|
Faalo:
Waxan
idinku salaamayaa mida islaamka oo ah, asalaamucalekum.Salaantaas ka
bacdi waxaan Rabaa inaan wax yar ka iftiimiyo dhibaatada ka jirta
kismaayo qeyb ka mid ah,waxaa na soo gaaraya Iney alshabaab xireen
masaajid iyo culumo badan ayagoo ku xiraya maxaad noola ciidi
weyseen,intaas ayeyku muteysteen xabsi, jirdil lagu sameeyey culimadii,
taasna waxay noo cadeyneysaa in ay nimankaan alshabaab la
yiraahdo ay u arkeen waxaan mad, habkooda qaadan inuusan waxba
aheyn xitaa mararka qaarkood inay dhahayaan muslimba ma,aha
qofkaan nagu aragti aheyn. Taasina waa siyaasad xumida heysata xarakada
la yiraahdo(alwahaabiya) oo magacyo badan wadata.hadaba aanu fiirino
waxay ka qabto shareecada islaamka waxay ka tiri arintaas culimada
lagu xirxirey kismaanyo iyo masaajidii ay iimaamada ka,
ahaayeen.Qofwalba oo shareecada wax ka daraaseeyey waxuu ogyahay
mas,allada la yiraahdo ( ikhtilaaful madhaalic) oo macnaheedu yahay
kala duwanaanshaha soo bixida bisha, taasoo culimada faqhiga
madaahibta ay ku kala Duwan yihiin oo ikhtilaaf furuuci ah, ee aan
Aheyn ikhtilaaf usuulka ah.
Marka
in Culimada la Ciriiriyo oo fikrad lagu khasbo laguna garaaco
hadana diin la sheeganayo waa wax aan meel wada galin. waxay
kaloo culimada la xirxiray heystaan xadiiskii nabiga scw. oo
oranayey ku sooma aragti kuna afura aragti hadii duruur ay
cirka qarisana dhameeya bisha sodonkeeda, maxay marka tahay in
culimadaa magaalada sidaas loogalo?? hadey waxsuulinayaan mey
qaadka joojiyaan khamriga, iyo dil muslimka ah, oo habeen dhaaf
dadka loogu laayo kismaanyo mise waxaa weeye masakiinta ayaan wax
ka qaadi karnaa wax yaalaha waaweyn waxba kama qabankarno?? sababta
culimada loo xirxirey masaajidii ay diinta ka faafinayeena loo
xiray wax kale ma,aha ee waa isku mad, habmanihin weeye.waxaan kula
talin hayaa nimankaas alshabaab la yiraahdo iney culimaas soo
daayaan diinta ay sheeganayaana ka dhab sheegaan koleyba waligeed
culimada waa la xirxiri jirey waana ladili jirey alle agtiisana
shahaadey ka heli, ee masaajida aad xirxirteen fura oo
ha,inqilaabina culimada iyo masaajidooda,una ogolaada waxa
layiraahdo (xoriyatul qowl.)oo ah inuu qofka si xor ah qofkuu doono
raaci karo qofkuu rabana diido.
Waxaa
dhici karta iney dadka qaarkood dhahaan waxaani waa diin diintana
waa in mid laga wada noqdaa!! waxaan leenahay walaalow ma hadii
arinta (usuulka diinta noqoto) waa mid, hadiise ay(FURUUC) tahay waa
lagu kala duwan yahay laga bilaabo xiligii nabi muxammed
scw.asxaabtii, salafkii. wax dhib ahna malaha waa naxariis, marka
arintu waa saas waxaan kaloo u sheegi nimaankaan, alshabaab inaan
degdeg meel lagu gaarin oo ay dulmiyada ka jira magaalada ay
xooga saaraan sida,dilka,dhaca, guryaha xooga lagu dhisey, boosaska
lakala dhacay iwm, dadka deegaanka dagena loo walaaleyn lahaa qof
walbana xaqiisa loo siin lahaa, iney qodobadaas ay xooga saaraan
ayey aheyd. ee ma,aheen in culimo iyo masaajid albaabada loo xiro
ayadoo culimadiina wiilal yar yar oo xurmo iyo aqoon aan laheyn
lagu dalbayo. ka cabsada ilaahii idin abuurey shalayna gacanta
idiin galiyey barrina inuu idinka qaadi karo markii cadaalad la
idinka waayo. waxaan kaloo rabaa inaan u sheego ineysan
muslimiinta aysan hal maalin wada ciidin qaarna sucuudi la
iidey qaarna wadamada kale ee muslimiinta la ciidey sida masar
baxreyn iwm.
ASC.qore:C/Qani.Sh.Ismaciil.
Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |