ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   

Xaflad lagusoo dhaweeyay ciyaaryahandii hoore ee Qarankii Somalia ayna ka mid yihiin Jama Karaciin iyo C/qaadir Haji Dahir (Sheekha) oo lagu qabtay Liecester.

Axad 05. 10. 2008

Magaalada Liecester oo xaflad weyn loogu sameeyay Ciyaaryahanada kala ah Jaamac Karaciin , Axmed Muuse iyo C/qaadir Xaaji Dahir Shiikha

Liecester 03.10.2008. Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtey magaalada Liecester dalka Ingiriiska, xafladaas waxaa ka soo qayb galay oo isla markaana lagu marti qaaday xidigihii hore ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo booqasho ku soo gaarey dalka Ingiriiska dhawaan.

Jaamac Karaaciin oo ahaa xidig caan ku ah ciyaaraha fudud ee Soomaaliya isla markaana hada ah macalinka ciyaaraha fudud dalka Suudaan.
Axmed Muuse oo ka mid ciyaaryahanadii kubaddda koleyga naadiga Petroolka iyo xulka Qaranka Soomaaliya, haatana ku nool dalka Germany.
C/qaadir Xaaji Daahir “ Shiikha” xidigii kooxda kubadda koleyga Badda iyo xulkii qaranka Soomaaliya haatana ka yimid dalka USA.
Ibraahim Karaaciin oo ah macalinka cayaaraha fudud dalka Yemen..

Soo dhawayn iyo casho sharaf kadib waxaa halkaa ka hadlay mudane Jaamac Karaaciin oo sharaxaad ka bixiyay sida loogu baahan yahay in la hormariyo Isboortiga Soomaaliyeed isla markaana lagu daydo dadka Soomaaliyeed ee hada u taagan inay horumariyaan cayaaraha Soomaaliya isagoo tusaale ahaan u soo qaatey cayaaraha fudud iyo kubadda koleyga.

Xafladatan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay isla markaana ka hadlay macalinka xulka kubadda koleyga Soomaaliya mudane Cumar Ayeeloow oo u sheegay marti sharafka sida ay ugu faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan magaalada Liecester xidigihii cayaaraha Soomaaliya.

Waxaana isna goobta ka hadlay mudane C/qadir Nomad oo fariin ka siday laacibkii kubadda cagta Soomaaliya Bini Shaakir oo hada ku nool dalka Sacuudiga.

Xaflada waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ururo Isboorti madax ka ah oo ka jira dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalooyinka Liecester iyo London sida Ururada Leessa, Somali Diaspora, Liecester United iyo Liecester Stars.

Waxaa kale xaflada ka soo qayb galay mudanaha laga soo doorto magaalada Liecester mudane AbdiRisaq , Mahboob oo ka socday Liecester Sports Development iyo mudanayaasha kala ah Biine ex Jeenyo & Muqadisho kubadda koleyga Soomaaliya, Advocaato Dahir, Mohamed Ali, Baafo, Cumar Dheere, Sanay iyo aqyaar kale.

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com