"Maxayse ku dhacday in qaxootiga Soomaalida oo muslimiinta ah ay
soo dhaweeyaan oo ay guryo, shaqo, nolol, dhalasho wadaninimo iyo
waxbarashoba ay siiyaan wadamada kiristaanka ahi iyadoo habayaraatee aan
innaba wax xuquuqa, amaba wax magangelyo ah, amaba wax daryeela aan
looga ogoleyn wadamada Islaamka ah ee Carbeed? Waa maxay sababtu???"
Ninka Xakiim Yare isku magaabay wuxuu yiri:
1. Maxay diinta islaamku ka qabtaa xoriyadda diimaha kale?
Jawaab:
Alxamdulillaahi Rabbilcaalamiin.
Arrintaa laba dhinac baa laga fiirinayaa:
-Dhinaca hore ma bannaana in diin laga dhigto waxaan ahayn diintii
islaamka ee Nabi Muxammad lugu soo dejiyay, aakhirana qofka wax kaloo
laga aqbalaayaahi ma jiraan oo aan islaamka ka ahayn, qofkaan islaamka
soo raacinna waa ahlunaar.
-Dhinaca kale haddii dawladda islaamku ay xoog leedahay oo ay gaalada
la jihaaddo saddex arrimood bay u soo bandhigeysaa dadka inay soo
islaamaan hadday diidaanna jizya dhiiba la yiraa haddii ay diidaanna
lala dagaallamo.
Haddii la tabar daran yahay waxaa noo furan inaan xaqa ugu yeerno si
xikmadi ku jirto haddii dood loo baahdana si wanaagsan loola doodo.
Marxaladdan danbe Allaah dartiis baan u neceb nahay gaalada laakiin
haddaannaan tabar lahayn isku taagi mayno, haddaaney waddammadeenna nagu
soo gardarreysan.
Haddii aad I weydiiso maxaa u daliila nacaybka aad sheegeyso maadaama
aanay diin ahaan noola dagaalsanayn.
Waxay jawaabtu noqonaysaa: Allaah wuxuu yiri:
(Heli maysid qolo Allaah iyo maalinta qiyaama rumeysan oo haddana
jecel kuwa Alla iyo Rasuul la collaytamay aabbayaalkood ba ha ahaadeene)
aayadda dhammaystir, [Suuratul Mujaadalah:22]
Rasuulkeennuna wuxuu yiri:( Guntimaha iimaanka waxaa ugu adag in Alle
dartii wax loo jeclaado Alla dartiina wax loo noco) Waana xadiith ay
xadiithya kale xoojinayaan oo sidaas xasan ku ah, waxaa weriyay Imaam
Axmad iyo Qeyrkiiba.
Haddii xorriyadda laga wado inay waddammada islaamka diintooda
baadilka ah ka faafiyaan taa looma oggola xaqna uma lahan, xorriyadna ma
ahane waa xadgudub lugu xadgudbayo xaqa ay muslimku u leeyihiin inay
Rabbigood caabudaan oo aan diintooda laga fitmeyn.
2. Diinta Islaamku ma ogoshahay inuu qofka Muslinka ahi intuu
diintiisa iska dhaafo uu qaato diintii kale ee uu markaas isagu run u
arko amaba jecleysto?
Jawaab:
Maya, marka hore la qasbi maayo qofka oo waxaa loo baahan yahay inuu
Islaamka soo galo isagoo aad uga fiirsaday oo aanay ka qarsoonayn qofka
ka baxa diinta waxa mudankiisu yahay.
Xikmadda qofka diinka ka baxa loo dilayo waxay tahay in diin ka
noqoshada macnaheedu yahay qof ama koox ka baxda xiriirkii Islaamka,
taasina waxay ka dhigan tahay isagoo ku dhawaaqaya: Dadow marki aan
diintan galay oo aan tijaabiyay waxaa ii soo baxday inaanay wanaagsanayn
oo wixii horee aan ku jiray ay ka wanaagsan yihiin, taasina waxay la mid
tahay diintiyoo la caayay lana xaqiray, waxayna gogolxaar u tahay qofkii
raba inuu ka siibto diinta, waxayna sabab u noqonaysaa kala daadashada
xiriirki Islaamka, marka haddii aanan arrintaa loo samayn wax dadka ka
celiya ka joogi maayaan, waxa ugu weynee arrintaa ka celin karaahina waa
dhimasho ka baqiddeed, marka dil baa ciqaabti noqotay sida uu
Rasuulkeennu yiri: "Qofki diintiisa beddela dila"
#1
si uu qofku marka horeba diinta u soo galo isagoo ka baaraan degay, oo
aanu qofna uga bixin markuu soo galo ka dib, arrintaasina qeyb kama ahan
isku qasab diinta la isku qasbayo, taasoo aan sharcigu oggolayn in dadka
diimahooda qasab looga soo saaro islaamkana qasab lugu soo geliyo, tani
taa way ka duwan tahay oo qofka waxaa lugu qasbayaa inuu Islaamki ku
baaqi noqdo.
Mana jiro nidaam ama xukuumad oggol in dadku waxay doonaan sameeyaan
oo uu tusaale ahaan qofku jaajuus dowlad kale u noqdo, Waxaana dhici
karta waxyaabaha noocaasoo kalaa inuu dil iyo wax la mida ku muto.
#1
Qofka la iska dili maayo, ee marka
hore waa in arrintaasi ay si dhaba u sugnaataa, kadibna diinta u soo
noqo la yiraahdaa(haddaanay gaalnimadu ka dhalan caayda Nabiyada
Alle).Arrintaana waxaa fulinaya dadka madaxda ah, oo hadday arrinkaa
fuliyaan aan fitno ka dhalanayn, haddii kale waxaa dhaceysa in qof
waliba uu dilo qofkuu doono kaddibna yiraahdo waa uu gaaloobay.
3. Maxaynu ku aqoonsan karnaa inay diinta islaamku diin runa tahay?
Jawaab:
Waxaynu ku aqoonsan karnaa siyaabo badan, waxaana ka mid ah in la
sugo Nebinnimada Nebi Muxammad in ay run tahay, haddii taasi sugnaatana
aan fiirinno waxa diimaha kale uu ka yiri iyo sida uu ula dhaqmi jiray
dadkooda.
Hadduu xaqu caddaadana wixii ka soo horjeedaahi waa baadil waxba kama
jiraan ah.
Nabi Muxammad wuxuu ku dhashay magaalada Maka , waa nin abtirsigiisa
la yaqaanno, dad sharaf lehna ka dhashay oo wanaag lugu yaqaannay.
Ma uusan ahayn nin wax qora, ama wax meel ku qoran aqriyi kara.
Allaah kaliya buu caabudi jiray.
Marbaa isagoo godka buurta Xiraa ku yaallay Alla ku caabudaya Rabbi
Malaku jibriil waxyi ugu soo dhiibay oo quraankii ugu horreeyey ku soo
degay.
Quraanku wuu ka sarreeyaa hadalka dadka markaad dhinac walba ka
fiiriso.
Heerka aftahannimada, macnayaalka sarreeya ee uu xambaarsan yahay
markuu Allaah ama axkaamta sharciga ka hadlayo labadaba.
Sidoo kale wax hore u dhacay ama dhici doona marka uu si tifatiran
uga hadlo iyadoo uusan duulal kale ka maqal, Illeen dadki diimaha kale u
abtirsanaayay Maka ma aanay degganayn, Markaasuu wuxuu ula yimid dadkii
wax waafaqsan wixii Nabiyadii hore sheegi jireen oo aanu ogaan karin
qofaan Nabi ahayn ama aanu Nabi u warramin.
Marka isagu Nebi kale wax kama qaadan, kuwa Nabi ka maqlayna sooma
gaarsiin, haddaba waa inuu isagu Nebi Alla soo diray yahay.
Qofka su'aashan weydiinaya waa laba mid
-Inuu yahay nin rumeysan soo diridda Nabiyada Alle sida Ibraahiim
u,
Muuse u,
Ciise u,
ninka su'aasha weydiiyay hadduu sidaa yahay waxaan ku leennahay ma dhici
karto inaad Nabinnimada kuwaa aad rumeyso ta Nabi Muxammadna aad diiddo,
sababtoo ah wax Alla wixii aan ku sugnay Nabinnimadooda wax ka sarreeya
oo ku tusiya Nabinnimadiisa ayuu la yimid oo ah calaamado daliil u ah
arrintaa, mucjisooyin aan dadku la imaan karin ha noqoto oo dadku arkeen
si tawaatur ahna noo soo gaartay ama ha noqoto quraanka uu la gaar
noqday ee ka sarreeya mucjisooyinkaa, dadkuna way og yihiin carab iyo
cajamba in quraankan oo kale aan la arag, aad bayna ugu dadaaleen
carabti iyo qeyrkoodba inay wax la mid ah isku dayaan la imaashihii
waana ku fashilmeen, hadday la imaan karaanna way la imaan lahaayeen
markii lagu yiri suurad la mid ah keena, inay dagaallamaan bayna ka door
bideen, qofkuna isagoo dantiisa si fudud ku gaari kara sida dhibka badan
dooran maayo.
Marka maadaama uu la yimid wax Alla wixii tusinaayay
nabinnimadiisa ma jirto sabab loo yiraa iyaguna nabiyo Alle soo diray
bay ahaayeen isaguna ma ahan.
Maxaa yeelay waxaa la ogsoon yahay in dadka noo soo
guuriyay waxa Nabi Muxammad dadka ugu yeeri jirey ee diin iyo shareeco
ah noona soo guuriyay mucjisooyinkii Alle ku xoojiyey in dadkaasi ay ka
badan yihiin kana weyn yihiin dadkii noo soo guuriyay wixii Nabi Muuse
u iyo
Nabi Ciise u
ay dadka ugu yeerayeen ama ay la yimaadeen ee mucjisooyin ahaa .
Diinkii uu Nabi Muxammad la yimidna waa uu ka weyn
yahay kay la yimaadeen, bal taa iska daaye qofkii caqligiisa ku fiiriya
waxay muslimiintu haystaan ee cilmi naafica ah iyo camal wanaagsan lana
barbar dhiga waxay Yahuud iyo Nasaaro haystaan wuxuu ogaanayaa in farqi
aan la soo koobi karin u dhexeeyo.
Haddii aad fiiriso Caabudidda ay muslimiintu Alle ku
kali yeeleen iyo aqoonta ay u leeyihiin magacyadiisa iyo tilmaamihiisa
iyo malaa'igtiisa, Nabiyada Alle iyo Rusushiisa, aqoonta ay u leeyihiin
aakhiro iyo tilmaanta jannada iyo naarta, abaalmarinta iyo ciqaabta
dambe, waxaasoo dhami way ka weyn yihiin waxay Yahuud iyo Nasaaro
haystaan.
Sidoo kale salaadaha shanta ah iyo kuwa sunnada,
Sakada iyo soonka, xajka iyo adkaarta iyo ducooyinka ay muslimiintu
isticmaalaan oo ay yaqaannaan, siday wax u kala gadanayaan, isu
nikaaxsanayaan, danbiilayaasaha ciqaabtooda iyo xuduudda laga oofinayo
sharciga ka yaal intuba way ka sarreeyaan waxa ahlu kitaabku haysto.
Muslimiintu way uga sarreeyaan cilmi kastoo naafica
iyo camal kastoo wanaagsan, waxaanan ka hadlaynaa cilmiga iyo camalka
aakhiro wax anfacaya, kan adduunyada ku saabsan mid aakhiro wax ku
taraya ma ahan haddaan loo kaalmeysan wixii aakhiro wax ku tarayey.
Qofkii ku dadaala ee asbaabtiisa raaca ayaana loo sakhiraa ama mulxid ha
noqdo ama diin ha sheegtee.
Ruushku markuu shuuciga ahaa diin ma aanu sheeganayn
teknoolajiyadana waa uu ku horreeyey, Shiinuhuna ilaa iyo hadda waa
shuuci diin laaway ah cilmiga adduunka iyo sancadana wuu ku horreeyaa.
Japan iyo Hindiyana diin Alle laga soo dejiyaan heysannaa ma dhahaan oo
waa mushrikiin majooritigoodu kala haysto budhism iyo hindusm.
Muslimiintuna waxay isku waafaqsan yihiin in hanuun
kasta iyo kheyr kasta oo diineed oo ay haystaan uu sabab ugu yahay Nabi
Muxammad
sidee bay ku suurtoobeysaa
inay Muuse u iyo Ciise
u Nebiyaal yihiin
Muxammadna aanu Nabi ahayn, Yahuud iyo Nasaarana xaq ku taagan yihiin,
Muslinkuna aanu diin saxa haysan iyadoon ogaannay in diinta xaqa ah iyo
hanuunka ay haystaan uu ka weyn yahay waxa yahuud iyo nasaaro haysato,
diintaa wanaagsanna waxay ka qaateen Rasuulkoodii Muxammad ahaa .
Intaa qof kastoo caqli lihi oo yuhuud iyo nasaara ka
mid ahi waa uu ictiraafsan yahay , laakiin kuwaan xaqaa raacin waxay
naftooda ku maaweeliyaan carabta uunbaa loo soo diray, ahlukitaab looma
soo dirin, haddii carabta diinkoodu xaq yahay annana keennu waa xaq oo
waddooyinka Alle ku gaarsiiyaa way badan yihiin, waxayna leeyihiin
diimahani waa afarta mad-habood oo kale.
Shubhaddaasi inay baadil tahay way caddahay, maxaa
yeelay sida aan u hubno inuu mushrikiintii carbeed diinka ugu yeeray
ayuu sidoo kale sidaa si la mid ah ahlu kitaabka uga dalbay inay
Nabinnimadiisa rumeeyaan, wuuna la jihaaday siduu ula jihaaday
mushrikiinta. Wuxuu ku jihaaday yahuuddii Madiina degganayd iyo kuwii
kheybar degganaa, sidoo kale Nasaaradii buu nafsad ahaantiisa jihaad ugu
baxay dagaalkii tabuuk, sidoo kale colalna waa uu u diray, waxaana
dagaalkoodii ku dhintay ina adeerkiis Jacfar ibnu abii daalib iyo Zayd
ibu xaarithah oo uu labadaba aad u jeclaa, sidoo kale wuxuu jizyo ku
xukumay sidaana raalli ku noqday Nasaaradii Najraan degganayd markay u
caddaatay inuu Nabi yahay kana cabsadeen inay la habaartamaan.
Sidoo kale khulafadii isaga ka danbeysay ahlu
kitaabkii bay la jihaadeen, wixii la dagaallamayna way la dagaallameen,
wixii jizya oggolaaday iyagoo dulleysanna way ka qaadeen.
Quraankana waxaa ka buuxa farid la farayo
ahlukitaabka inay Nabi Muxammad
raacaan, wuuna gaaleysiiyay
kuwaan raacin una gooddiyay oo lacnaday si la mid ah sidii uu
mushrikiinta ka yiri.
Quraankana lama soo koobi karo inta jeer ee ay ku soo
aroortray ( Yaa ahlal kitaabi ) ( yaa banii israa'iila)
Waxaa Alle uu ku yiri Rasuulka ( waxaad tiraahdaa
Dadow Rasuul baan idiin ahay la ii kiin soo diray dhammaantiin)[Al
acraaf : 158]
Axaadiithti ka ansaxday Rasuulkeennana waxaa ka mid
ah: (Waxaan ku dhaartay Allihii nafteydu gacantiisa ku jirtay e ima
maqlo qof ummaddaan ka mid ah yahuud ama nasaaro haddana aanu i rumeynin
illaa hadduu jiro wuxuu galayaa naarta).
Macnaha xadiithkanina waa mutawaatir.
Marka haddii arrinku sidaa yahay waxaa soo baxaysa oo
lama huraan ah in dadkoo dhan loo soo diray; maxaa yeelay isagaa
qarriray inuu rasuul u yahay ahlukitaabka iyo qeyrkoodba; Rasuulka
Allena been ma sheego, dadkana kulama dagaallamo inay adeecaan iyadoon
Alle sidaa amrin, dhiiggooda iyo xoolahoodana ma bannaysteen iyadoon
Alle u idmin.
Haddii ay caddaatay inuu Nabi yahay waxaa soo baxaysa
in waxa uu Alle xaggiisa nooga sheegay ay xaq yihiin, hadduu Rasuulkii
Alle yahayna waxaa waajib ah in lugu adeeco wax kastoo uu na faro,
hadduu noo sheegay in ahlukitaabka loo soo diray oo ay waajib ku tahay
inay isaga adeecaan arrintaasi waa xaq. Qofkiise qira inuu Rasuul Alle
yahay misana diida in ahlukitaabka uu Rasuul u yahay wuxuu la mid yahay
qof yiri Nabi Muuse
u
Rasuul buu ahaa Haddana Alle ma farin inuu dhulka shaam galo ama reer
banii'israa'iil masar ka saaro, Allena arrinkaa ma farin, sidoo kalena
ma farin inuu maalinka Sabtida ah xushmeeyo, towreedna luguma soo dejin,
Allana buurta Duuru siinaa kalama hadlin, ama wuxuu la mid yahay nin
yiri Nabi Ciise u
Rasuul buu ahaa reer banii'israa'iilna looma soo dirin, kumana aanay
waajib ahayn inay adeecaan, yuhuuddana wuu dulmiyay iyo hadalllada
noocaas oo kale ah ee gaalnimo tii ugu xumayd ah.
Intaa ka dib, Yuhuud iyo Nasaaro asalka diinkoodu
wuxuu ahaa xaq, laakiin labadaba way bedbeddeleen waana la nasakhay,
maxaa yeelay yuhuuddu waxbay ka beddeleen kitaabkooda ka dib wixii
shareecadooda ka soo harayna waxaa wax ka mid ah nasakhay Nabi Ciise
u,
Nasaarana sidoo kale way bedbeddeleen, ka dibna labada diimoodba waxaa
nasakhay oo lugu beddelay diinta Islaamka ee Nabi Muxammad lugu soo
dejiyay.
Kitaabbaha ay heystaan ahlukitaabka laftooda ayayba
ku caddahay inay wax beddeleen lana nasakhayo, waxaa kaloo kutubtooda ku
cad in nebinnimada Nebi Muxammad ay sax tahay oo waxaa ka buuxa
bishaarooyin nebigeenna tilmaamaya. Bal eeg Bibleka kitaabka tathniya la
yiraa, baabka 33aad jumlada 2aad tarjamada carabiga ah (Alle wuxuu ka
soo daahiray buurta Duurusiinaa, wuxuuna ka soo ifay Saaciir wuxuuna si
aada uga soo ifay buuraha Faaraan) labada hore waxaa lagu tilmaamayaa
Nabi Muuse
u
iyo Nebi ciise u
tan saddexaadna waxay tilmaameysaa Nebi Muxammad Faaraan inay Maka
tahayna waxaa kuu caddeynaya waxa ku jira Bible ka buugga Takwiin baabka
21aad jumlada 21aad tarjamada carabiga( Ismaaciil
u wuxuu degay
berriga Faaraan), waxaana sii caddaysay Towreedda saamira oo xijaaz ku
sii dartay.
Nabi Ismaaciil
u wuxuu ku
barbaaray Maka, markii aabbihii Nabi Ibraahim
u halkaa uga
tegay asaga iyo hooyadii Haajara.
Taasina waxay ka mid tahay xikmadaha loo oggolaaday
in jizyo laga aqbalo ahlukitaabka, maxaa yeelay waxay hayaan maragyo
badan oo tusinaya nabinnimada Nabi Muxammad
, waxaa kaloo kutubtooda ku yaalla waxyaaba badan
oo caddaynaya inuu Nabi Muxammad la yimid wax la mid ah wixii ay Rusushu
la iman jireen oo Allaah rumeyntii iyo yawmulqiyaamaha, towxiidkiisa iyo
tilmaamihiisa intaba ah.
Waxaa kaloo kutubtooda ka buuxa waxyaaba is diiddan
iyo khilaafyo waaweyn oo caddeynaya in wax beddelaadu dhacday.
Hadduuse yahay qofka su'aasha weydiinayaa qof aan
rumeysnayn Nabiyada oo marka horeba diiddan mabda'aa hadalkiisu si kale
ayuu noqonayaa, oo waxaan leennahay bal is barbar dhig dadka diimaha
haysta iyo duulalka kale waxaad arkeysaa in diinlaawayaasha lagaga
wanaagsan yahay cilmiga naaficaa iyo camalka saalixaa, kheyr kastoo ay
haystaan dadka diimaha sheeganaya ee aan muslimiinta ahayn mid ka
dhammeystiran oo ka wanaagsan bay muslimiintu haystaan, dadka diimaha u
abtirsada guud ahaanna waxay haystaan waxaanay haysan kuwa
diinlaawayaasha ahi, maxaa yeelay cilmiga iyo camalku waxay u qaybsamaan
labo:
Nooc caqliga bani'aadamka lugu gaaro sida xisaabta,
caafimaadka iyo farsamooyinka kale. Arrimahaasi ahlu diinkuna way
haystaan sida kuwa kaleba u haystaan, iyagaanaba kaga fiican
diinlaawayaasha. Oo culuuntii faylasuufyada Giriigga iyo Indiya , iyo
culuuntii Faaris iyo Roomaanka markay soo gaartay muslimiinta way
hagaajiyeen oo horumariyeen hufeenna , wixii ay ka qoreenna waa uu ka
cad cad yahay kana dhammeystiran yahay wixii dadka kale heysteen.
Yurubtuna muslinkay u xereysteen oo ay ka barteen
culuumta dabiicigaa waagii Andalus muslimku xukumaayay, oo iyagaaba
kitaabbo ka qoray ay arrintaa kaga warramayaan.
Nooca labaad waa midka aan caqliga oo kaliya lagu ogaan karin,
waana culuunta Alle ku tacalluqda iyo diinta, waxayna ku gaar tahay
dadka diimaha sheegta, qeybo ka mid ahna xujo caqliya waa lugu burhaamin
karaa, oo Rusushu dadka way hanuuniyeen oo waxay ku baraarujiyeen in
caqliga toosani arrimahaa ku tusinayo, marka waa arrimo sharcina ah
caqlina ah, oo tusaaleyntoodi iyo caqli celintoodi bay arrimahaasi ku
noqdeen kuwo caqliga lugu garan karo.
Culuumtaas baana lugu ogaanayaa in waxa uu Nabi
Muxammad la yimid ay sax tahay, iyo in waxa khilaafsani ay baadil yihiin.
Wixiise aan lugu ogaan karin waxaan ahayn khabarka
Rususha taa waxaan ku ogaaneynaa wejiyo kala duwan:
Waxaana ka mid ah isku waafaqidda ay Rusushu isku
waafaqday sheegidda arrinkaa iyagoon is ogeyn, qofka wax sheegaayaa waa
laba mid
#2
uun inuu ku run sheego hadalkiisa oo uu xaqiiqadi waafaqsan yahay, ama
inaanay saa ahayn, haddaanu warkiisu waafaqsanayn dhabta jirta, ama been
buu u bareeray ama waa uu gefay, haddii aan ka soo qaadno inaanu jirin
gef iyo ulakac midna hadalkiisu wuxuu noqdaa run.
Waxaana la og yahay in haddii qofi ka warramo culuum
fara badan oo faahfaahin badani ku jirto qof ka horreeyeyna uu waxaa
laftooda sheegay iyadoo aan hubno inaanay arrintaa ku heshiin oo wax
been laga sheegi karana aanay ahayn, arrintaasi waxay noo faa'deysaa
cilmi la hubo.
Waxaa la og yahay in Nebi Muuse
u uu sheegay
wixii uu sheegay intaan la soo bixin Nabi Ciise
u iyo Nabi
Muxammad labadaba.
Wuxuuna og yahay qof walboo ka warqaba xaalka Nabi
Muxammad inuu ku barbaaray dad aan wax qorin waxna aqriyin aqoonna u
lahayn culuuntii Nabiyadii hore , mana aanay la joogin dad garanaya
wixii Towreed iyo Injiil ku yaallay.
Wuxuuna nooga warramay Nabi Muxammad
towxiidkii Alle, tilmaamihiisa, magacyadiisa,
malaa'igtiisa carshigiisa iyo kursigiisa, Nabiyadiisii iyo Rusushiisii,
iyo xaaladahoodii iyo xaaladaha kuwii beeniyey, wuxuu arrimahaas nooga
sheegay wax la mid ah wixii ku yaallay kutubtii nabiyada ee Towreed iyo
qeyrkeed ba ah.
Qofkii aad ugu fiirsada Towreed iyo Quraanka wuxuu
ogaanayaa inay meel ka soo wada bexeen sidii uu Najaashi sheegay, iyo
sidii uu yiri Waraqa bin Nowfal: Kani waa Naamuuskii (Malaku Jibriilkii)
Muuse
u
u imaan jiray.
Sidoo kale dadkii beeniyey Rususha, Alle wuu cadaabay
si aan shaki ku jirin bayna nugu soo gaartay, cadaabkii qaar badan oo ka
mid ahna raadkiisii baaba ilaa iyo hadda wax ka dambeeyaan, taasoo ku
tusineysa in Rusushu ay ku taagnaayeen xaq uu Alle jecel yahay oo uu
Raalli ka yahay, dadka beeniyayna ay baadil ku taagnaayeen Alla uu neceb
yahay dadkiisa, sidoo kale in Rususha adeecidda la addeecaa ay tahay
adeecid Alle la adeecay, caasinta la caasiyaana ay tahay Alle oo la
caasiyay.
Waxaa kaloo ku tusinaaya xaqnimadooda in la ogaado
mucjisooyinkooda waaweyn ee tawaaturay, aanayna suurta gal ahayn inay
mucjiso ka soo daahirto ku nabinnimo sheeganaaya oo haddana been
sheegaaya iyadoo isburinna aanay ku jirin lana mucaaradayn oo qof wuxuu
la yimid oo kale la imaan karaahina aanu jirin.
#2
Waa inti aanan ogaannin inuu kirishtaan yahay.
- Ahlu kitaabki waqtigiisa joogay maxay ka yiraahdeen
Rasuulka (SCW)?
Jawaab:
Waxay bukhaari iyo muslim weriyeen in ninkii Hireqle la dhihi jiray
ee xukumayey Roomaanka uu Abuusufyaan oo markaa gaal ahaa dhulkaasna
ganacsi u tegey uu u cid diray markuu u yimidna su'aalo weydiiyey:
- Sidee buu dhexdiinna ku yahay dhalasha ahaan?
Waa uu sarreeyaa.
Hadalkan uu la yimid ma looga horreeyey dhexdiinnna?
Maya.
Aabbayaalkii boqor ma ku jiray?
Maya.
Ma dadka sharafta leh baa raaca mise kuwa danyarta ah?
Kuwa danyarta ah.
Dadka raacayaa ma kordhayaan mise way sii yaraanayaan?
Way badanayaan.
Ma ku jiraa qof markuu soo galo ka dib diintii uga baxa nicid uu
nacay?
Maya.
Intaanu hadalkan la iman miyaad ku tuhmi jirteen been sheegid?
Maya.
Marka uu dadka ballan la galo miyuu kaga baxaa oo jebiyaa?
Maya.
Miyaad la dagaallanteen?
Haa.
See ahaa dagaalku?
Marna wuu naga adkaanayey marna annagay guushu na raacaysay.
Muxuu idin farayaa?
Wuxuu leeyahay: Allaah kaliya caabuda, cibaadadiisana wax kale ha
la wadaajinnina, farahana ka qaada waxay aabbayaalkiinnu ku
sugnaayeen. Wuxuu na faraa Salaad , run sheegid, dhowrsoonaan iyo in
qaraabada la xiriiriyo.
Hiraqle wuxuu ku yiri ninkii u tarjumayey waxaad ku
tiraahdaa: waxaan ku weydiiyay nasabkiisa, waxaad ii sheegtay in
nasabkiisu wanaagsan yahay, Rassuullada Alle waa sidaa, waxaa laga soo
saaraa nasab wanaagsan.
Waxaan kaloo ku weydiiyay hadalkan ma looga horreeyey,
waxaadna sheegtay inaan looga horreyn. Haddii looga horreyn lahaa waxaan
dhihi lahaa waa nin uun ku dayanaaya hadal looga horreeyey.
Waxaan kaloo ku weydiiyay aabbayaalkii wax boqor ahaa
ma ku jireen, waxaadna ii sheegtay inaanay ku jirin, hadday ku jiri
lahaayeen waxaan dhihi lahaa waa nin doondoonaya boqortooyadi
aabbayaashii.
Waxaan kaloo ku weydiiyay been ma ku tuhmi jirteen,
waxaad tiri maya, waxaan ogsoonahay inaanu iska ilaaliyeen dadkoo been
loo sheego misana uu Alle ku been abuurto.
Waxaan kaloo ku weydiiyay ma dadkii madaxda ahaabaa
raacay mise kuwa danyarta ah, waxaadna igu tiri maya e waxaa raaca kuwa
danyarta ah. Waana kuwa Rususha raaca.
Waxaanan ku weydiiyay ma sii badanayaan mise way sii
yaraanayaan, waxaadna igu tiri wey badanayaan. Iimaankana sidaabaa lugu
yaqaannaa ilaa uu ka dhammeystirmo.
Waxaan kaloo ku weydiiyay ma jiraa qof diinta nicid
uu nacay uga baxay waxaadna ku jawaabtay maya, Haddaba iimaanku waa
sidaa marka ay laabtu u furanto oo uu qalbiga dhexgalo qofna nici maayo.
Waxaan ku weydiiyay ballanka ma jebiyaa, waxaadna
tiri maya. Haddaba Rusushu waa sidaa ballanka ma jebiyaan.
Waxaan kaloo ku weydiiyay muxuu idin faraa, waxaadna
sheegtay inuu idin leeyahay Allaah kaliya caabuda, cibaadadana duulal
kale ha la wadaajinnina. Waxaadna sheegtay inuu idinka reebayo sanamyada
la caabudayo idinna farayo Salaad iyo Run iyo dhowrsanaan.
Haddaba haddii arrintu tahay sidaa aad u sheegeyso
halkan aan joogo isagaa hanan doona, waanan garanayay inuu Nebi soo bixi
doono umase maleyneyn inuu idinka idinka soo baxayo, haddii aan ogahay
inaan gaari karo waan u dhib mudan lahaa inaan la kulmo, haddii aan la
joogana cagahaaban u dhaqi lahaa ixtiraamid aan ixtiraamayo darteed.
Nabi Muuse
u iyo Nebi
Ciise u
labadaba reer banii'israa'iil oo kaliyaa loo soo diray, oo diinkoodu
marki horeba ma ahayn mid dadkoo dhan loo soo diray oo Nabiyada
dadyowgooda uun baa loo soo diri jiray, diintan Islaamka uun baana mid
guud Alle ka dhigay sida uu Nabigeennu yiri: (( Nabiyada shan waxyaabood
baa la iiga faddilay ……waxuuna ka sheegay-: Nabi walba ciddiisa uunbaa
loo soo diri jiray anigana dadkoo dhan baa la ii soo diray)).
Iyadoo ay saa tahay bay Nasaaradu diinkoodii wax
badan ka beddeleen.
Nin Paul la dhihi jiray baa beddelay diintoodii
waxuuna sheegtay in Nabi Ciise
u uu Alle
yahay ama ina Alle, adduunkanna uu u yimid in la daldalo oo la cadaabo
si uu dadkoo dhan u badbaadiyo, danbigii aabbeheen Nabi Aadam dartii.
Iyadoo aan garanayno in Nabi Aadam isaga iyo Xaawaba
ay Alla u toobad keeneen, Allana uu u dhaafay danbigii ahaa geedka ay
jannada ku cuneen iyadoo laga reebay.
Teeda kale Alle wuxuu Quraanka noogu sheegay inaanay
nafi naf kale danbigeeda qaadin, haddaanay sabab u ahayn dadka ay
dhumiyeen, oo qof walba mas'uuliyad gaar ah ayaa saaran.
Waa yaabe Alle ma wuusan awoodin dadka inuu u dambi
dhaafo iyadoon dhibkaa la marin, ma waxaase la aqbali karaa in Allihii
adduunkan abuuray maamulaayayna la yiraa dhulkii buu u soo degay oo
rixim naageed buu galay oo sagaal bilood ku jiray ka dibna caadi baa loo
dhalay, naasna waa uu nuugay, waxna waa cunaayey waxna waa cabbaayey,
waa yaabe adduunka yaa maamulaayey muddadaa.
Wayna caabudaan Nebi Ciise
u iyo
Hooyadiis ba, waxna way weydiistaan oo shirkigaas bay diin ka dhigteen,
Islaamka iyo Caqliguna waxay noo sheegayaan kan cibaadada kaa mudan inuu
yahay kan ku abuurtay ee ku arzuqa.
Yuhuudduna kitaabkooda way beddeleen oo been abuurad
badan bay sameeyeen, sida Alle Quraanka noogu sheegay[xisibka labaad
billowgiisa fiiri] Rabbigood tilmaama xun bay ku sheegeen, waxay
leeyihiin markuu caalamka abuuray waa uu daalay markaasuu nastay, waxay
kaloo yiraahdeen markii Alle dadka abuuray buu ka shallaayay abuurkaas,
wuxuu kaloo ka shallaayay bay leeyihiin markuu biyaha ku garriqay dadkii
Nabi Nuux ku gaaloobay.
Iyadoo Nabi Muuse
u la joogo
ayay yiraahdeen sanamyo noo samee, markuu ballankii Alle u baxayna dibi
bay caabudeen.
Anbiyadii Allena qaar ka mid ah waxay ku sheegeen
inay khamri cabbeen, sinaysteen, dil khaarijis ah oo dulmiya geysteen
iwm.
Anibyadii qaar bay laayeen, qaarna way beeniyeen,
waxyaaba badan oo laga xarrimayna xeelad bay ku bannaysteen.
Rabbina waxay ka dhigeen mid ayaga u gaara oo aan
caalamka kale shuqul ku lahayn.
Haddii diintii yahuudda iyo tii Nasaarada xaalkeedu
sidaa yahay kuwa kalena kaba sii fog.
4. Qofka Islaamka ahi af kale amaba luqad kale oo aan
carabi ahayn ma ku tukan karaa? Jiho kaleeto oo aan Makka ahaynse ma u
jeesan karaa marka uu tukanayo?
Jawaab:
Luqaddu waa isku xire, waxaana ka mid ah hagaajintii
uu hagaajiyay islaamku muslimiinta diin ahaan iyo bulsho ahaanba inuu ka
dhigay luqadda guud ee diinta mid ay ku mideysan yihiin muslimiintu, oo
Islaamka la'aantii luqadda carabigu ma waarteen oo sida luqadaha kaleba
u dhalan rogmeen ayay u beddelmi lahayd.
Sidoo kale haddaanu carabigu jirin fahamka diinta
ayaa lugu kala fogaan lahaa oo waxaa la noqon lahaa diimo kala duwan oo
midba midda kale gaalnimo ku xukumayso.
Luqadda Carabiguna kuma gaar ahan dadka ka soo
farcamay odaygii Yacrub ibnu qaxdaan ahaa ee waa luqad muslimiinta ka
dhexeysa.
Qofkuna sidii la rabay Islaamka uguma adeegi karo
haddanu Carabiga aqoon u lahayn.
Naxwaha Carabiga waxaa looga dambeeyaa nin persian
(reer faaris) ahaa oo lagu magacaabi jiray Siibawayhi.
Cilmiga Xadiithkana waxaa looga dambeeyaa Bukhaari oo
aan isaguna carab u dhalan.
Taa waxay ku gaareen niyad wanaaggoodii iyo cilmigii
oo ay waddadii saxda ahayd u mareen, mana gelin casabiyad isir oo ma
aanay dhihin maxaa diintu luqaddeenna ugu soo degi weyday.
Kolley luqad uunbaa la dooran lahaa, Carabigii bayna
noqotay, waana luqad mudan inay islaamkii xambaarto, sababta oo ah waxay
kulansatay aftahannimo iyo mug weyni.
Qolo unbaana diinta billowga hore ka qaadan lahayd
Rasuulka, Carab bayna noqdeen, iyaguna dadka diinta way sii gaarsiiyeen,
qolooyinkii u baahday in wax loo tarjumana waa loo tarjamay, ummada kale
oo badanna carabigii bay barteen oo luqadoodii noqday.
Haddaan u soo noqonno su'aashii: Culimada islaamku
waxay isku waafaqsan yihiin in quraanka Carabi lugu aqriyo, adkaarta
salaadduna ay carabi ahaato, salaadduna af kale kuma ansaxeyso.
Allana dadka kuma kallifin waxaanay awoodin oo haddii
ay daruuro timaaddo Xukum gaar ah ayay leedahay.
Kacbada in loo jeedsado Allaa quraanka nugu amray oo
yiri: Meel kastood joogtaan kacbada dhinaceeda u jeesta, arrin
doordoorasho aan u leennahay ma ahan ee waa cibaado, qofku hadduu
xorriyaddaa isi siiyo waa nin iska ciyaaraya, haddaanu aqbalin amarka
Alle oo uu ka horyimaado islaannimada waa uu ka xarig furtay.
Marka walaalayaal Xaasidnimo aan dad xasdayno iyo
isla weyni yaannaan diinteennii ku waayin, diintan qofi nagama xigto,
sharfteennuna iyaday ku jirtaa, waana mid aannu ugu dhowaanayno Allihi
na abuurtay ee na lahaa.
Sheydaankuna cadow buu noo yahay oo wuxuu isku
deyayaa sidii uu naarta noogu jiidan lahaa, marka aynu ka foojignaanno.
5. Diintu waxay inoo sheegeysaa in qofku markuu
afartan maalmood uu uurka hooyadii ku jiray uu ilaahay u qoray qofkaas
janno iyo cadaab halka uu gelayo. hadaba maxaa faa'iido ah ee ay
leedahay qofka camalada diiniga ah ee uu sameeyaa mar haddii janno iyo
cadaab meesha uu qofkaasi tegayo hore loogu sii qoray?
Rasuulkeenna
markii la weydiiyay maxaan ka camalfalaynaa marba
haddii hore naloogu qoray meesha aan tegeyno, wuxuu ku jawaabay: Camal
fala, maxaa yeelay qof walba waxaa loo fududeeyey wixii loo abuuray e.
Rusushii Alle soo diri jiray dhammaan waxay isku
waafaqsanaayeen in la camal falo oo aan qaddarka marmarsiyo laga dhigan,
sababta oo ah qadarku wuxuu xiriir la leeyahay cilmiga Alle iyo
awooddiisa, In la yiraa waxaa caalamka ka dhacaya wax aanu Alle hore u
ogeyn ama la yiraa waxa caalamka ka dhacaya wuxuu ka baxsan yahay
awoodda Alle, labaduba waxay meel ka dhac ku yihiin tilmaamihii Alle uu
lahaa iyo dhammeystirnaantiisi.
Cilmigii Alle uu hore wax u ogaana ma ahan mid qofka
qasbaya oo qof walba Alle wuxuu siiyay awood iyo doonis uu wax ku sameyn
karo, iyada uunbaana lagula xisaabtamayaa qofka.
Waxaa xusid mudan in xadiithka su'aasha laga keenay
ay ku jirto in horay risqiga qof walba loo sii qoray, mana hayno qof
dhahaya gurigeyga ayaan fadhinayaa risqina doondooni maayo oo wixii la
ii qoray halkayga ayay iigu imaanayaan.
Marka maadaama adduunyadii aan qiimaha sidaasa Allaah
agtiisa ku lahayn dadkii aanay gaareynin inay sabab la yimaaddaan
moogiye, maxaad u maleyneysaa aakhiro iyo jannadii qiimaha badneyd ma
waxaa lugu gaari karaa in meel la fariisto.
Allaah wuxuu quraanka noogu sheegay: (Jannada
waxaannu dhaxalsiinaynaa qofki Allaah ka cabsada oo xumida ka
dhowrsada)[Suuratu Maryam:63].
Marka jannada la galana Alle wuxuu ku dhihi doonaa
dadkeeda: (Tani waa jannadii la idinku dhaxalsiiyay waxaad sameyneynseen
sababteed) [Suuratul Acraaf:43].
Culimada islaamka qaar ka mid ah ayaa waxay ku dhihi
jireen dadka shubhadaanoo kale keena: adigu marka aad nicmo heshana
qadari baad tahay oo ma qiraysid qaddarka Alle, marka aad macsi
samaysidna jabri baad tahay oo waxaad leedahay Allaa ii qoray.
Bal aan su'aal weydiinno ninka noocaasoo kalaa maxaad
sameynaysaa marka qof ku dhirbaaxo ma u dulqaadanaysaa mise waad
xanaaqaysaayoo ka aarsanaysaa, maad u dulqaadatid illeen waa wax horay
loo qoray e.
6. Maxaa keenay inay dadka iyo dowladaha muslimiinta
ahi dhammaantood ay aad uga cabsadaan, oo ay khatar u arkaan inay isku
xukumaan oo ay dastuur ka dhigtaan shareecada islaamka tiiyoo ay hadana
dhinaca kale rumeysanyihiin inay shareecadu tahay qowlkii Eebbe?
Jawaab:
Waxaan shaki ku jirin in isticmaarki dowladaha
Muslimiinta gumeysan jiray uu aad uga shaqeeyey sidii looga fogaan lahaa
sharciga Alle in la isku dhaqo, wuxuu is bahaysi la sameysan jiray dad
aan diinta ku fiicnayn oo laga caqiiddo fiican yahay iyagaasuuna
dowladnimadii ku wareejiyey, waxaana yar dal arrintaa ka badbaaday.
Waxaana ku waajib ah qof kasta oo muslim ah inuu
amarka Alle u hoggaansamo oo wixii Alle rumee uu yiraana uu rumeeyo
wixii samee la yiraahdana uu aqbalo oo uu sameeyo ama madax ha noqdo ama
dadweynee, madaxdase xil gaar ah baa sii saaran awoodda Alla siiyay
darteed, waxaa laga rabaa inay munkarka inkiraan macruufkana dadka
faraan, waxaana taa ka mid ah inay xudduuddii oogaan Alla markaa waa u
naxariisanayaa oo haddii ay caddaalad dadka ku dhaqaan diintoodana
ilaaliyaan Alle waa uu jeclaadaa raallina ka noqdaa qalbiga dadkana u
soo jeediyaa oo dadkii baa Alle jecleysiiyaa markaasaa arrimuhu u
fududaadaan haddii qasadkiisu wanaagsan yahay. Haddii kalese oo dantiisu
tahay xoolo hel awooddaadana muuji dadkana istus Alle dadkuu ku diraa oo
arrintaa waa lugu cadaabaa, waxaana aan ka hadleynaa qaddar ahaan ee
ninka muslimka ah ee madaxda ah in lala dagaallamo sharcigu ma oggola,
waxaa waajib ah in loo dulqaato haddaanu gaalnima cad la imaan amaba
aanu salaadda ka tegin.
Hadduu xukumka Alle wax ku xukumi waayo qofka
muslimka ahi isagoo aamminsan waxa uu samaynayo inay xaaraan tahay,
aamminsanna, iltizaamsanna, aqbalsanna inay waajib ku tahay inuu xukumka
Alle wax ku xukumo, laakiin uga tegay laaluush uu qaatay iyo wax la mid
ah waa nin dambi aad u weyn ku dhacay laakiin diintuu ka baxay lama
dhihi karo, oo waxaa jira dambiyo gaalnimo diintu ku sheegtay, haddana
aan diinta looga baxayn, oo ahlusunnuhu waxay isu soo ururiyaan nusuusta
dhinacyadeeda, ee hal dhinac uun kuma dhegaan, nusuusta dambiyada ka
hadleysa waxaa hal il ku fiiriyay Khawaarijta iyo Murji'ada .
Meeshan aad leedahay (dadka iyo dowladaha muslimiinta
ah dhammaantood) run kuma aadan sheegin, maadigaa afti ka qaaday oo soo
xaqiiqsaday arrintaas. sidaa si ka duwan ayaan ognahay oo ah in qof
kasta oo muslim ah uu jecel yahay in xukumka Alle wax lugu xukumo oo
islaamnimadiisaa keenaysa sidaas, haddii hawo ka qaalib noqoto oo uu ku
dhaqmi waayo sharciga wuxuu rumeysan yahay in uu sharcigiisii yahay.
Rasuulkeennu wuxuu noo sheegay : ((in bani'aadan oo
dhammi uu gefaayo, waxaana dadkaa ugu wanaagsan kuwa Allaah u soo noqda))
Haddii la yiraa dadkii dambi ku dhaca diintay ka
baxayaan oo naartay ku waarayaan taasi sow macneheedu ma ahan inaanay
markii horeba diinka soo gelin baa u wanaagsanayd. Hadalkii uu baadil ka
dhasho isaguna waa baadil.
Meesha aad leedahay (shareecadu waa qowlki Eebbe )
iska sax. shareecadu(Quraanka iyo Xadiithku) waa waxyi Alle soo dejiyey
labaduba, laakiin Axaadiithtu waa waxyi xagga macnaha ah, waxaana ku
hadlay Rasuulkeenna .
7. Maxay diinta Islaamku ninka ugu ogolaaneysaa inuu
afar dumara guursado? Taasise miyaanay keeni karin masayr, is khilaaf,
iyo murugooyin xanuun badan oo qoyska la soo dersa?
Jawaab:
Marka hore Allaa iska leh abuuritaanka iyo amar
bixinta, illeen dadka isagaa abuurtay waxa u wanaagsanna yaqaanna.
Teeda kale ninka waxaa afar loo oggol yahay marka uu
ku kalsoon yahay inuu xaqooda u istaagi karo, dulmi iyo caddaalad
darrana isaga baqayn.
Midda kale ninka waxaa dhacda marar badan inaanay
midi ku fillayn.
Marka maadaama Allaah uu sinada xaaraantinnimeeyay
fasaadka ka dhalanaya awgii xagga nasabka iyo akhlaaqda iyo nidaamka
qoysaska, ayaa haddaba waxaa habboonaatay in ragga u baahan hal wax ka
badan loo furo albaabka.
Waxaa kaloo ka mid ah xigmadda loo jideeyay hal wax
ka badan in laga fogaado furriinka haddaanay daruuro jirin, sababtoo ah
wixii uu ka tabanaayey ta la joogta waxaa dhici karta inuu mid kale ka
helo middanna gurigeedi u sii dhisnaaado.
waxaana la og yahay in haweenku ragga ka badan yihiin.
Dhalashada marka hore iyo cimri dheerida labadaba ragga way uga
horreeyaan.
Rasuulku wuxuu sheegay in aakhiru samaanka haweenku
badan doonaan ilaa kontonkii haweenaba hal nin uu ka mas'uul noqdo.
Teeda kale nin walbaahi laba iyo ka badan guursan
maayo oo rag badan baan midda dhaafayn, marka isku celceliska waxaa
dhici karta inaanay lababa gaarin.
Xagga masayrkana waa wax qalbiga ku jira, haddii ay
islaantu xaqeeda garanayso iyo waxa Alle ninka u banneeyay danteeda ayay
ka raacanaysaa risqiga Alle u qorayna inaanay waayeyn bay og tahay,
walaasheeddaas muslimadda ahna waxay ogtahay inay guur u baahan tahay
iyo dhaqan, qofkuna waxaa ku waajib ah inuu qofka kalee walaalkii ah la
jeclaado waxa wanaagga ah ee uu naftiisa la jecel yahay. marka waa in il
naxariiseed la isku fiiriyo, tirada muslimiintana la badiyo.
Gabadha muslimadda ahi hadday intaa ogaato Allaahna
kaashato gurigeeda u burburin mayso mustaqbalkeedana ku ciyaari mayso
caadifad masayr darteed.
Hadduu qof waliba xaqiisa iyo waajibka saaran garto,
oo uu iska ilaaliyo wixii sharciga khilaafsan, khilaaf dhici maayo,
hadduu dhacana waa mid xal loo heli karo, ee ma ahan in asalki sharciga
ee caddaaladda iyo wanaagga ku dhisnaa la duro ama dadka laga shakisiiyo.
Ummadihii afarta diiday dhibkay ku sugan yihiin
nagama qarsoona, ninku saaxiibbado qarsoodi ah ayuu samaystay iyaduna
sidoo kale way ka aarsatay, wax nasab ah oo la ilaalinayo ma jirto
khilaaf iyo kala dudid joogta ah ayaa ku badatay duulalkaas.
Waxaynaba ku socdaan inay nidaamki qoyska gebi
ahaanba ka boodaan iyagoo raacaya falsafadahan gurracan ee waayahan soo
baxay.
8. Maxaa dumarka islaamka ah loogu sameeyey irid
gooni ah oo ay masaajidka ka soo galaan oo ay kana baxaan marka ay
tukanayaan, maxay tahay sababta in muuqaalkooda la arkaa ay denbi u
tahay amaba loo qarinayaa?
Jawaab:
Waxa albaabka gaarka ah loogu sameeyey waxay tahay
inaanu is taaban jirka dad aan isu xalaal ahayn, iyo iyadoo sharaftooda
la dhowrayo. Rasuulka waxaa ka sugnaatay inuu yiri: (safafka ragga waxaa
ugu wanaagsan kuwa ugu horreeya, waxaana ugu shar badan kuwa ugu
dambeeya.
Kuwa haweenkana waxaa ugu wanaagsan kuwa ugu dambeeya,
waxaana ugu shar badan kuwa ugu horreeya) waxa uu saa u leeyahayna waa
inay kala fogaadaan ragga iyo haweenka aan xalaasha isu ahayn.
Mar buu arkay Rasuulku iyadoo jidki raggii iyo
haweenkii is dhexgaleen markaasuu haweenkii ku yiri:(( dib u baxa, xaq
uma lihidin inaad jidka dhexda ka martaan e,) markaasay haweenka
saxaabadu derbiga isku dhejin jireen iyagoo amarkii fulinaya.
In ay haweenku is asturaan Alle iyo Rasuul baa amray,
waxaa uu Alle yiri: (Nabiyow waxaad ku amartaa haweenkaada, gabdhahaad
dhashay, iyo haweenka kalee muslimka ah inay jilbaabbadooda isku
daboolaan, taasaa u dhow in gobnimadooda la aqoonsado oo aan la
dhibaateyn, Allaahna wixii horay u dhacay wuu asturaa, waana mid
naxariis badan). Fiiri aayadda 59aad ee suuratul axzaab.
Sidoo kale Alle wuxuu yiri: ( … Haweenka muuminaadka
ah ha ku dabooleen hagoogtooda dhuuntooda oo yaanay quruxdooda u muujin
waxaan nimankooda ahayn ama aabbayaalkood ama kuwii dhalay nimankooda
ama wiilashooda ama nimankoodu wiilashay dhaleen ama iyaga walaalahooda
ama wiilasha walaalahaasi sii dhaleen ama wiilasha gabdhaha
walaalahoodihi dhaleen ama haweenka muslimka ah …). Suurartulnuur
aayadda 31 aad.
Haddii Alle iyo Nabiga wax ka sugnaadaan lagama
horkeeno caqli iyo ra'yi.
9. Sidee baanse aayaddan quraanka ah ugu fasiri
karnaa dumarka islaamka ah ee maanta: "As for those from whom you fear
disobedience among your women, admonish them and send them to beds apart
and beat them." (Sura 4:34, Dawood)
Jawaab:
Dumarka islaamka ah ee maanta waxay la mid yihiin
kuwii ka horreeyey diin gaar ah oo u soo degay iyo si gaara oo wax loogu
fasirayo ma jirto oo waxaa la wada og yahay in gurigu maamul u baahan
yahay arrintaana Alle wuxuu siiyey Ragga, oo inay wixii wanaaga ninka ku
adeecdo ayaa sharcigu qabaa jannadana ay ku heleysaa, Haddiise ay iska
sare mariso oo dhaqankii xumaado is maqalna la waayo wuxuu ninku xaq u
leeyahay inuu wacdiyo oo tusaaleeyo, haddii wax laga faa'iidi waayana
sariirta uu kaga fogaadaa, haddii ay wax ku qaadan weydana uu garaac ku
edbiyaa, haddii ay warki maqashana intaa haku gaabsado oo yaanu tacaddi
samaynin illeyn Allaa ka sarreeyee.
Haweenka qaarkood ma fahmayaan in ninku ka xun yahay
ilaa uu wax ku dhufto, waana arrin dabiici ah, garaacuna ma ahan mid wax
dhaawacaya ama laf jebinaya. Waana arrin ay ku dareemayso qawaamadii
ninka Alle siiyay.
Waxaana dhici karta in malaayiin guryaa aan garaac ka
dhicin oo wacdi iyo canaan kaliya wax ku kala socdaan.
Rasuulkuna aad buu uga deyriyay dilka haweenka la
dilaayo, wuxuuna sheegay kuwa sabab la'aan wax u garaaca inaanay akhyaar
ahayn.
Ninka waxaa saaraan inuu cidda u soo shaqeeyo oo
maantaasoo dhan dhib buu ku jiraa iyo kadeed, iyadii waxaa looga baahan
yahay inay u diyaariso jawi uu ku nasto oo uu dhibkii ku illoobo.
10. Sidaan wada ognahay ee ay diintu inoo sheegeyso
Nebi Maxamed sagaal naagood ayuu guursaday mid ka mida sagaalkaa naagood
oo magaceeda Caasha la odhan jirayna waxay da'deedu ahayd sagaal jir
markii uu Nebigu guursaday. Hadaba sidee baa Nebigu isagoo da'diisu ay
konton jir ka weyn tahay uu isugu aaminay inuu gabadh yar oo sagaal sano
jirta uu xaas ka dhigto oo uu la seexdo?
Jawaab:
Waa sax in Rasuulku uu Caa'isha la aqal galay iyadoo
sagaal jir ah (Bukhaari, Muslim).
Culimada islaamku iskuma khilaafsana in gabadha la
mehrin karo sidey rabtaba ha u yaraatee, laakiin la aqal galku wuxuu ku
xiran yahay inay awood u leedahay howsha u taal, arrintu taas bay ku
xiran tahay, haddii aan sidaa la dhihinna hadal xaqa waafaqsan luguma
hadlin oo qofku waxaa dhici karta isagoo da'diisu weyn tahay inuu
haddana taag daran yahay oo aanu awoodin howshaas, marka bal aan
fiirinno arrinka Caa'isho Allaha ka raalli noqdee, Rasuulka sallallahu
calayhi wasallama markii halkii xaas ee uu lahaa ee Khadiija ahayd ay ka
dhimatay haweeney baa u timid oo kula talisay inuu Sowda iyo Caa'isha
labadaba guursado kamana aanu diidin, Sowda waa uu mehersaday lana aqal
galay, qof wayn bayna ahayd oo ilaa shan ciyaala wadatay, oo uu ka
dhintay ninkeedii markuu hijrada Xabashida ka soo noqday. Caa'ishana waa
lugu mehriyey aqalgalkuna dib buu u dhacay, hijradii ka dib muddo markuu
joogay Madina ayaa Abuubakar ku yiri maad xaaskaaga la aqal gashid,
saasuuna kula aqal galay, Rasuulka ka suurta gal ma ahan inuu wax ka
doono qofaan awoodin, aabeheedna ma yeeleen iyaduna ma yeesheen.
Arrintaa Muslim iyo gaal wax war ka keenay ma jirin
ilaa qarnigii 20aad laga soo gaaray, markaasaa dad waxay yiraahdeen
waxaa qofku ku qaan gaaraa oo xil qaadi karaa markuu 18 sano buuxsado,
ka horna si kasta oo uu u xoog iyo caqliba badan yahay wax luguma aamini
karo naftiisa ama wax kale toona, ninkii guursada islaan aan da'daa
gaarinna meel buu ka dhacay oo qaanuunkuu khilaafay.
(F.G Sinada wiilka iyo gabadha 18 ka yar waxay
gaaladu leedahay xuquuqul insaankay ka mid tahay waana in tas-hiilaad
loo sameeyaa oo aan la carqaladayn sida ka soo baxday shirkii haweenka
looga hadlaayay ee ummadaha midoobay ku qabatay caasimadda dalka
Shiinaha)
Haddaanse sharcigeenna fiirinno islaantu waxay ku
qaan gaari kartaa in caado ka timaado, caadaduna way ka imaan kartaa
iyadoo sagaal jirta, waa qof mukallafa oo wax walba laga rabo qalinkuna
ku socdo.
Caa'isho guurkeedu wuxuu ahaa mid ay aad ugu
faraxsanayd, dadkan hadda arrintaa ka hadlayana ma aanay wakiilan oo
dacwo uma gudbisan, marka waa gardarro waxay arrintaa u dhexgalaan.
Imaam Shaafici wuxuu yiri: waxaan arkay islaan 21
sano jirta oo ayeeyo ah.
11. Maxaa dadka Islaamka ah ku beeray nacaybka iyo
shakiga iyo cabsida ay had iyo goor u qabaan dadka kale ee diimaha kale
iyo fikradaha kale rumeysan? Muxuuse quraanku ugu dhiirigelinayaa dadka
muslinka ah inay dulmaan dadka aan muslinka ahayn sida ku cad aayaddan
quraanka ah: "Fight those who do not profess the true faith (Islam) till
they pay the jiziya (poll tax) with the hand of humility". Koran 9:29
Jawaab:
Qaybta koowaad haddaan ka jawaabno gaaladu mid ma
ahan, waxaa ku jira kuwa horor ah oo laga hoyan waayay oo diin ahaan
noola dirirsan, kuwaa jeclaan meyno mana noo bannaana inaan weli ka
dhiganno, qofki gacalo ka dhigta ee soo dhowaystana waa daalim sida Alle
suuratul mumtaxana noogu sheegay aayadda 9aad.
Kuwa kalaase jira oo aan diin ahaan noola
dagaalsanayn guryaheennana aan naga saarin kuwaa inaan caddaalad u
sameyno iyo samafal Alle nooma diidin, jeclaanse mayno, maxaa yeelay waa
dad Alle xariggiisii aan haysan oo aanu raalli ka ahayn , marka qofka
muslimka ahi waa inuu Alle ku waafaqo jacaylka iyo nacaybka oo wixii
Alle jecel yahayna uu jeclaadaa wixii Alle necebyahayna uu necbaadaa,
laakiin taasi keeni meyso inaannu ku xadgudubno ama xaqooda duudsinno.
Midda aad leedahay shakiga iyo cabsida ay u qabaan
dadyowga diimaha kale raacsan maxaa keenay waxay culimadu ka yiraahdeen:
Allaah baa wuxuu noo sheegay in yahuud iyo nasaaro aanay marnaba naga
raalli noqonayn ilaa aan ka raacno diintooda, Allana waa uu nooga digay
inaan hawadooda iyo waxa naftoodu jeceshahay aan ku waafaqno. Fiiri
aayadda 120aad ee suuratul Baqara. taasi miyaanay keeneyn shaki iyo
taxadar.
Kuwooda leh annagu diin kuma dhaqanno oo arrimaheenna
kuma saleyno waaba ka sii fog yihiin illeen wax qabanaya oo ay
ilaalinayaan maba jiro e, waa uun ninkii xoog leh bay xaajo u dhacdaa.
Dulmiga quwadaha waaweyni ay muslimka marsiiyeen
labadii qarni ee la soo dhaafay wax la soo koobi karo ma ahan.
Malaayiintii lagu dilay dagaalki kowaad iyo kii
labaad ma muslim baa ka dambeeyay.
Boqollaalka kun ee lagu xasuuqay ciraaq iyo
afganistanse ma dadka islaamka ah baa sameeyey.
Kuwii yuhuuddu sheegatay in foornooyinka gaaska ah
lugu gubay ma muslim baa ka dambeeyey.
Midda aad leedahay Quraankaa dadka ku dhiirri geliyay
dulmi waxaa Laga yiri: Magan Allee ma markii dadkii dadweynaha xoogga ku
heystay oo xorriyadda ka qaaday laga qabtay oo ay dadku xor u noqdeen
inay diintii xaqa ahayd fiiriyaan hadday raacaanna waa nasiibkood hadday
raaci waayaanna jizyo ayaa laga qaadayaa oo naftooda iyo xoolahooduba
way u badbaadayaan, ma markaas baa la dulmay mase marka iyadoo
daalimiinta waaweyn laga qaban karo lugu fiirsado.
Allana waxa uu dadka farayo waa wax ama maslaxadda ku
jirtaahi ay saafi tahay ama ay ka badan tahay dhibka ka imaanaya, marka
way dhici kartaa in dad madaxtinnimo haystay ay ku waayaan jihaadka
hadday xaqa aqbali waayaan, laakiin iyagaa is dulmay oo Allihii abuuray
ee arsuqay ku caasi garoobay kana hor yimid diintiisa, iskuna deyay inay
xaqi dumiyaan, dadkana ka horjoogsadaan. marka jihaadku dulmi ma ahane
waa samafal.
Jisyadu ma ahan (poll tax), ee waa hal diinnaar ama
wax u dhigma oo laga qaadayo qof loo oggolaaday inuu dhulkii Islaamka
nabad ku mushaaxo, sakana aan laga qaadeyn, cadowgii dibadda ka soo
weerarana laga difaacayo, qof kaan waxba haysanna laga qaadi maayo,
haween iyo carruur laga qaadi maayo, ma caddaalad taas ka weyn baad
aragteen.
Jihaadkuna sababo ayuu leeyahay:
a- In la iska celinayo xadgudub dhinacooda ka yimid.
Fiiri aayadda 190,194 ee suuratulbaqara.
b- Ciqaab la ciqaabayo kuwa jebiya ballamada lala
galo, diintana wax ka sheega.
Fiiri aayadda 12 aad ee suuratutawba.
c- In la iska qabto kuwa diiddan in dacwada Islaamku
gaarto dadka.
Fiiri aayadda 193aad ee suuratulbaqara.
d- In loo gargaaro muslim la dulmiyay.
Fiiri aayadda 75 aad ee suuratunisaa.
12. Maxay dadka Islaamka ah intooda badani had iyo
goor u yihiin kuwo jecel inay wax qasbaan, wax necbeystaan, oo xitaa ay
wax dilaan?
Jawaab:
Su'aashani tii hore wax saasa kama duwana, qasab aan
cilmi ku dhisnayn sharcigana aan waafaqsanayn islaamku ma oggola,
macruufka oo la is faro xumaantoo la iska reebo ayuu yaqaan islaamku si
cilmiyeysanna loo sameeyo oo niyad wanaag ku dheehan yahay iyo naxariis,
waxyaabo uu qofku wax ka qaban karo ayaa jira shakhsi ahaantiisa sida
arrimaha qoyskiisa ku saabsan oo kale, wixii awooddiisa ka baxsan dadki
u xilsaarnaa ee awoodda u lahaa ayay saaran tahay, sida dadka madaxda
ah, haddii xilkooda ay ka soo bixi waayaanna iyagaa Alla kula
xisaabtamayaa, oo qofka muslimka ah isma dulleeyo umana banbaxo waxaanu
awood u lahayn.
In uu munkarka afka ka inkiro qofki cilmi u leh si
sharciga waafaqsan, arrintaasi waa ku waajib, waxaanse marnaba ruqso loo
haysan in xumidi aan qalbiga laga nicin, iimaan taa ka dambeeyaana ma
jiro.
Nacaybka waxaannu uga soo hadalnay jawaabtii la soo
dhaafay.
Dilka aanay shuruudihiisu u dhammaysnaynna islaamku
ma qabo, in qof aan wax galabsan lugu xadgudbo islaamku ma qabo, ninkii
gaala ee ay dowladda islaamku u oggolaatay inuu waddanka islaamka
yimaaddo in la dilaahi waa dambi aad u weyn oo dil mudan jannadana lugu
waayayo.
Dilka iyo nacaybka aad muslinka ku sheegeyso
kirishtaanki baan ku haynaa, oo Amerikaanki bilaa xisaab buu u laayay
Muslinkii Afganistaan iyo kuwii Ciraaq, waxaaba la hayaa oo la arkay
iyagoo masaajid ku dhex dilay dad dhaawac ah oo liita oo aan hub haysan.
Nacaybkooduna waa midka gaarsiiyay in niman madax ah
oo baarayaal lugu sheegayo ay Quraankii Alle ku ihaaneeyeen Khaliijka
Guantanamo.
Taasina waxaan rumeysan nahay inay ka mid tahay
waxyaabaha soo dedejinaya halaaggooda oo marka dulmiga iyo kibirku
meeshaasoo kale gaaro oo Quraankii Alle la ihaaneysto waxaa imanaysa
caro Alle.
Waxaana u wanaagsan inay Alla u soo noqdaan oo ay
islaamaan, taasay sharaf adduun iyo mid aakhibraba ku gaarayaan.
Kuwa kirishtaanka ah ee Nabigeenna sawir gacmeedka ku
aflagaaddeeyey dalka Denmark maxaa arrintaa ka keenay? Sow necbeysiga
aad Muslinka ku tuhmeyso ma ahan.
13. Maxaa keenay in Soomaalida oo ah dad boqolkiiba
boqol muslin ah oo isku dhaqan iyo luqad ahi inay hadana dalkoodii
burburiyaan oo ay iska dilaan kumanyaal iyo kumanyaal qofood iyadoo ilaa
maantana ay dunidu fahmi kari la'adahay waxa dhibkooda sabab u ah iyo
sababta ay isu dilayaan midnaba?
Jawaab:
Adduunkan waa la isku imtixaanayaa, waxayna ka mid
tahay arrinta Soomaaliya ka dhacday imtixaannada dhacaya, sababaha
keenay arrintan waa ay badan yihiin waxaana kow ka ah hor iyo gadaal
waxa la samaynayay inaan islaan lugu salayn, marka islaamku wax
mas'uuliyad ahi kama saarna dad xumi sameeyey, wanaaggina garan waayay,
ama muslim ha noqdeen ama gaalee.
Tan labaad dambiyada aan dhex dabaalanayno ee diinta
asalkeedi iyo furuucdeediba la khilaafayo ciqaab qadariya oo kowni ah
bay leedahay.
Tan saddexaad Dowladdii milaterigu diinta way ka
fogeyd wixii ay samaynaysayna diin la'aan bay ku dhisaysay, is difaaca
ay is difaacaysayna mid loo kitaabba deyay ma ahayn, mucaaradkii ku
kacayna sharci kuma salaysnayn waxa ay samaynayaan, taasi waxay keentay
in arrimuhu faraha ka baxaan, kadibna naf-jeclaysi iyo sed-bursi baa
kala fogeeyey dadka oo la isu fahmi waayay, waxaana iska jirta in
bulshooyinku ay koraan sida ilmaha dhashay oo kale, marka dadku
diinkiina si wanaagsan uma haystaan oo waxa ay samaynayaan waa waxay
jaahilnimo u samaynayaan, biseyl siyaasadeed iyo mid dhaqan dhaqaale oo
caadiyana ma gaarin oo dowladnimadu way ku cusub tahay dadkeenna,
waxyaaba kale ayay ka hormariyaan.
Waxaa kaloo jirta in waddammada deriska la ah
soomaaliya oo ka diin duwan dhulna naga heysta aanay doonayn inuu
waddanku dego oo dowlad xoog lihi ka dhalato sida uu ku dhawaaqay Daniel
Arab Moi markuu xukunka ka degay ka dib, isagaana shirkii ugu dambeeyay
ee soomaali baa lugu heshiisiinaa la yiri furay oo isugu yeeray.
Haddana waxay gaalo u soo dul degtay in laga ilaaliyo
inay dhistaan mujtamac muslim ah, waxay ka baqaayaan diinta
fiditaankeeda.
Intaasoo dhami waa sababo keeni kara dabadheeraashada
dhibka soomaaliya ka taagan.
Yurubna boqollaal sano ayay u baahatay inay ka
bogsato dagaallada iyo dilka ay qabaa'ilka, dowladaha iyo kaniisaduhu
isu gaysanayeen, waxaa ugu dambeeyey dagaalkii labaad, iyadoo ay weli
wax ka jirjiraan waqooyiga Airland iyo Koofurta Spain
( maantay oo taariikhdu tahay 22/3/2006 kuwan danbe
waxay ku dhawaaqeen xabbad joojin joogto ah).
Sidaasoo ay tahay waxaa caalamku la yaabban yahay dad
shan iyo toban sano dowlad la'aan ahaa haddana nool oo horumar samaynaya
dhinac dhaqaale iyo dhinac bulshaba, taa waxaa u sababa islaannimada,
iyaday ka barteen in dilku xun yahay luguna cadaab mudanayo, dad
badanina Alla ka cabsi dartii bay isaga daayeen dilka iyo xumaanaha kale
taageerana loogama helo waxyaabahaa xun, teeda kale waddanka intaa shaqa
la'aantu ka jirtay ma is weydiisay waxa ummad badani ku soo moodday,
waxay ku soo moodeen fadliga Alle ka dib waxa ay qaraabadooda iyo
macaariftoodu u soo diraan, qaraaba xiriiriska xaggee laga bartay, sow
diinka Islaamka ma ahan.
Waxaanan rajeynayaa in arrintaasi mar dhow soo
gabagabowdo oo laga raaxeysto. Dadkuna aanay cadowgooda fursad siin uu
ku sii wiiqo, illeen haddii mid la yahay cadowgu meel uu kaa soo galo
heli maayo e.
14. Maxay dalka soomaaliya uga dhacdaa arinta foosha
xun ee ah in qof aan denbi gelin oo aan waxba ogeyn si badheedh ah loo
dilo sababtoo ah dhaqanka foosha xun ee ay soomaalidu u taqaano "aano
qabiil"
Jawaab:
Waxaan leennahay Allaha ka bogsiiyo, mana jirto
shareeco adkeysay dhiigga muslinka sida islaamku u adkeeyey arrintaa, oo
aayadaha iyo axaadiithta ka digtay dhiigga Muslimka lama soo koobi karo,
waxaa kaaga filan Allaah qowlkiisii oo macna ahaan lagu tarjumi karo: (Qofkii
qof mu'mina kas u dila abaalmarintiisu waa jahannamo isagoo ku waaraya
Allana wuu u carooday wuuna lacnaday wuxuuna u diyaariyay cadaab aad u
weyn) [suuratunisaa':93].
Axaadiithtana waxaa ka mid ah :( Adduunkoo la waayo
gebi ahaanba ayaa Alle agtiis kaga fudud in qof muslim ah la dilo)
Tirmidi iyo Nasaa'i baa weriyay waana xadiith saxiix ah.
Sidoo kale wuxuu Rasuulku yiri: (Qofka mu'minka ahi
ka zuuli maayo inuu waasicnimo diinkiisa kaga sugan yahay haddaanu dhiig
xaaraana ku dhicin). Waxaa weriyay Bukhaari. Macnaha xadiithkuna waa
sidan: camalka wanaagsan ee uu samaynayo uma dhigmo dhiiggii uu daadiyey.
Wuxuu kaloo yiri: (Mu'minku waa kan dadku dhiiggooda
iyo xoolahoodaba uga nabad galaan ooy ku aaminaan).
(Muslinkuna waa kay dadku carrabkiisa iyo
gacantiisaba ka nabad galaan).
Waxaa weriyay Bukhaari.
Marka dadki ku dhaqmi waaya nusuustaa cad cad iyagaa
dambiga qaadaya ee islaamku qaadi maayo, iyagaa laga rabaa inay ka
toobad keenaan dambigaa weyn oo ay Alle u soo noqdaan, islaamkana luguma
ceebeyn karo wax ay sameeyeen koox ka mid ah oo ay caddahay inay
khilaafeen wixii uu farayay.
Dadkuna waa dulmi badane jahli badan.
Fiiri aayadda 72 aad ee suuratul axzaab.
Dulmiga wuxuu qofku uga baxayaa inuu caddaalad
sameeyo, jahligana cilmi iyo camal fal.
Dilalka noocaas oo kale ahina kuma gaar ahan Soomaali
iyo Muslim toona, oo dadka kalaa uga daran taa.
Sirbinista oo boosniya ah waxaa hal usbuuc lugu dilay
tobannaan kun oo muslim ah.
Ruwaanda oo kirishtaan ah waxaa lugu dilay nus
milyoon, iyaga uun baana dhexdooda ka dagaallamay.
Burundina sidoo kale tiro aan la soo koobi karin bay
iska dileen.
Hindinya dagaallada kooxaha diiniga ah ee ka dhaca
kumannaan baa lugu dilaa ama ku barakaca, waxaana dulmiga badankiisu ku
dhacaa Muslimka. Yurub iyo Mareykan magaalooyinkooda waaweyn inta
tuugada iyo maafiyadu disho ayaa aad uga badan inta Soomaaliya ku
dhimata.
15. Maxaa waddamada Islaamka ah looga tixgelinwaayey
xuquuqda shaqsiga,tan dumarka, ta fekerka shaqsiga ee xorta ah (ijtihad)
iyo dhammaan xuquuqda banii'aadanka guud ahaan?
Jawaab:
La iskuma diiddana arrimaha aan sharcigeenna ka hor
imaanayn haddaan wax lagu hoos qarinayn sida in qofku xaq u leeyahay
waxbarasho, shaqo, hoy u qalma, daryeel caafimaad, inuu u safro meel
kastoo aanu sharcigu ka hor istaagayn, inuu ra'yigiisa ka muujiyo wixii
uu cilmi u leeyahay ee uu arko in la garab maray.
Waana in wanaag lagula hadlo dadka, Alle wuxuu yiri:
(Addoommadayda u sheeg hadal wanaagsan ha ku hadleen, maxaa yeelay
haddaanay si wanaagsan u wada hadlin wuxuu shaydaanku dhexdooda dhigayaa
shar iyo fasaad. Shaydaankuna cadow cad buu u yahay bani'aadamka) [suuratul
Israa':53].
Haddaba qofku xaq uma leh inuu qofkuu doono caayo,
ama waa uu dhilleystay yiraahdo, ama hadal jeesjees ah ku hadlo, ama uu
muslin xanto ama dadka isku diro, intaasoo dhammi xorriyatul qowl shaqo
kuma leh, ee waa arrimo ciqaabi ka dambeyso ama adduun ama aakhiro.
Qofku waa inuu xaq ku hadlaa, baadilna uusan dhex
dabaalan, ogaadaana in wax kastoo uu ku hadlo malaa'igi qorayso,
qaadayana masuuliyadda wax kastoo uu ku hadlo ama qoro.
Dacwadaha baadilka ah ee raba inay beddelaan islaamka
booskiisana galaan dowladda islaamka ahi uma oggola inay waxay doonaan
dadkeeda ka dhex faafiyaan oo dadkeeda xil baa ka saran.
Qofkii shaki galo Alla ha baryo inuu ka caafiyo
dhibka qabsaday oo yaanu danbi sii kororsan shubhadaha uu muslinka la
dhexwareegayo darteed, hana raadsado qofka uu is leeyahay waa uu kaa
shaafin karaa su'aalahaas.
Xuquuqul insaanka reer galbeedku mid naga maqan ma
ahan, sababtoo ah iyagu waxay qabaan in Kaniisadda iyo nolosha la kala
fogeeyo, mabda'ooda liberaaliyadda ku dhisan bayna ku saleeyeen xuquuqda
ay sheegayaan, warbaahintooda ayaana ra'yulcaamka samaysa oo waxay u
qurxiyaan baa wax wanaagsan loo arkaa, war baahintuna maalqabeenkay u
shaqeeysaa.
Xuquuqda insaanka ee ay qarammada midoobay soo
saartay 1948 dii qodobka 18 aad wuxuu leeyahay: (qof walbaahi wuxuu xaq
u leeyahay xurriyadda fekerka iyo caqiiddada, waxaana soo gelaaya xaqaas
inuu qofku xor u yahay inuu beddelo diintiisa ama caqiiddadiisa, sidoo
kale inuu xor u yahay inuu diinkiisa ku muujiyo barid, ku dhaqan,
cibaadeysi, keli keli ahaan iyo wadar wadar ba).
Waana aan ka soo hadalnay mas'alada diin beddelidda
markaan ka jawaabaynay su'aasha labaad, qofka muslimka ahi xor uma ahan
inuu diinka ka baxo.
Waxaa dejiyay xuquuqdaas dowladihii ku guulaystay
dagaalkii labaad waana wada gaalo.
Xuquuqda dhabtaahi waa midda Alla dejiyay, isagaa
dadka abuurtay waxa u wanaagsanna yaqaanna, Allana ma dhihin waxaa siman
muslim iyo gaal, nin diinka ku toosan iyo mid faasuqa, caalim sharciga
yaqaan iyo jaahil.
Xorriyadda nidaamka dimuqraadigu sheegayo waa wax
mugdi ku jiro, ma waxaa loola jeedaa xorriyadda doonista, markaa waxay
noqonaysaa in laga hadlo heerka ay gaarsiisan tahay, oo waxaa jira
waxyaaba badan oo aanu qofku ikhtiyaar u lahayn oo awooddiisa ka baxsan.
Haddii lugu koobo xorriyadda xiriirka uu dadka la
leeyahay waxaa soo gelaaya xorriyadda siyaasadda, xorriyadda haweenka,
xorriyadda dadka laga tirada badan yahay, dadka qaarna waxay leeyihiin
waxaa wanaagsan in lagu magacaabo xorriyadda bulshood.
Si kastaba ha ahaatee, nidaamka dimuqraadiga ah wuxuu
xorriyadda ku xiraa shuruud, oo wuxuu leeyahay qofku shakhsi ahaan waa
xor oo wuxuu doono wuu sameyn karaa suu doonana wuu u samayn karaa
haddaanu ku xadgudbeyn xorriyadaha dadka kale.
Xagga siyaasaddana ra'yigiisa qofku wuu muujisan
karaa, xisbi siyaasadeedna wuu geli karaa, waase inuu ku shaqeeyaa
qaanuunka dowladdu u dejisay arrinkaa.
Xorriyadda shakhsiga ah ee uu John Stuart Mill kaga
hadlay kitaabkiisa ee uu yiri waa in faraha laga qaadaa haddii aan dadka
kale wax la yeeleyn, waxaa ka dhashay in qaar ka mid ah dowladahaa
dimuqraadiga ahi sida Sweden ay ka dallaceen nidaamkii guurka ee la
yaqaannay oo ay yiraahdeen ninku nin waa uu guursan karaa, naagtuna naag
kale ayay ku kaaftoomi kartaa sidoo kale, ninkuna hadduu doono naag waa
uu isu beddeli karaa intuu qalliin isku sameeyo.
Waxay oggolaadeen nidaam aan guur ahayn oo lugu
magacaabo guri wadaag.
Xorriyaddaa iyo xuquuqul insaanku waa wax sidii la
doono laga yeelo oo meeshii la rabo loo leexiyo, Ameerika iyadoo
dimuqraadiyad sheeganaysa waan garanaynaa sidii loo baabi'iyey dadkii
hindida ahaa ee waddankaa loogu yimid, iyo sida loola dhaqmi jiray dadka
madow, dagaalki labaad markuu socdayna ameerikaankii asalkoodu japanka
ahaa sida xerooyinka loogu ooday waan la soconnaa.
Isla weynida Maraykanka waxaa ku tusinaya mar baa nin
askari ah lugu qabtay Xamar markaasaa la soo daayay, waddankiisi buu
tegay waxaa waraysi la yeelatay CNN wuxuuna yiri: Nolosha hal Ameerikaan
baa ka qiimo badan toban kun oo Soomaali ah.
Sidoo kale nagama qarsoona sida dimuqraadiyadda looga
dhigay mid oggol in si wadar ah muslimka loo ciqaabo markii la yiri
waxaan la dirireynaa usuuliyad iyo argagixiso, oo qofka muslinka ah uu
eedeysane yahay inta danbi la'aantiisu ka caddaaneyso.
11 kii September ka dib Amerikaanku waxay sameeyeen
qaanuun ciidammada ammaanka xaq u siinaya inay qof kasta, xafiis kasta,
iyo guri kastaba ay feteshaan, qofkana inti la doono xabsi lugu hayn
karo, hadalladiisana la dhagaysan karo, lana duubi karo, wax uu gaar u
leeyahay oo aan la dabageli karinna ma jiraan, qof kastoo waddanka
siyaaro ku soo galana la xiri karo, marka horena laga qaadayo faro,
xisaabaadka bangiguna aanay qarsoodi ahayn, xoolihii Muslinkana lugu
bannaystay marmarsiiyo argagixiso.
Guud ahaan aragtida ay ka leeyihiin qofka insaanka ah
iyo xorriyaddiisa kama baxsana amar ku taagleyn iyo in si xun loo
adeegsado bani'aadamka.
Arrinta xuquuqda haweenkana waxay culimadu ka
leeyihiin: waa jirtaa inaan xuquuqda la siin oo dowladaha badankood uma
oggola gabadha muslimadda ah inay labbisato labbis Alla raalli gelinaaya
oo dhinacaas waa loo diiddan yahay xorriyad, sidoo kale inay hesho
waxbarasho aan rag iyo dumar laysku dhex deyneyn waa loo diiddan yahay,
ama inay hesho haween daaweeya, sidoo kale ay ilmaheeda korsato oo
ilaashato oo tarbiyayso oo aan loo dhibaato gelin inay rizaqeeda iyadu
doon doonto gurigeeduna uu sidaa ku dayacmo oo qoyskii xasillooni waayo
ilmihiina naxariistii hooyo iyo korinteedii ay waayaan, xaqa noocaas ah
way la'dahay.
Islaamkuna haweenka aad buu u daryeelay oo ama waalid
baa noloshi ka kaafiya ama qaraabada kale inta ay ka guursanayso, haddii
ay guursatana xilku ninkeeduu ku wareegayaa.
Waxaanan is leeyahay waxa haweenta reer galbeedka
loogu qasbayo inay shaqo u baxdo waxaa keenay laba arrimood. Tan
koowaadi waa waallida sinada oo aanu ninkii ka sabri karin naagti xataa
inta uu shaqada joogo oo wuxuu rabaa inay u dhowdahay oo ay dhinac
fadhido, iyaduna sidoo kale ayaanay uga sabri karin.
Tan labaad, waa bakhaylnimo oo ninku ma rabo inuu
naagti masruufo oo wuxuu leeyahay marba haddii ay soo shaqaysan karto oo
ay baahideeda dabooli karto maxaan isu dhibayaa anigu, marka waxaad
arkaysaa lacagtiyoo waxyaabo aan munaasib ahayn lugu bixinayo si xad
dhaaf ah, meela muhim ahna laga masuugayo iyadoo aan la qaddarineyn
dhibka haweenka iyo guryahaba soo gaaraya marka loo dhib-geliyo inay soo
shaqayso.
Haweentu gurigeeday boqorad ku tahay oo shaqo tii ugu
fiicnayd bay ummadda u haysaa, oo ilama korin ah, waana asaaskii
bulshada, mise ra'sumaaliyaddu waxayba jeceshahay inaanu qofku ka imaan
guri deggan oo la isjecel yahay oo la is taageerayo si aanu qofku ugu
dhiirran inuu danahooda ka horyimaado maadaama aanu ka iman guri laga
jecel yahay ama qoys isku xiran oo xoog leh.
16. Maxayse ku dhacday in qaxootiga Soomaalida oo
muslimiinta ah ay soo dhaweeyaan oo ay guryo, shaqo, nolol, dhalasho
wadaninimo iyo waxbarashoba ay siiyaan wadamada kiristaanka ahi iyadoo
habayaraatee aan innaba wax xuquuqa, amaba wax magangelyo ah, amaba wax
daryeela aan looga ogoleyn wadamada Islaamka ah ee Carbeed? Waa maxay
sababtu???
Jawaab:
Marka hore difaaci maayo dowladihii iyagoo wax u
qaban kara dadka dhibaateysan ka gaabiyay, oo waxaa waajib ah in qofka
walaalkaa ah aad la jeclaato wixii wanaaga ee aad naftaada la jeceshahay,
ninka su'aalaha qorayna kuma raacsani ka badbadinta uu ka badbadiyay
gaabintaa oo dowladaha muslimka ah eber ma wada ahayn, kumannaan baana
ka shaqaysta kuna asturan waddamada carbeed.
Laga soo billaabo 1975tii ilaa iyo maanta waxaa yimid
dowladaha carbeed ee lacagta leh boqollaal kun oo Soomaali ah, wax
badanoo waddanka ka mid ahna waxaa lugu dhisay lacagtaa.
Markii abaarta xuni waddankeenna ka dhacday carabta
Muslimka ahi si gaara ayay noogu soo gurmadeen, waana la wada xusuustaa
inay cunnadi ay bixin jireen ay ka tayo fiicnayd tan kale.
Teeda kale dhowr jeer bay isku dayeen heshiisiinta
soomaalida kharash badanna ku baxsheen, Jabuuti baana ugu dambeysay,
markastoo dowlad la dhisana waxay ku bixin jireen malaayiin dollar.
Markii Dowladdeennu dhacday shir Jaamacadda Carabtu
yeelatay waxaa laga soo saaray in ictiraafka Baasaboorku sii socdo,
Safaaradahana la sii ictiraafsanaado, dowladaha galbeedka taa lagama
helin.
Teeda kale maxaad carabta gaar farta ugu fiiqeysaa,
tiradoodu kama badna saddex boqol oo milyan, muslinka tiradiisuna waxay
gaartaa hal bilyan iyo bar, meeshaa waxaan ka fahmeynaa in ninka
su'aalaha qoray uu dan gaara leeyahay oo uu rabo inuu isku diro
Soomaalida iyo Carabta, iyadoo Soomaalidu ay xubin ka tahay Jaamacadda
Carabta.
Dowladaha kiristaanka ah ee aad tiri waxay soo
dhoweeyeen qaxootiga soomaalida, marka ugu horreysa dowladahaasi waxay
ku shaqeeyaan mabda'a ra'sumaaliga ah oo ay sidii diinti u aamminsan
yihiin.
Danaha ragga maalqabeenka ahi waxay ku jirtaa in
nabadgelyadu sugan tahay, kaladambeynina jirtaa, siyaasadduna xasilloon
tahay si wax-soosaarkooda iyo noloshooduba si habsami ah ugu socoto.
Waxay ka dejiyeen qaxootiga sida loola dhaqmayo
nidaam guud oo ay ku dabbaqayaan dad kastoo caalamka uga yimaad, mudda
dheer ka horna la sameeyay, kaa beyna soomaalida ku qaabileen, nidaam u
gaara umay samayn soomaalida ama mid hore u jiray umaanay khilaafin
soomaali darteed, marka abaal gooni ah soomaali uma gelin.
Teeda kale waxaan ogsoon nahay in dadka waddammadaasi
ay sii yaraanayaan tira ahaan oo aanay saa u dhalin, marka dad bay u
baahan yihiin u shaqeeya oo aanay ku soo dhibtoon.
Ragga arrimaha bulshooyinka ka faallooda waxay
sheegeen in yurubtu ay aad uga baqdo isu dheelli tirnaan la'aanta xagga
tirada dadka iyaga iyo waddammada soo koraya ee Afrika iyo Aasiya, ayna
had iyo goor ku fekeraan sidi dadkaa loo yarayn lahaa. Fiiri buugga la
yiraahdo saddexdii khuraafadood.
Inaanay naxariis u hayn dadyowga kale waxaa daliil
kuugu ah in la yiri qofkii reer Afghanistaan ah ee diyaaradaha
maraykanku gardarro ku dileen qoyskiisa magdhow ha loo siiyo afar boqol
oo dollar, qofkii maraykan ah ee ku dhintay diyaaraddi Pan America ee ku
dul qaraxday scotland waa in magdhow loo siiyaa toban milyan oo doollar.
Waxaa kaloo daliil u ah malaayiinta tan ee cuntada ah
ee la baabi'iyo sannad walba si aanu qiimaha ascaartu isu dhimin, waxna
kama siiyaan dalalkay muddada dheer soo gumaysanayeen oo ay
khayraadkoodii soo boobeen.
Teeda kale waxay sheegeysaa daraasad lagu sameeyey
Maraykanka sannadkii 1991kii inay sannad walba dadkaasi ku bixiyaan
barbaarinta bisadaha lacag u dhiganta 106 bilyan oo dollar, lacagtaasoo
miisaaniyad u noqon karta waddan soo koraya muddo gaareysa boqol sano.
Afar bilyan oo ka mid ah waxay ku baxdaa fitamiinaad wax xoojiya kaliya.
Taa wax ka badanna waxaa lagu bixiyaa eeyaha.
Xayawaanku naxariis way mudan yihiin laakiin waxaaba
ku fillaan karta waxa ay dhulka ka gurubsadaan.
Dhinaca kale kooxda yar ee ay Soomaali ka wadeen
iyagaa badanaa is dabbaray oo kumannaan dollar ku bixiyay sidii ay
halkaa ku tegi lahaayeen.
Sharci ahaanna wax baa ku jira in qofku uu gaalada u
aado inuu dakhligiisa hagaajiyo, qofku diinkiisa hadduu u baqayo
ilmihiisana uu mustaqbalkooda ka fekerayo inuu ku degdego ma ahayn gaalo
aadiddeed.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii isku deyaayay inay
waddammadaa aadaan baddey ku hafteen, sababtoo ah been baa loo sheegay,
haddase waxgarad badan waxay billaabeen soo gurya noqosho ay ku rabaan
inay waddankii ku soo noqdaan ama waddammada islaamka ah ee aad hadda
leedahay xuquuqda insaanka lagama dhowro.
Carabtana markii horeba waxaa ka mid ahaa kuwa
oggolaa magangelinta soomaalida sida Yaman, Suuriya, Masar, Suudaan,
Jabuuti, Xagga Islaamkana Baakistaan.
Teeda kale hadday reer galbeedku rabaan inay Soomaali
wax u qabtaan maxay iyagoo waddankooda jooga wax ugu qaban waayeen.
Markii dagaalkii sokeeye billowday safaarahoodii bay
la wada carareen, iskumana deyin inay ka qayb qaataan xal u helka
dagaalka, laakiin Itoobiya markii dagaalku caasimadda ku soo dhowaaday
shir baa London loogu qabtay, dowladdii iyo mucaaradkiina si fudud baa
xukumkii la isugu kala wareejiyey.
Annagase waxay nugu aafeeyeen qashinkii sunta ahaa ee
kiimikada iyo nukliyeerka, taasoo shacabkii iyo bii'adiiba kharribtay,
hubna waa ay isugu keen dhiibeen oo kooxihii bay kala taageereen.
Dad badan oo aqoon yahan ah oo dhulkaa gaalada aaday
wixii ay yaqaanneen kuma shaqeeyaan, oo waxaad arkaysaa qof p.h.d haysta
oo taxi wada ama meel waardiyaynaya, ama macdonalds ka shaqaynaya.
Ugu dambeyntii sidee loo dhihi karaa reer galbeed baa
Soomaali soo dhoweeyey iyadoon ognahay markay u yimaadeen waxay ku
magaacaabeen rajo soo celinta wixii laga dhaxlay inay noqotay inay
dilaan dad lugu qiyaasay saddex iyo toban kun oo Soomaaliyeed, hanti
fara badan oo malaayiin dollar lugu qiimeeyey ayay burburiyeen, wax
magdhaw ahna kamay bixin ama cudurdaar.
Dhibkaa ay na gaarsiiyeen marka la barbardhigo waxa
la sheegayo inay Soomali u qabteen sow la mid ma ahan dhibic biyo macaan
ah oo badweyn lugu daray.
Ninka su'aalaha weydiiyay wuxuu warkiisa ku soo
gabagabeeyey hadalkan:
(Saaxiibbayaal fadlan su'aalahaas iiga soo jawaaba,
oo ka fekera adinkoo deggan, si qoto dheerna u fiiriya. Waayo waxan aan
idinsoo weydiiyey waa wax runa, oo jira, oo aan la dafiri karin…)
Saaxiibkiin oo idin leh: Nabad iyo Caano. Hakim yare
Jawaab:
Beenta gaaladu soo dhoodhoobtay qof caqli luhu rumeyn
maayo, haddii aad adigu xaq u aragto waxaa aad soo tarjumtay waxaan ku
leennahay Allaha ku hanuuniyo, hadalladaa rakhiista ah ee shaki gelinta
loogu tala galay nagama qarsoona, waana wax boqollaal sano ka hor ay
kirishtaanku maciin ka dhigan jireen, casrigaanna wixii u munaasiba lugu
kordhiyay uun.
Markii laga caajisay in xaq la soo bandhigo
daliilkiisii wata waxaa shaqo laga dhigtay su'aalahaa dadka shakiga lugu
gelinayo, Alle mahaddiina waan ka wada jawaabnay, ee Allaha kugu anfaco.
Muslinkuna Nabad iyo Caano iskuma salaamaan, ee waxay
yaqaannaan Assalaamucalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
Bahda
www.maktabada.com