|
Somalia -
Deeq lacageed oo
gaareysay $600-doolar oo ay soo dhibeen gabdho Soomaaliyeed oo ku nool
dalka Norwey gaar ahaan magaalada (Barum) ayaa loo qeybiyey dhaawacyada
jiifa isbitaalka Madiina, caruur agoon ah , dad Indhoolayaal ah iyo
qoysas danyar ah.

Deeqdaan oo loo soo wakiishay gabdhaha kala ah Aamino Sheywaal iyo
Maryan Maxamed Siyaad kuwaas oo iyagana u soo wakiishay Maxamed Cusmaan
Aadan oo ah xoghaya guud ee dalladda waxbarashada (FENPS) ayaa si isku
mid ah loogu qeybiyey Inka badan 100-qof oo ku dhaawacmay duqeyntii ugu
dambeysay ee ciidamada AMISOM u geysteen qaar kamid ah xaafadaha
Muqdisho.

Maxamed Cusmaan Aadan iyo Dr. Cali Cadde oo is kaashanaya ayaa
$300-doolar una dhiganta Sh. Soomaali ahaan 10-milyan seddax boqol iyo
konton kun oo shilin Soomaali ah waxa ay u qeybiyeen 105-qof oo
dhaawacya kala duwan qaba oo jiifa isbitaalka Madiina oo ah isbitaalka
badanaa la dhigo dhaawacyada dadka ku waxyeelooba duqeynta ciidamada
shisheeye u geystaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale $300-doolar
ayaa waxaa la gaarsiyeey caruur yaryar oo agoon ah iyo dad Indhaoolayaal
ah iyo qoysas Soomaaliyeed oo aad u dhibaateysan, waxaana deeq lacageed
la siiyey 70-caruur agoon ah iyo dad Indhoolayaal ah, waxaa sidoo kale
deeq lacageed la guddoon siiyey qoysas tabaaleysan oo ku nool xeryaha
dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan
deegaanka Lafoole.

Dhamaan dadka la guddoon siiyey deeqda lacagta ah oo ay soo dhiibeen
gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norwey ayaa si weyn ugu duceeyey
gabdhihii deeqdaan soo dhiibay, waxaana ay ugu baaqeen inay sii laba
laabaan kaalmooyinka nuucaan ah ee ay walaalohooda Soomaaliyeed ku garab
istaagayaan.

Si kastaba ha ahaatee
deeqdan ay soo dhibeen gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norwey
ayaa ah mid ku dayasha mudan oo looga maarmayo gacan hoorsiga hay'adaha
shisheeye ee badanaa aan la imaan wax qabad dhab ah oo ay ku gacan
siinayaan shacabka Soomaaliyeed oo xiligaan ay heysato nolol aad u
liidata.
Deeqdaan oo loo soo wakiishay gabdhaha kala ah Aamino Sheywaal iyo
Maryan Maxamed Siyaad kuwaas oo iyagana u soo wakiishay Maxamed Cusmaan
Aadan oo ah xoghaya guud ee dalladda waxbarashada (FENPS) ayaa si isku
mid ah loogu qeybiyey Inka badan 100-qof oo ku dhaawacmay duqeyntii ugu
dambeysay ee ciidamada AMISOM u geysteen qaar kamid ah xaafadaha
Muqdisho.
Maxamed Cusmaan Aadan iyo Dr. Cali Cadde oo is kaashanaya ayaa
$300-doolar una dhiganta Sh. Soomaali ahaan 10-milyan seddax boqol iyo
konton kun oo shilin Soomaali ah waxa ay u qeybiyeen 105-qof oo
dhaawacya kala duwan qaba oo jiifa isbitaalka Madiina oo ah isbitaalka
badanaa la dhigo dhaawacyada dadka ku waxyeelooba duqeynta ciidamada
shisheeye u geystaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale $300-doolar ayaa waxaa la gaarsiyeey caruur yaryar oo agoon
ah iyo dad Indhaoolayaal ah iyo qoysas Soomaaliyeed oo aad u
dhibaateysan, waxaana deeq lacageed la siiyey 70-caruur agoon ah iyo dad
Indhoolayaal ah, waxaa sidoo kale deeq lacageed la guddoon siiyey qoysas
tabaaleysan oo ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka
magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole.

Dhamaan dadka la guddoon siiyey deeqda lacagta ah oo ay soo dhiibeen
gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norwey ayaa si weyn ugu duceeyey
gabdhihii deeqdaan soo dhiibay, waxaana ay ugu baaqeen inay sii laba
laabaan kaalmooyinka nuucaan ah ee ay walaalohooda Soomaaliyeed ku garab
istaagayaan.

Si kastaba ha ahaatee
deeqdan ay soo dhibeen gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norwey
ayaa ah mid ku dayasha mudan oo looga maarmayo gacan hoorsiga hay'adaha
shisheeye ee badanaa aan la imaan wax qabad dhab ah oo ay ku gacan
siinayaan shacabka Soomaaliyeed oo xiligaan ay heysato nolol aad u
liidata.

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |