Somalia -
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada ee Somalia Maxamed Cali
Jaamac ayaa ku dhawaaqay ineeysan Dowlada Somalia xiligaan kutala jirin
in ay aqoonsato gooni isutaaga Abkhazia iyo South Ossetia oo u dhawaan
Wadanka Russia ku dhawaaqay inuu aqoonsanyahay gooni isutaagooda.
Sidoo kale ayuu wuxuu
sheegay Agaasimihu ineeysan habayaraate sal iyo raad laheeyn oo aysana
waxba kajirin hadalka kasoo yeeray safiirka Soomaalia u fadhiya Dalka
Russia Xandulle, kasoo sheegay in Dowlada Somalia ay aqoonsatay Gooni
isu taaga Gobolada Abkhazia iyo South Ossetia kuwaaso katirsan Wadanka
Georgia.
Hadalkaan ayuu
Agaasimihi kasheegay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada
Muqdisho, asgoona kabixiyay raali galin hadalkii dhawaantan kasoo yeeray
Safiirka Somalia ee Dalka Russia,tasoo u yiri saxaafada Caalamku ayaa
aad u bun buunisay hadal aan munasab aheeyn, wakhtigiisina aan gaarin,
waa sida u hadalka u dhigaye, wuxuuna ugu danbeyntii sheegay in safiirka
lagu war galiyay inuu dalka kusoo laabto si u sharaxaad ooga bixiyo
sabaabah hadalkaan keenay.
Hassan C
Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan