ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

13:00 - Duhurkii
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

04:00  - Aroorti
11:00  - Barqadi
14:00  - Duhurki
18:00  - Fiidniki
   

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradiin Aadan Diiriye la kulmay Jaaliyada Soomaliyeed ee Columbus, USA

Talaado 07. 10. 2008

Halkaan ka daawo sawiradii Columbus 
Waxaa maanta oo taariikhdu aheyd 5ta Octoobar lagu qabtay xaflad qado sharaf ah Mifflin Middle School ee Magaalada Columbus wadanka Maraykanka.

Xafladdaas oo lagu soo dhaweynayey musharxa madaxweynaha dowled goboleedka Soomliyeed ee Puntland Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye oo dhowaan ka soo laabtay Puntland.

Waxaa xafladdii maanta ka soo qeybgalay dad kor u dhaafey 500 oo qof oo dhamaantood xiisaynayey in ay la kulmaan musharaxa ama ka waraystaan xaalada Puntland iyo Soomaaliya. Waxaa kamid ahaa waxgaradkii xaflada kasoo qeyb galay C/Laahi Axmed Faracade, Axmad Jaamac, Nuur Xasan “nuur gaas”, Eng Maxamed Xaaji Saalax, Xildhibaan Sharma’arke Maxamed Xaashi Gaani, Eng Abukar, Axmed Baraawe iyo C/Nuur Faarax Maxamed. 

Waxaa xafladda daadihinayey C/Raxmaan Diiriye Xamaal. Waxaa halkaa lagu gudoon siiyey koob kooxda kubada cagta ee Ohio United. 
Kadib waxaa hadlay waxgaradka iyo odayaasha magaalada Columbus, waxay ayna dhamaantood si diiran usoo dhaweeyeeen musharaxa madaxtinimida Puntland Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye.


Intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey mikrafoonka Murashaxa Mudane Nuuradiin, waxa uu Nuuradiin ugu horeyntii uga mahadceliyey jaaliyadda magaalada Columbus sida diirran ee Soomaalinimo ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Columbus.

Nuuradiin waxaa uu si qotodheer u falanqeeyey xaalada Soomaliya iyo tan Puntland maanta ku sugan tahay, xaalada abaaraha iyo colaada sideed iyo tobonka sano ka socota Soomaaliya isagoo ku dheeraaday arimaha bulshada, amniga, cadaalada, caafimaadka, waxbarashada iyo arimaha qoyska. 

Waxaan hada ka imid wadankii waxaana la kulaney lana soo hadalley isimadda,nabadoonada iyo cuqaasha dhamaan goboladda Puntland sida Bari, Karkaar, Sanaag, Sool, Nuugaal iyo Mudug. Waxaan xaaladda wadanka si qotodheer uga soo wadahadallay aqoonyahanka iyo dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland deegaanada kala duwan ee aan safarka ku tagney. Waxaan sidoo kale xaaladaha amaanka iyo dhaqaalahaba kala soo sheekeysaney ganacsatada iyo ururada bulshada sida haweenka iyo dhalinyaradaba.



Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “walaalayaal waxaa wadankii ka jira maaha waxaan udulqaadan karno xag diineed iyo mid Soomaalinimo intaba, waa xil kuligeen nasaaran inaan u istaagno aana daba qabano wadankeenii hooyo si loo helo hoy aad dib ugu noqotaan ileen kuligeen waxaan ka nimid wadankaase”



Nuuradiin waxa uu xaflada kusoo xiray inay lagama maarmaan tahay in la helo maamul cusub oo Puntland lehna aqoon dheer kuna saleysan aqoon yahanka gudaha iyo dibada qof walbana uu istaago sidii uu badbaadin lahaa wadankeenii.

Sawir qaade C/Fataax Muuse 


Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye

www.nuradindirie.com

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com