|
|
|
|
Oktoobar
4, 2008 Toronto, Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradiin Aadan
Diiriye oo la kulmay Jaaliyada reer Puntland ee Kanada |
|
Isniin 06. 10. 2008 |
|
Halkaan ka daawo sawiradii Toronto
Waxaa caawo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo si heer sare loo soo
abaabulay Holiday Inn, ee Magaalada Toronto ee wadanka Kanada.
Xafladdaas oo lagu soo dhaweynayey musharxa dowled goboleedka Puntland
Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka soo laabtay Puntland ka dib markii
uu booqasho Muddo seddex toddobaad ah qaadatay uu ku soo maray cariga
Puntland.

Waxaa xafladdii xalay ka soo qeybgalay dad kor u dhaafey 500 oo qof oo
rabay in ay la kulmaan ama dhageystaan musharaxan cusub. Waxaa kamid
ahaa waxgaradkii xaflada kasoo qeyb galay Naasir Cabdi Baale, Suldaan C/Raxmaan
Olol Diinle, Xaaji Daahir, C/Raxmaan Xaaji Nuur Shaganle, Caddow Maxamed
Gacal iyo C/Laahi Ciise.

Waxaa xafladda daadihinayey Burhaan Warsame Cabdi iyo C/Fitaax Aadan
Warsame C/Fitaax Marayare. Ugu horeyntii waxaa xafladda lagu furay
aayado quraanka kariimka ah. Kadib waxaa halkaa ka hadlay waxgaradka iyo
odayaasha magaalada Toronto, dadkii halkaa ka hadlay oo ay kamid
ahaayeen Siciid Yuusuf Diiriye, C/Wali Maxamed Caligaas, C/Raxmaan Xoosh
waxay dhamaantood si diiran usoo dhaweeyeeen musharaxa madaxtinimida
Puntland Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye.

Intaa ka dib waxaa uu codbaahiyaha ku oo dhaweeyey Murashaxa Mudane
Nuuradiin, taasoo oo ugu horeyntii uga mahadceliyey jaaliyadda magaalada
Toronto sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen waddanka Kanada.

Nuuradiin waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay arrimaha Puntland ka taagan
sida amaan darada, caafimaad darada, dhaqaalaha iyo sicir bararka
baahsan, waxbarashada iyo mustaqbalka oo u baahan in si wadajir ah wax
looga qabto, iyadoo kaalin mug leh ay ka qaadanayaan dadka reer Puntland
meel walba oo ay joogaan dibada iyo gudahaba.

Waxaan hada ka imid wadankii waxaana la kulaney lana soo hadalley
isimadda,nabadoonada iyo cuqaasha dhamaan goboladda Puntland sida Bari,
Karkaar, Sanaag, Sool, Nuugaal iyo Mudug. Waxaan xaaladda wadanka si
qotodheer uga soo wadahadallay aqoonyahanka iyo dhamaanba qeybaha kala
duwan ee bulshada reer Puntland deegaanada kala duwan ee aan safarka ku
tagney. Waxaan sidoo kale xaaladaha amaanka iyo dhaqaalahaba kala soo
sheekeysaney ganacsatada iyo ururada bulshada sida haweenka iyo
dhalinyaradaba.

Waxaa maanta Puntland iyo Soomaaliyaba kajira nolol aad u adag, qofka
noloshiisa waxay ku eg tahay 37 sano “life expectancy”, afartii sano ee
lasoo dhaafay waxaa ku umul raaacay ama ku dhintay Puntland foosha tobon
kun oo hooyo, waxaa iskuul ka aada sadex tobonkii caruura.

Waxaan cidina ka dahsooneyn in dhibaatooyinkaas aan kor ku soo sheegney
ay sabab u tahay maamul xumo, aqoon darro, eex, caddaalad darro iyo
ammaano xumo isbiirsadey loona baahay yahay isbadal dhab ah oo xag walba
leh si loogaaro horumar la taaban karo. Xaga dhaqaalaha Puntland waa
wadan hodan ah ilaahayna ku manaystay kheyraad dabiici ah sida
kaluumeysiga, dhagaxa buuraha kujira oo loo yaqaan dhuxusha cad, xoolaha
nool, saliida ceyriin “oil”.

Nuuradiin waxa uu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey waxaan aaminsanahay
hadii lahelo maamul daacad iyo aqoon leh in wadankii ladaba qaban karo
xag amaan, dhaqaale, waxbarasho iyo caafimaadba.
Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye
www.nuradindirie.com
Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |
|
Copyright © Allidamaale.com
CONTACT US
Webmaster
Allidamaale@hotmail.com
Boggan waxba lagama
daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa
Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com
|
|
|