|
Faalo:
Qof Kasta Waxa uu yahay iskama badeli Karo Si Kasto oo Isku Ilaaliyo Qaabka
Boliiska Dembi baaraha ah markuu dhaco Fal Dimbiyeed nooca uu doono ha
ahaado Baaristiisa wuxuu ka bilaabaa shaqsiyaadkii horey loogu soo oogey
Falkaan oo kale Boqol kiiba Boqol Dambiilaha wuxuu ka soo dhaxbaxayaa
Shaqsiyaadkii horey u galey
Shiikh
Yuusuf Indhacade wuxuu noo sheegey inuu ka Towbad keeney DAGAAL OOGE oo
markaan Noqdey Shiikh u Jihaadayo Diinta waxaa nooga soo xigtey asagoo
DAGAAL OOGE ah oo warbaahinta ka aflagaadeynayo ULI AMRIGII MADAXDIISA
ahaa SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED Reer Koofureedka waxey yiraahdaan "MUKULAAL
MADAX DOOLI KAMA XAJISO"
Dagaal
Ooge Indhacade Magaciisa dhabta ah waa Yuusuf Maxamed Siyaad "INDHACADE"
wuxuu ka mid ahaa Maleeshiyaadkii Marxuum General Ceydiid uu ka keeney
G/Galgaduud Markuu loolanka Siyaasadeed uu kula jirey Hogaamiyaashii
kale oo isdiidinaayeen
Markii ugu horeysey
aan Idaacadaha ka Maqalno Sh.Yuusuf Indhacadee wuxuu sheeganaye inuu
yahay Gudoomiyaha Gobolka Sh.Hoose oo xoog ku qabsadey waxaana dadka
degaanka ay qireen inuu ula dhaqmaye si waxashnimo leh oo gaarey heer ah
inuu Cashuur kaga qaato Neef kasta oo laga waraabinayo Biyaha Webiga
Guushii Maxaakiimta
ay gaareen waa dayacay markii nin ganacsade ah oo heyb wadaagaan laga
gubey Maandooriyaha loo yaqaan QAADka
Wuxuu ahaa ninkii
dhabarka ka jibiyey MIDOWGII MAXAAKIIMTA oo Iclaamiyey in Jihaad lagu
qaado Itoobiya ,Wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyey Jabkii Cududa Maxaakiimta
ka soo gaarey Duulaankii ay ku qaadeen BAYDHABO ka dib markii uu soo
firaaqeeyey Aagii Maanyo fuulka oo asaga qaabilsanaa
Waxaa nooga soo
xigtey asagoo yiri haleygo yeero Generaal Indhacade oo isku tilmaamey
inuu yahay LIBAAX Careysan oo caruurtiisa laga laayey
ugu dambeyn
Indhacade haduu aqoon u leeyahay Diinta Islaamka iyo waxa ay ka qabto
SHAREECADA ISLAAMKA kuma fududaadeen Aflagaadada uu u geystey Walaaliisa
Muslimka ah marna ah Madaxdiisa SHIIKH SHARIIF WAXAA LEEYAHAY YUUSUF
INDHACADOW SHAN BILOOD SHIIKH LAGUMA NOQDO
wabilahi towfiiq
W/D.X.MAXAMOUD
moalinm2us@yahoo.com
Fikirka Qoraagu Kama turjimayo Aragtida
iyo Siyaasada Allidamaale.com
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |