ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   

Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ku tilmaamay isticmaal la’aanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Moqdisho.

Isniin 06. 10. 2008

Somalia - Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir  Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ku tilmaamay isticmaal la’aanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Moqdisho mid ku timid Masuuliyad daro katimid Xukuumada Nuur Cadde, wauxuuna maxamed dheere ku Eedeyay Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo ku xigeenkiisa Axmed Cabdi Salaan in ay iyagu ka danbeeyaan Xirnaanshaha Garoonka Moqdisho, tasoo buu yiri ay daliil u tahay markey kasoo dagayaan Garoonka oo aan wax weeraro ah lagu qaadin, halka marka Madaxweynahu uu safrayo weeraro lixaad leh lagu qaado Garoonka.

Maxamed dheere wuxuu kaloo sheegay Abuu-Mansuur,Axmed Cabdi salaan iyo Xasan Turki ay iska kaashanayaan dhibaateeynta Dadka Moqdisho, aygoona Goboladooda ka wada sugudi amaanka halka ay Magaalada Moqdishona ay usoo diraan wiilaal ka geesta dilaal iyo qaraxyo, kuwaaso ku sifoobay coolad argoosiya.

Wuxuuna sidoo kale sheegay inloo bahayahay in reer Muqdisho in ay kala gartaan cida dantooda ka sheqeynaysa iyo kuwa dhibateynaya, wuxuuna intaas kudaray in odayasha dhaqanka looga bahanayahay ineey qaadan tilaabo lagu bad baadinaayo danah dadka Moqdisho, si dib loogu furo Garoonka Magaalada ayuu yiri Maxamed Dheere,wuxuuna si kulul u weeraray Xukuumada Nuur Cadde asgoona sheegay ineey ka gaabisay waxkaqabashada Amaanka Magaalada Moqdisho, taaso ay ugu daran tahay xaalada Garoonka.

Ugu danbeeyntii ayuu Maxamed Dheere usoo jeediyaay Ciidamada Xooga Dalka ineey laba laaban dadaalka ay ku doonayaan sugida Amaanka Magaalada Moqdisho,wuxuuna ku amaanay sida geesinamada leh oo ay ooga hortagayaan kooxaha xasiloonida iyo nabada udiidan Gayiga Somalia.

Hassan C

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com