|
Faalo:
Waxaan idinku
salaamayaa mida islaamka,asalaamucaleykum.waxaan horey ooga soo
hadalney in puntland ay tahay muhiim in isbadel siyaasadeed uu ka
dhaco, sababtoo ah dowlada mudane cadde kama uusan soo bixin
waxyaalihii lagu doortey sidaas darteed waxaan qabaa in loo baneeyo
dadka cusub oo dibadaha ka yimid oo maskaxda furfuran wata, si ay
puntland ay horumar u gaarto.lakiin doonimeyno mid ooman oo u
tafaxeydanaya hantida guud ee maamul goboleedka puntland,waxaanse la
yaabanahay in uu hada uu ka hadlo mudane afqurac oo uu yiraahdo
waxaan soo celineynaa magaala laascaanood, su.aal aanweydiiyo maxaa
mar hore hadalkaas loo oranwaayey oo hada loo yiri?maxaase weedha
iyo naasa adag wada kulmiyey siduu hore u yiri (WIILWAAL)taasi
macnaheedu waxaa weeye doorasho dhicimeyso, si loo yiraahdo gobolka
xaalad degdeg ah ayuu ku jiraa marka doorashooyin dib ayaa loo
dhigey.
Hadii uu maamulka
run sheegayo muxuu u qaadan waayey talooyinkii ay soo jeediyeen
kol hore isimada puntland??runtii waa wax laga naxo in aan laga
fakarin mustaqbalka puntland, iyo in uu maamulka qanciyey
gaariyaasha lankuruusarka kaliya ee aan laga fakarin danaha guud
iyo horumarka gobolka,maanta reer yurub waxay ka doodayaan
ilmahooda 100 sano ee soo socota sidey ugu heli lahaayeen wax
dhaxal gal ah ay ku noolaadaan, sida hawo nadiif ah,koronto dabiici
ah oo laga helo tamarta qoraxda oo xataa waxay heshiisyo rabaan
iney la galaan wadamada saxaraha afrika si ay ooga
faa,iideystaan tamarta qoraxda, somalina waxaa wada qanciyey
badankooda inuu qof walba nolashiisa ka fakaro bes, caloosha buuxi
kaliya shaariqana guri ka gado khalaas intaa kaliya. Markii
umadaha horey u marey ay ka fakarayaan umadiina wax dhaxal gal
ah oo taariikhda qorta uga taga, waxaan soo xasuustey xigmad
oraneysa(man caasha linafsihi caasha saqiiran wa maata saqiiran, waman
caasha lil umah caasha cadhiiman wa maata cadhiiman)micnaheedu waxaa
weeye qofkii nafsadiisa qura u nolaada waxuu noolaadaa asagoo yar
waxuuna dhintaa asagoo yar, qofkii u nolaada umada waxuu noolaadaa,
asagoo weyn waxuuna dhintaa asagoo weyn.taariikhdana ayadaa wax
qorta wanaag iyo xumaanba . Marka waxaan kula talinayaa maamulka
puntland iney tix galiyaan rabitaanka shacab weynaha puntland
si waligood wanaagooda looga sheekeeyo.
Hadiise
ay noqdaan calooshiis la ciyaar waa wax laga fiican yahay waa
hadii ay u furan yihiin dhago wax maqla.nabadgalyadana laga
shaqeeyo hadii aysan jirin nabadgalyo yaa la xukumi???nabadgalyadu
waa asaas muhiim ah, waana lafdhabarta meesha ay jirka kaga
taalo. haduu qofka nabad heysto asagoo gaajeysan ayuu gurigiisa
joogi karaa, hadii uusan nabad heysan haduu wax heysto ma noolaan
karo.ilaah waxaan ka baryeynaa soomaali inuu qalbigooda burcad
isu mariyo nana tuso maalin baabuurka ka baxa raascaseyr ilaa
raaskanbooni nabad ku mara uusan ka baqeyniin cidna ilaa, ilaahey
mooyee iyo dhurwaaga. ilaahna waa awoodaa. waana, arkeynaa
inshaa,allaah iney soo noqoto sharaftii umada ay laheyd.
mahadsanidin.QORE:C/QANI.
Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |