ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   

Isusoobaxyo ay dhigayeen Dad weeyne aad utro badan oo kasoo barakacay Dagaalada Micno darada ah ee kasocda Magaalada Muqdisho ayaa kadhacay Deegaanka ceelasha Biyaha.

Axad 05. 10. 2008

Dad weeyne aad utiro badan oo kasoo barakay dagalada ujeedo la’aanta ah iyo Madaaficda lagu duqeeyo Dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan ee ka dhacaya magalada Muqdisho ayaa maanta dibadbaxayo balaran ka dhigay aga gaarka Lafoole, dadkaasoo ka cabanaya xaalad  nolol iyo daryeel xumo oo ku heeysata deegaankasi, ayadoo ayna ugu danbeeysay roob mahiigaan ah oo xalay ku heley Deegaanka Lafoole.

Dadkaani oo isugu jiray Caruur Haween iyo waayeelba ayaa ka mid ahaa Dadkii dhawantaan kasoo barakay Dagaalada  duqeymaha wata ee kasoconaaya Magaalada Moqdisho, kuwaaso aysan muuqan haba yaraater cid unaxarisaneeysa oo ka damqaneeysa dhibaatada lagu hayo Caruurta iyo Haweenka aan waxba galab san, ayana usii dheertahay nafaqo daro, gaajo iyo daryeel xumo kuheeysata Deegaanada ay u qaxeen ee duleedka Magaalada Moqdisho.

Barakacayaashan ayaa isusoobaxooda ku dhawaaqayay erayo gar gaar dalbasho ah oo ku wajahan hay’adaha samafalka, ayagoona tilmaamayay ineey iska ilooben  ugar gaarida Dadweynaha farah badan ee kasoo barakacay Dagaalada lagu hayo Dalka iyo Dadka Somaliyeed.

Hassan C

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com