir albaabadu u xernaayeen oo ey ku wada kulmeen dhamaan Sufaraada Dalalka Afrika u fadhiya Xafiiska Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa saldhiggiisuna ku yaal magaalada Geneva waxeey aqlabiyad buuxda isku raaceen bayaan rasmi uu Shirka ka jeediyey Safiirka Masar oo ah xiriiriya guud siyaasadda iyo xiriirka ey Sufaraada Dalalka Afrika la leeyihiin Golaha Xuquuqal-Insaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa. Sufaraada Dalalka Afrika waxeey dhaleeceeyn culus dusha uga tuureen kooxaha xag-jirka oo dhibaatada ba'an ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo cidamada naba-ilaalinta AMISOM. Waxeey kaloo hoosta ka xariiqeen ahmiyada gaarka ah in taageero Caalami loo fidiyo DFKMS iyo geedi socodka wada hadallada Jibuuti. Sufaraada Dalalka Afrika waxeey ugu dambeeyn si gaar ah hoosta uga xariiqeen xusuus ku socota Khabiir Dr. Shamsul Bari in uu ku ekaado xilka loo xil-saareey kana fogaado talo-bixinta ku socota gaar ahaan Golaha Amniga ee Jimciyadda Quruumaha
ka dhexeysa.
ka dalaco halkaan Guji 1 2 3 4 5 6 7 8 9  10 11 12 13  Next

Hassan C                                                                                                                        Allidamaale   



Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com