Somalia - Wadahadalkii
u socday Afdubayashay Markabkii hubka siday iyo Saraakisha Mareykanka ee
wata Marakibta Dagaalka ee ku wareegsan Afdubasha oo meel gaba gabo ah
ku dhaw.
Kol hore ayeey
aheeyd markaay Burcada heysata Markabka dalbadeen lacag madax furasho oo
dhan $20, iyagoo sheegay ineey si ideyn doonaan hadii lacagtaas lasiiyo
markabkaasi laga leeyahay Dalka Ukraine ee
sida lasheegay sida Saanad milatari, kaasona usiday Dalka Sudan balse
larabay in loo sii mariyo Wadanka Kenya.
Wararka iminka soo
baxay ayaa sheegay in Afdubayaashi ay ogaladeen ineey iska sii dayaan
Markabka, kadib markii go’doon lixaad leh lagashay, laguna cabsi galiyay
in ay lakulmayaan ciqaab xun,inkastoo ay wax badan kucel celiyeen
Afdubayahsu hadan lasiinin lacag Madax furasho ah aysan sii deynedoonin
Markabkasi.
Sarkiisha howashaas
kujira ee Mareykanka ayaa sheegay in mudo dhowor maal mood ahi u isqab
qabsi iyo buuq ka dhexjiray, balse hada ay ku rajo weeyn yihiin in ay
iska soo wareejiyaan Markabka hubka sida, hasayeeshe wali wax war ah oo
kama soo bixin Afduubayaasha haysta Markabkasi.
Dhinaca kale xeel dheereyaasha indha indheeya
arimaha muragsan ee Somalia ayaa ka dhawaajiyay in tilaabadani hadeey
hirgasho ay bilaabatay howlihii ay reer galbeedku kusheegen ladagaalnka
Burcada,kadib markii sida lasheegay Maraakibta Dagaalka ee Mareykanku ay
aad u kordhiyeen ilaalada ay ka hayaan markabka hubka sida, aydgoona
diidan in markabkaasi la isku dayo in lagala dago hubka uu sido, taaso
runtii khatar galinkarta amaanka geeska afrika oo awalba iska liitay.
lama saadalinkaro wax u kudanbeeyn doona
Markaabsa iyo kooxaha heystaba, waxase lagu rajo weeyn yahay in markan
ay Ciidamada Shisheeye qaadi doonaan tilaabo Milatari, hadeeysan saas
yeelin ay dhici doonto in Shacabka Somaliyeed u gabi ahaanba ka amiin
bixi doono joogitanka ay Ciidamada Farah badan iyo Marakiibtoda Dagaalku
ay joogan Xeebaha Somalia, taaso loo arki doono inuu
joogitankoodu yahay xaalufinta Xeebaha Somalia.
Hassan C
Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan