Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib
dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta
islaamka ( A.C.W.W ).
Kadib bur burkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka oo
dhan ka dhacay, waxyaalaha laga dhaxlay waxaa ka mid ahaa iyadoo la
waayay nidaamkii iyo kala danbeyntii Bulshada dhexdeeda, taasoo wax
baddan lagu arkayay magaalooyinka waaweyn iyadoo ay dhalinyaradii u
xuubsiibteen mar walba arimaha fowdada ah ama ku taxluqa shuftanimada
iyo boobka. Waxaa la waayay ciddii dhalinyaradaas hagi laheyd ama maamul
wanaagsan u sameyn laheyd. Dhalinyaradu meel walboo ay joogaanba kama
soo haraan abaabul iyo iskudubaridid, waayo waa xoog jiraa oo soo kacaya,
haddii aynan helin cid u hagta xagga wanaaga, waxaa ay gacanta u
galayaan kooxo kale oo dariiq qaldan isugu dubaridata.
Haddaba maamul goboleedka Puntland, oo runtii 10kii
sano ee lasoo dhaafay isagu helay fursado baddan ayan nasiib u helin
goboladii kale ee dalka oo dhan, ayaad moodaan inaanay ka faa’ideysan
fursaddaas, oo haddii fursaddii ay heleen ka faa’ideysan lahaayeen, gaar
ahaan xagga Isboortiga ama ciyaaraha, maanta waxey matali lahaayeen
Soomaaliya oo idil, iyagoo uga qeyb gali lahaa ciyaaraha caalamiga ah..
Xitaa wax baddan waxeynu isku daynay inaanu si toos ah iyo si dadbanba
ugu tusaaleyno sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen fursadaha jira,
laakiin nasiibdarro cid dheg jalaq noo siisay ma aanay jirin.
Haddaba maanta haddii la gartay bal in boorka leyska
jafo, oo wax uun isboorti ah la bilaabo, waa Allaah mahadii, oo waxaan
leenahay hambalyo wasaarada isboortiga ee Puntland iyo weliba ururka
PDRC, oo runtii aan oran karo waa hay’ad iyadu mar walba u taagan
horumarka Puntland, una baahan in lagu dhiira geliyo laguna abaalmariyo.
Waxaan mahad gaar ah aan halkan uga soo gudbinaynaa wasiirka isboortiga
Mudane Cabdinuur Cilmi Biindhe, oo runtii wax baddan ka qabtay sare u
qaadida iyo horumarinta ciyaaraha Puntland.
Run ahaantii ciyaaruhu ahmiyad aad iyo aad u weyn
ayeey u leeyihiin Bulshada, oo waxey sare u qaadaan xiriirka ka dhaxeeya
Bulshada dhexdeeda, oo sidoo kale waxa ay wataan caafimaad iyo ummadda
oo wacyigoodu uu sare u kaco, sidoo kale waxaa laga sameeyaa dhaqaale
aad iyo aad u baddan. Sidoo kale hadba inta meel ciyaaro laga qabto,
ayeey hadba yaraadaan tirada danbiyada ama fal danbiyeedka ay ku kacaan
Dhalinyarada iyo dadka kalaba. Ahmiyadda ay ciyaaruhu leeyihiin maaha
wax halkan lagu soo koobi karo, oo haddii la yiraahdo halaga hadlo waa
wax u baahan in laga qoro buugaaga fara baddan.
Haddaba waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa, reer
Puntladow ka faa’ideysta waqtigiina oo kala shaqeeya wasaaradda ciyaarha
sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha. Sidoo kale wasaaradda Ciyaaraha
waxaan kula talin lahaa in la abuuro xiriiraddii ciyaaraha kala duwan
Sida { Xiriirka Puntland ee Kubbadda cagta, Xiriirka Puntland ee
Ciyaarha fudud, Xiriirka Puntland ee Kubadda koleyga i.w.m. },
runtii waa sida ugu fudud ee sare loogu qaadi karo ciyaaraha, loona soo
saari karo tiro aad u faro baddan oo ciyaaro ah. Ogow mar walba
ciyaaruhu iyagaa abuurta dhaqaalahooda, oo waxey u baahan yihiin oo
kaliya maamul wanagaasan iyo in loo kaco.
Hadalkeygii waa iga Intaas, ujeedadeydu maaha inaan cid gaar ah ku
weeraro ama aan arimo kale ka wato, ee waa istusaaleyn iyo anigoo ay igu
weyn tahay inaan arko Puntland oo heysa waddadii horumarka.
Wabilaahi
T