ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   
Madaxweynaha oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada,xildhibaano iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bari ayaa Shalay si farxadi ku dheehantahay ula Ciiday shacabweynaha Gobolka Bari.

Arbaco 01. 10. 2008




Hadaba labadii Ragcadood ee Sunaha ahaa markii la tukaday ayaa waxaa halkaasi ka bilaabmay qudbadihii diiniga ahaa ee loogu talagalay munaasibadda Ciidul fidriga.


Waxaana barnaamijkaasi xiriirinayey guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Muumin Bidde,waxaana ugu horraynba halkaasi qudbadii Carabiga ahayd ee k u saabsanayd Munaasibadda Ciida ka akhariyey mid ka ah Culimada Gobolka Bari.


Qudbadaasi ka dibna waxaa halkaasi hadal isugu jira waano iyo wacdi diini ah ka soo jeediyey Sh.Caanka ah ee Shiikh Daad,wuxuuna si weyn uga hadlay arrimaha Ammniga iyo Burcad Badeeda oo ah waxyaabaha Cusub ee Hadda degaanka Puntland ku soo kordhay taasi oo sheekhu uu ka soo sheekeeyey safarkii ay ku tageen degmada Eyl oo ay ka socdeen buu yidhi waxyaabo fool xun,ka dibna aanu dadkii wacyi gelinayna ay shacabkii ku yaaceen iyagoo wax xoog ah adeegsan ka dibna Burcad badeedii magaalada ku sugnayd ay isaga yaaceen iyaga iyo gaadiidkoodii,markaa waxaan idiin sheegay qofkii taageera ama u fidiyo kaalmo in uu la mid yahay waxa uu sitana ay tahay xaaraan guriga uu ka iibsado iyo naagta uu ku guursadana ay xaaraan yihiin,markaa waxaan idiin sheegayaa in la hor tago oo wax laga qabto,siiba maamulka Puntland waxaanad ogaataan haddaan maamulka shacabku taageerin in aanu keligii waxba qaban Karin.


Intaasi ka dibna waxaa isna halkaasi ka hadlay Sh.Maxamed Daahir oo isna ka hadlay waxa ay tahay Mas’uuliyada saaran ummadda Muslinka ah ama umadda Puntland dhinaca maamulka,shacabka,dhalinyarada,haweenka Culimada iyo cid kasta oo waxgarad ah,waxaa waajib ah in la ilaaliyo Mas’uuliyadaas oo meel looga soo wada jeedsado arrimaha Amniga iyo ka hortaga waxa xun oo ay ugu horrayso Burcadbadeedda iyo burcadberiga oo dadkii ku haya dhib aad u weyn dadkii iyo dalkiina ay fusuq iyo mukhaadaraad ku soo siyaadiyey,qofkii taageera wax wanaag ah oo kasta oo uu sameeyo haddii aanu ka hortegi xumaanta wax ajar ah ma laha markaa ilaahay ha laga cabsado oo waxan aan si wada jir ah ha loo wada wajaho.


Ka dib markii ay ka soo gudubtay Culimadii munaasabadii Ciidul fidriga qudbadihii ay soo jeediyeen,ayaa waxa loo gudbay dhinicii maamulka Puntland waxaana hadalkii u furay Duqa Degmada Boosaaso ahna guddoomiyaha golaha degaanka Mudane C/risaaq Xareed oo isna ka hadlay ka dib markii uu u Hambalyeey Ummadda Muslimiinta ah gaar ahaana Reer Puntland,wuxuu sheegay in laga shaqeeyo Aminga iyo Nadaafadda degaankan.


Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Gobolka Bari Alxaaji Muuse Geelle Yuusuf oo isna u hambalyeey ummadda Puntland iyo Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan,wuxuuna isna ka hadlay waxyaabaha ka socda dalka in wax weyn laga qabto layskana kaashado arrimaha Ammniga gaar ahaan burcad Badeeda dhulka soo gelinaysa Lacagta xaaraanta ee ay ku gadanayaan guryaha gabadhahan ay ku guursanayaa kaasi oo hadhow ku dambayn doona guri madow waayo lacagtaasi faraha badani ee xaaraanta ahi ma soconayso.


Guddoomiyaha ayaa markii uu dhameeyey qudbadiisii munaasibada Ciida waxa uu hadalka ku soo dhoweeyey Wasiirka Cadaalada iyo Diinta Mudana C/risaaq Cabdulle Geesood,salaan iyo hambalyeyn ku aadan ciidul Fidriga iyo istaaqfurulaysi ka dibna waxa uu wasiirku hadalkii ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi.

Madaxweynaha ayaa halkaasi ka soo jeediyey qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horrayso Hambalyada uu Madaxweyuhu u dirayey Ummadda Muslimiinta meel kasta ay joogaan,ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana ummadda reer Puntland oo ah in Bisha ay ummaddu soo soontay in ilaahay ka aqbalo,kuna gaaraan nabad iyo Caafimaad sannadka sannadkiisa,intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu ka hadlay arrimaha nabadgelyada,mashariicda horumarineed ee ay hadda ku guulaysteen in dalka laga fuliyo oo dhowaan bilaabmi doona oo gaari doona ilaa 18mashruuc,caqabad kasta oo naga hortimid waanu ku guulaysanay dhakhsona waa bilaabmayaa,madaxweynuhu wuxuu kaloo ka hadlay dhinaca doorashooyinka oo dad badani leeyihiin waa lagu darsanayaa ayaan waxaan maanta idiin sheegay in sidii quruxda badnayd ee uu iigu wareejiyey Maxamed Cabdi Xaashi iyo nidaamkii jiray ee ay doorshadu u dhacday anigu waxba ka bedelimaayo,hawshaasina waxay u taalaa isimada iyo cuqaasha sidii ay u keeni lahaayeen dad aqoon leh,inkastoo kuwii horeba qaarkood ay fiican yihiin,wax aan ka bedeli karana ma jirto.


Waxaan kaloo idiin sheegayaa in culimada iyo shacabkuba ay fiican yihiin waxa ay maalmahan qabteen ,waxaanad ogaataan maamulka keligii oo shacabka haysanin in aanu waxba qaban Karin wax kasta hadduu haysto.
Sidoo kale waxaa isna intii lagu sugnaa barxadda munaasibada Ciidda hambalayo u soo diray ummadda reer Puntland isagoo ku sugan Dalka Jabuuti ee Magaalada Jabuuti,Taliyaha Ciidamada Puntland Jen.Gaani X.Cabdi ,isagoo sheegay in uu ummadda muslimiinta ah u rejenayaa hambalyo,uuna caafimaadkiisu fiican yahay 100%.Taliyaha ayaa dhowaan waxa magaalada Boosaaso dhawaac soo gaarsiiyey koox dabley.





 

 

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com