ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   

6dii August ee 2008 ayaa murashaxa jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland mudane Nuuradiin Aadan Diiriiye iyo wafdi lixaad leh oo uu hogaaminayo waxey ka ambabaxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo Murashaxa saldhig u aheyd mudadii uu u shaqeynayey Qaramidda midoobey. Saacado dabadeedna wuxuu wafdigu ka soo degey gegidda diyaaradaha ee Gaalkacyo, magaala madaxda gobolka Mudug. 

Axad 05. 10. 2008

Galkacyo

Murashaxa iyo wafdigiisu waxey halkaas kala kulemeen soo dhoweyn aad iyo aad u diirran. Dhamaan qeybaha bulshada ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxey tubnaayeen hareeraha garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka magaalada iyagoo ruxaya sawirka murashaxa, caleemo qoyan iyo looxaan ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo aad u qiiro badan. Inkastoo ay adkeyd in la ismaqllo durbaankii iyo sawaxankii yeerayey awgood hadana wuxuu isku dayey murashaxu inuu si farxad iyo boogaadin leh dadka u salaamo. 


Dabadeedna waxaa wafdiga loo sii gelbiyey hotel-kii ay ku degi lahaayeen. Waxaa iyana murashaxa hareera yaacayey oo had iyo jeer heegan u ahaa inay warar ka duubaan ama sawirro ka qaadaan kooxda saxaafadda. Arintaasuna waxey welwel ku abuurtey iyo walbahaar kooxda hadda Puntland ka talisa. Waxeyna naf bideen iney soo saaraan isla saacadaas wareegto madaxeweyne oo sheegeysa inaan wax abaabul iyo shir ah la qaban karin ilaa bisha November – waa 45 cisho ka hor maalinta doorashada.


Wafdigu wuxuu ku nagaadey magaalada Galkacyo mudo todobaad ah, wuxuuna halkaas kula kulmey dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida; maamulka gobolka mudug, isimada iyo nabadoonada, gudigga ammaanka mudug, aqoon yahanka, ururada haweenka, ururada dhalinyarada iyo dadweynaha intaba. 
Murashaxu qeyb kasto bulshada ka mid ah oo uu la kulmey wuxuu si tafatirran oo aqoon iyo xog-ogaalnimmo ku saleysan u dareensiiyey dhibaatooyinka faraha badan ee haysta dadka reer Puntland, iyo cidda ka mas’uulka ah mashaqadaas. Dhanka kalena wuxuu u bandhigayey baahida loo qabo in isbedel qaab nabadeed ku yimaada dalka laga sameeyo si looga samatabixiyo xaalada qallafsan ee uu ku sugan yahay maanta; iyo inuu isagu Nuuradiin ahaan u taagan yahay oo u sharaxxan yahay jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland si uu u hogaamiyo isbdelkaas isaga ah. Sidaas darteedna uu dadka ka codsanyey in howshaas gacan lagu siiyo oo lagu garab istaago iyo weliba in qof waliba ka qeyb qaato badbaadada dadka. 



Ugu danbeyntana wuxuu dadka siinayey fursad ay su’aallo ku weydiin karaan hadey doonaan. Haddii markaas ay dhacdo in su’aallo la weydiiyo wuxuu uga jawaabayey si faahfaahsan oo ay ka muuqato isku-kalsooni iyo aqoon waxa uu ka hadlayo. 
Hadaba markii la isku soo wada duubo mirihii ka soo baxaey booqashadii Gaalkacyo ee murashaxa ama ha ahaato barnaamijkiisa siyaasadeed iyo khudbadihii uu fagaarayaasha ka akhriyey ama ha ahaato guud ahaan habkii abaabulku u socdey eh, waxaa muuqatey in ay aad iyo aad u saameysey dhammaan dadkii reer mudug.




Sidaas darteedna ay gudoonsadeen inay hal murashax ku midoobaan kaasoo ah Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye.


Boosaaso
Kadib markii howshii Gaalkacyo guushaas ku soo gabgabowdey, waxey murashaxa iyo wafdigii uu horkacayey u gudbeen magaalo madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo ay ku tageen diyaarad u khaas aheyd. 




Waxaa garoonka Boosaaso ugu diyaar ahaa wafdiga oo kusoo dhaweeyey dad aad u farabadan oo isugu jirey qeybaha ay ka kooban tahay bulshadu. Murashaxu wuxuu wareysi kooban siiyey saxaafada intii garoonka boosaasood la joogey. Murtida wareysigaasuna waxey isugu biyo shubaneysey saddex arimood: 
 

Dabadeedna waxaa wafdiga loo sii gelbiyey xagaas iyo rugta lagu magacaabo ‘International Village’ oo iyadu ah bilicda magaalada Boosaaso. Isla markii rugta la tageyna murashaxu wuxuu qabtey shir jaraa’id oo ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen suxufiyiin fara badan oo ka kala socota idaacado iyo telefishinno kala duwan. Wuxuu si qotodheer uga hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo ujeedada booqashadiisa magaalada Boosaasod. 


Dabadeedna waxaa wax laga weydiiyey barnaamijkiisa siyaasadeed oo ku aadan dhinacyada amniga iyo midnimada Puntland, arimaha bulshada sida; waxbarashada iyo caafimaadka, burcad-badeeda, iyo su’aalo kaloo badan. Murashaxu wuxuu warbaahinta u sheegey in haddii uu ku guuleysto jagada Madaxweynaha Puntland, waxa ugu horeeya ee uu qaban doono ay tahay sugida ammaanka iyo midnimada Puntland, wuxuuna aad carabka ugu adkeeyey in amnigu lafdhabar u yahay horumarka bulsho kasta. Sidoo kale wuxuu sheegey inuu gaara siin doono horumarinta arimaha bulshada.


Murashaxu mar kastoo uu arimaha burcad-badeedka ka hadlley, wuxuu ugu horeynta qirayey in ugaarsiga maraakiibta iyo doonyaha dunida u kala gooshaya uu caalamka oo idil dembi ka yahay oo aan la ogolaan Karin. Hase yeeshee, wuxu intaas ku darayey inay adag tahay in wax laga qabto burcad-badeeda haddaan marka hore wax laga qaban oo xal loo helin xadgudubka iyo xaalufinta ay shisheeyuhu ku hayaan badda Soomaaliya.


Maalin labaaddii, waxaa murashaxa iyo wafdigiisii booqasho sharaf ugu tageen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi, waxeyna labada dhinac isla soo qaadeen inay lagama maarmaan tahay in laga wada qeyb qaato ammaanka iyo xasiloonida dalka, iyo in la qabto doorasho xaqa oo waqtigeedii ku dhacda, ciddii ku guuleysatana lagula shaqeeyo.

Booqashada madaxweynaha waxaa ku xigtey casho sharaf uu Murashaxu u fidiyey Isimada Puntland oo badankoodu markaas Boosaaso ku sugnaa. Ugu horeyntii wuxuu Murashaxu isimada ku bogaadiyey howlaha culus ee ay bulshadooda u hayaan iyo sidey ugu dhabar adeygaan dhibaatooyinka lasoo gudboonaada. Dabadeedna wuxuu u gudbiyey dhambaal murtiyeedkiisii ka koobnaa dhibaatooyinka dalka ka jira, isbedelka looga bixi karo, iyo murashaxnimadiisa uu ka codsanayo inay ugu hiiliyaan. Isimadu waxey mahadceliyeen casho sharafka lagu gaaryeeley. Sidoo kalena Isimadu waxey dhammaantood qireen dayaca iyo dhibudhaca haysta dadka reer Puntland iyo iney waajib tahay in la helo isbedel. Dabadeedna waxay issimadu soo dhoweeyeen codsigiisa iyagoo si mas’uulnimo ah u Hadlaya waxeyna ugu duceeyeen in haddii dalka iyo dadka dan u yahay Alle u fududeeyo howshaas iyada ah.


Waxaa markastoo wafdigu kulamo la yeesho qeybaha bulshada goobjoog ka ahaa saxaafada oo si deg-dega dunida ugu baahineysey barnaamijyada laga hadlayey. Arintaasina waxey gilgishey oo baqdin ku abuurtey maamulka Puntland oo marwalba cadaadis iyo caburin kula dhaqma saxaafada. Waxeyna sidaas darted soo saareen wareegto sheegeysa inaan saxaafadu faafin Karin barnaamijyada iyo abaabulka murashaxiinta; waxeyna isla markaas xabsiga dhigeen qaar ka mid ah suxufiyiinta Boosaaso ku sugnaa. Hasayeeshee wareegtooyinka cagajugleynta ah ee aan xeerka dalka ku xusneyn marna kuma guuleysan inay suxufiyiinta iyo murashaxiinta midna shaqadooda ka hakiyaan ama ka weeciyaan bal waxeyba ka heleen sumcad iyo karaar qaadasho hor leh.


Waxaa kaloo shaqooyinkii murashaxa iyo wefdigiisu kazoo qabteen magaalada Boosaaso ka mid ahaa kulamo kala duwan oo ay la yeesheen nabadoonada gobolka Bari, ururada haweenka iyo kuwa dhallinyarada. Dhammaanna waxey isku soo afgarteen oo la isla meel dhigey in isbedel lagu sameyo hab-maamuleedka Puntland, iyo in loo xusho dad aqoon iyo ammaano leh oo isbedelkaas ka miro dhaliya. Intaas ayeyna kusoo gabagabowdey booqashadii ay murashaxa Nuuradiin Aadan Diiriye iyo wafdigiisu ku tageen magaalada Boosaaso.

Carmo
Wefdiga uu horkacayey murashax Nuuradiin Aadan Diiriye wuxuu ka amba baxay magaalada Boosaaso isagoo safarkiisu ahaa haga dhulka. Wuxu wefdigu kusii hakadey magaalada Carmo mudo saacado ah halkaasoo uu booqday Kuliyadda Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo. 


Waxaa wefdiga si aada u soo dhoweeyey saraakiisha Booliska oo gacanta ku haysa kuliyadaas. Waxay saraakiishu ka warbixisay barnaamijyada uliyadda ka baxa iyo weliba qeybaha ay dhismo ahaan ka kooban tahay. Waxaa iyana murashaxa halkaas salaam-sharaf ku siiyey cutubyo booliska ah oo kuliyadda tabbarro uga socdeyn.


Dabadeed murashaxa ayaa ciidankii u jeediyey khudbad kooban oo uu u dulmaray ama ku baraarujiyey dhibta dadkooda haysta wuxuuna aad ugu booriyey ciidanka inay waxwalba u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda; iyo inay waxbarashadooda u daacad noqdaan iyo iney xirfadooda horumar uga gaaraan.


Murashaxu wuxuu ciidanka u sheegey loolanka uu ugu jiro jagada Madaxweynaha Dowladgoboleedka Puntland; wuxuuna u ballan qaadey in uu noloshooda wax weyn ka badeli doono hadduu ku guuleysto jagadaas. Wuxuu kaloo murashaxu u mahad celiyey isagoo afka Ingiriiska ku hadlaya Madaxweynaha iyo shacabka Uganda gaar ahaan koox saraakiia oo reer Uganda ah oo tababarayaal ka ah kuliyadda Carmo ee Booliska Soomaaliyeed. Sidaas ayaa wefdigu uga ambabaxay Carmo ayadoo ay saraakiishu sii sagootidey ilaa ay magaalada ka soo saareen. 

Qardho
Waxaa magaalada Carmo ku xigtey oo wafdigu habeen u hoydey magaalada Qardho oo ah magaala madaxda gobolka Karkaar. Waxeyna kala kulmeen soo dhoweyn ballaaran oo aan loo kala harin. Sidii caadada u aheyd wuxuu murashaxu casho sharaf u fidiyey isimadii, nabadoonadii, aqoonyahankii, saraakiishii iyo waxgaradkii gobolka Karkaar intodii Qardho joogtey.


Murashaxu wuxuu ereygiisii ku bilaabay in magaalada Qardhood ay si weyn uga dhex-muuqato taariikhda Soomaalida tasoo ay ku mutaysatey inay kasoo jeedeen xubnihii ugu firfircoonaa halgankii gobanimodoonkii Soomaaliyeed. Wuxuu ka mahad celiyey soo dhoweyntii wacneyd ee reer Qardhood u muujiyeen dabadeedna wuxuu u gudbey erey murtiyeedkii ahaa inuu iftiimiyo xaalada dhabta ah ee Puntland ku sugan tahay. Iyo sida qof walba xil uga saran yahay inuu ku hamiyo sidii wax looga bedeli lahaa xaalada murugsan ee dalku ku sugan yahay.


Wuxuu intaa ku xijiyey Nuuradiin Aadan Diiriye inuu u tartamayo madaxweynaha Dowad Goboleedka Puntland, una aad u rumaysan yahay dhan kastoo laga eegoba inuu jagadaas geyo oo ehel u yahay. Sidaas darteedna uu reer Qardhood kaga codsanayo inay ku garab istaagaan oo talo iyo tusaaleba ku biiriyaan.


Hadalku markuu ku wareegey reer Qardhod, waxeyna marka hore ka mahad celiyeen martiqadkii loo fidiyey. Dabadeedna waxey aad u soo dhoweeyeen codsigii murashaxa, waxeyna ka ballan qaadeen iney si weyn ugu tixgellin doonaan in uu yahay murashaxa qura oo soo booqdey kalana hadlay dhibaatada dalka haysta iyo sidii wax looga badeli lahaa.


Jawigaas qabow iyo is-afgaradkaas ayuuna kusoo afjarmay safarkii gaabnaa ee wafdigu Qardho ku tagey.

Garoowe
Wefiga ayaa ka soo kicitimey magaalada Qardho subaxnimadii 20.08.2008. waxeyna isla barqadaas soo gaareen Garoowe magaalo madaxda Dowlad Goboleedka Puntland. Soo howeyntii ay halkaas kalakulmeen ma aha mid erayo lagu soo koobi karo. Waxaa la oran karey magaaladii Garoowe oo idil ayaa so guurtey oo kaga hortagtey murashaxa iyo wefdigiisa meel magaalada u jirta dhowr iyo labaatan (Km). Waxaa ka mid ahaa dadkii soo bannaan baxay wasiiro ka tirsan dowlada Puntland, iyo ciidamadii Daraawiishta oo hubkoodii wata iyo sidoo kale iyo sidoo kale taraafikadii gawaarida kala hageysey. Wuxuu dadku safnaa ilaa dhowr kiilomitir oo wadada labadeeda dhinac ah iyagoo lulalaya sawirada murashaxa iyo caleemo qoyan, afkana kaga dhawaaqaya ereyo qiiro iyo lab-lakac kugu abuuraya. 


Markii wafdiga iyo dadkii soo dhoweynayey ay magaalada soo galeen, magaaladii oo dhan ayaa oogsatey, waxaana ka soo haray yaab iyo dhabana-hays tirade daka iyo gawaarida meesha mareysa awgood. Intaa waxaa dheer markii wafdigu soo galey aqalkii uu ku degi lahaa ayaa kumayaal dadihi albaabadii soo jiireen oo gudaha soo buux dhaafiyeen ilaa uu murashaxii hir dadihi kor u qaateen. Taasina waxey khasab ka dhigtey in murashaxu aqalka guudkiisa sare u baxo oo halkaas dadka kala hadllo. Arintaasina waxey magar-ma doonto u tahay oonka dadku u qabo in isbedel lagu sameeyo hab-maamuleedka Puntland. 


Murashaxu ka dib markuu soo dhoweyntii dadka uga mahad-naqey dhibaatooyinka jirana carrabaabey ayuu wuxuu u sheegey inuu u sharaxan yahay jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland. Wuxuuna u muujiyey inuu isbedel doon ahay ee uusa jaga doon aeyn, inuu horumar ku hamiyayo ee uusan hammuun xoolaad qabin, inuu badbaadada dadkiisa u socdo ee aanu baahi keenin, iyo inu karti iyo hufnnaan aaminsan yahay siduu horumar aaminsan yahay siduu horeyba u muujiyey mudadi uu dalka ka shaqeynayey. Arintaasina si weyn ayey dadkii yididiilo dowladnimo u gelisey oo dhegtoodu ugu raaxeysanysey maadaama aysan horey u maqli jirin wax nadaam iyo hufnaan ka hadlaya.


Wuxuu maalintii labaad murashaxu qada-sharaf u fidiyey Issimadii reer Sool intii Garoowe ka joogtey maalintaas, wuxuuna la socodiiyey murashxnimadiisa iyo qorshihiisa wax-qabad haddii uu guuleysto. Arintaasna Issimada Sool aad ayey u soo dhoweeyeen, waxeyna tixgellin dheeraad ah ku siiyeen erayo khudbadiisa ku jirey oo ay ka mid ahaayeen “ Murashaxiinta oo dhan soo dhan soo dhoweeya, hadhowna kala xusha”. 


Isla maalintaas gelinkeedii danbe, wuxuu murashaxu qabtey shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada oo idil. Shirkaasu wuxuu ahaa mid si wacan loo soo abaabuley dadkuna aad u daneynayeen inay dhegeystaan khudbada murashaxa oo ay horey u yiqiineen wuxuu gudo iyo wuxuu galoba. Murashaxu wuxuu shirweynahaas shaaca uga qaadey inuu u tartamayo madaxweynanimada Puntland. Wuxuu kaloo soo bandhigey wuxuu ka qaban doono qeybaha kala duwan ee nolosha hadduu ku guuleysto tartanka. Sidaas darteedna wuxu ka codsadey dadweynaha iney gacan ku siiyaan suurtagelinta howshaas. 

Waxaa xaflad kasta o uu murashaxu qabto si xoogleh u soo buux-dhaafinayey saxaafadda o runtii lagu tilmaami karo laf-dhabarka abaabulka howshan iyada ah, iyo dagaalka ugu weyn eek u socda kooxda Puntland ka talisa hada. Kulamada gaargaarka ah iyo shir-taleefooneedkuna iyagu tira ma laheyn.
Socdaalkii Dubai ee Murashax Nuuradiin Aadan Diiriye
Murashax Nuuradiin iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa, kadib markey soo gabgabeeyeen safarkoodii ay ku marayeen goboladda Puntland, waxay ka soo kicitimeen magaaladda Boosaaso 22. Oktoobar 2008dii iyagoo ku sii jeeda Wadanka Imaaraadka Carabta. Waxey goor fiid danbe ah ka soo degeen magaalada Dubai waxaana garoonka diyaaradaha Dubai ku soo dhoweeyey dad ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi ku nool, kuwaasoo sii gelbiyey ilaa hotelkii uu wafdigu ku degey. 

Wuxuu murashaxu habeenkii labaad dhigey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka so qeyb-galeen dad dhowr boqol gaarayey oo reer Puntland ah isuguna jirey rag iyo dumarba. Shirku markuu furmey ka dib waxaa hadalka la siiyey murashaxa si uu u yiraahdo eray murtiyeedkii goobtaas. 


Waxaa murashaxa caado u ah in fagaare kasta oo uu dadka kala hadlayo uu ku bilaabo inuu horta aad ugu baraarujiyo dadka dhibaatooyinka dalka ka jira oo haddaan degdeg wax looga qabanin cirib xumo ku danbeyn kara. Qaabkaas ayuuna hadalkiisii ku bilaabey. Wuxuu intaa raaciyey warbixin kooban oo uu ka siiyey xaaladda uu dalka ku sugnaa maadaama uu ka soo laabtey safar uu ku marayey mudo dhowr usbuuc ah deegaanada Puntland.

Markii uu dalka uga warbixinayey wuxuu carabka ku dhuftey xeelado dhowr ah oo ay adeegsanayaan kooxda hadda Puntland ka talisa si ay xukunka u sii haystaan. 
Dabadeed wuxuu u sheegey inuu u sharaxan yahay jagada ugu sareysa maamul goboleedka Puntland si uu u hogaamiyo isbedelka dadku u baahan yihiin in laga hirgeliyo dowlad goboledka Puntland. Wuxuu kaloo murashaxu si guud mar ah martidii xafladda ugu bidhaanshey waxyaabaha uu doonayo inuu qabto hadduu tartanka ku guuleysto, iyo weliba siduu mudnaanta u kala siinayo. Wuxuu hadalkiisii ku soo gunaanadey codsi uu dadka reer Puntland kaga codsnayo iney garab istaagaan oo gacan ku siiyaan howshaas. 


Markaas ka dib, wuxuu dadkii u furey inuu diyaar u yahay hadey su’ssllo weydiinayaan. Runtii su’aallo badan ayaa la weydiiyey wuxuuna uga jawaabey si aydadku aad ugu riyaaqeen. Waxaana weliba la maqlayey iyagoo qaarkood ku sheekeysanaya inuu murashaxu yahay kan keliya oo run ahaan diyaarsan. Intaas ayaana caweyskaasi ku soo afjarmey.

Waxaa xafaladaasi ka danbeysey dhowr cisho oo uu murashaxu fadhiyo gaar gaar ah la yeelanayey dad kala duwan, iyo wareysiyo uu siinayey saxaafadda.
Guud ahaan booqashadi Dubai ee Murashax Nuradiin Aadan Diiriye waxey ku soo dhamaatey si wanaagsan oo runtii la oran karo waxey sare u qaadey yididiiladiisa inuu jagadaas ku guulesyta ah.

Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye
Kala xiriir Nuradin Dirie online
www.nuradindirie.com 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com