ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   
Faalo: Maxaa sababay in H.I.V.aids.uu waa yahaan danbe ku soo bato Dalka  soomaliya?

Arbaco 01. 10. 2008

Faalo: Waxaan ku salaamayaa dadka  soomaaliyeed salaamta islaamka  oo ah :Asalaamucaleykum.Waxaan kaloo,oogu Hanbalyeynayaa   Ciida barakeysan ee  ciidul fidriga anoo ilaah   ooga  baryeya sanadkaan  kiisa  barwaaqo  iyo Bashbash.Waxaan rabaa  inaan  wax yar  ka hadlo  cudurka  la yiraahdo.H.I.V.aids.oo waa yahaan danbe ku soo badanaya  soomaliya, iyo dhibaatada  ka jirta dhulkeenii  hooyo.Waxaan ku tagey soomaliya safar  waxaana  tagey gobalada (Puntland.)Runtii soomaliya  waa  isku wada mid  waloow  xanuunkaas lagu  kala  badan yahay ma rabo. sida  loo kala  badan yahay inaan  sheego maxaa yeelay  soomalidu  way wax qaloociyaan  marka  qofkii raba takhaatiirta soomaliya  ka shaqeysa  ayuu kala xiriiri karaa.Sidaad  oo la socotaan dad badan  oo somaliya ku nool  ayaaba  u maleeya cudurkaan  inuu sheeko kaliya  uu yahay  wax jirana  uusan aheyn markaad kala  hadasho waxey  ku leeyihiin  war  sheekada bbc da  naga daa.Runtii  arintaas  waa wax laga  naxo, maxad soomaliya  ka sheegtaa  kuwo  badan oo   yurub ku nool  ayaan rumeysneyn  cudurkaas.Calaakulixaal  cudurku wuu jiraa waxaana  keena  sida  takhaatiirta  ay sheegeen Arimo  badan  waxaa ka mid ah.

Galmada,dhiig qaba oo qof kale lagu shubo,dantistaha  oo qalabkiisa nadiif aheyn oo qof qaba  ilkaha  kaga baxshay ka dibna qof kale  kaga  badala.NB: waxaa kaloo lagu daray hadii labo qof ay is dhunkadaan oo mid  ka mid ah uu ilkaha ka dhiigo  ka dib  uu dhunkado uu halkaas  uu dhiiga wasakheysan ku qaato  yacnii  uu dhiigaas wasakheysan uu liqo  taasina  waa khatar  oo dad badan  kuma baraaruksana,iwm.dhalinyaro badan ayaan la sheekeystey waxay  ku leeyihiin waxii ilaah noo qoro  waayimeyno hadalkaas   waa sax laakin ilaah  meel is dhig kuma dhihin.ee waxuu ku yiri waxa xun  oo dhan  iska ilaali.hadaba sidee  la isaga  ilaalin karaa   cudurkaas??inta  aanan  ka jawaabin  horta  anaga  waxaa nahay  dad muslimiin ah ilaahna  waxuu  naga  xarimay  waxyaalaha  khabiithka  ah, sida sinada, khamriga, iwm. marka  waa inaan  iska  ilaalinaa gogoldhaafka, kuna  Ekaanaa  xaaskeena rag iyo dumarba,wax yaalaha  keeni kara  iska ilaalino dhiiga wasakheysan  dantiistaha iwm.markaan  guursaneyno  iney  labada qof  mid walba  uu iska baaro cuduradaas  ayagoo caafimaad qabana  la isguursado.

Waxaa hada in mudo ah  laga bilaabey  wadamo muslimiin ah in labadii  isguursaneysa  ay soo qaataan shahaadada  caafimaadka  hadii kale  looma ogola  iney isguursadaan.marka  waxaan  soomaalida  kula  talinlahaa   gabadhii,iyo wiilkii  guursanaya  in qof walba uu la yimaado waraaqda baarista  si ay  u dhisaan guri  caafimaad qaba.xataa somaliya  hada  waxaa la sameeyey  goobo  lagu baaro cudurkaas   iyo  kuwo badan  oo jira,  marka  qofka jooga masalan muqdisho,boosaaso,galkacyo.garoowe,hargeysa,burco.iwm wuu heli karaa  goobo lagu baaro.marka dhalin yareey cudarkaas iska  ilaaliya waa dilaa, sinada  ilaah xarimeyna  ka fogaada  iyo  wadooyinkeeda   hadaad  rabtaan  inaad  badbaadaan,aduun  iyo aakhiraba.waxaa  kaloo ay iska  ilaalineysaa  hooyada  afrika  joogta markey  umuleyso  iney  qalab  nadiif ah  lagu  umuliyo, oo aysan  isticmaalin  wax duug ah  taasina  waa  muhiim.mar  aan takhtar  jooga  soomaaliya  aadna  ula  socda  cudurkaas waxuu  ii sheegay  in uu cudurka  faro  kulul  ku hayo wadanka  xataa  mararka qarkood   gobolada  soomaliya  qaarkood  hadaa  ku dhahdo  qofka  cudurkas  ayaa  lagaa helay  uusan takhtarkaas  badbaadeen  sidaa  darteed  uu dadka  uu ku kalsoon yahay  u sheegaa kaliya,  si uu nafsadiisa  u badbaadsho, soo arin cajiib ah  ma"aha  akhristoow???

Sheekada  qeybteeda Labaad la soco.

ASC.C/Qani.Sh.Ismaciil.

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com