Somalia -
Waxaa xalay weeraro qorsheeysan lagu qaaday Guriga
Gudoomiyaha Baarlamanka DFKM ah Ee Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur
(Madoobe) kadib markiiTiro Hoobiyeyaal ah
ayaa lala beegsaday Guriga u kadaganyahay Magaalada Baydhabo.
Wararku waxeey sheegayaan in qaar kamid ah
madaaficdii lagu riday Guriga Gudoomiyaha ay ku habsadeen guryo ay
daganaayeen dad rayid ah, kuwaaso ay khasaaro nafeed kasoo gartay,
waxaana lasheegayaa ineey ku jireen tiro caruur ah oo dhawaacyo halis
ahi soo gartay.
Ilaa iyo hada macada ujeedada ka danbeysa
weerarka lagu qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana sidoo kale
lasheegayaa inaan hoyga u daganyahay Gudoomiyahu wax qasaare ahi soo
gaarin, majiraan ilaa iyo hada cid sheegtay ineey ka danbeeysay
weerarkasi xalay lagu qaaday Gudoomiyaha B.
Tani waxeey caaden u tahay sida amaankii
Magaalada Baydhabo u faraha uga baxay, ayadona saakay Magaalada Baydhabo
gudaheeda lagu dilay Taliyihii Nabad sugida ee Magaalada Baydhabo, kadid
markeey kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay rasaas huwyeen isagoo marayay
Magaalada Gudaheeda, waxuuna ku geeriyooday isla goobti.
Laguma guuleysan in lassoo qabto kooxihii
kadanbeeyay dilkaasi loo geeystay sarkaalkasi, waxaana sida caadada ahi kabaxsaday goobtii ay wax ku dileen kooxihii dilka geestay.
Arimahaan oo idil ayaa kusoo adaya xili lasheegay
inuu jiro qorshe Baarlamaanka Dowalda Fadaraalka ladonayo in loogu raro
dalka dibeddiisa kadib marki ay soo shaac baxaday inaan la isku haleen
karin amaanka ka jira Magaalada Baydho, taaso ay xubno kamid ah
Baarlamaanka ay horay u cadeyeen in amaan darida kusoo korartay
Magaalada Baydhabo ay qeeyb kayihiin rag ay ku magacaaben xildhibaan
Xaabsade iyo Kiishbur, sidoo kale ayeey ku eedeyen in u
Gudoomiyahu qudhiisu wax ka ogyahay falaalka ay wadaan xubnahaasi.
Hassan C
Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan