Jaaliyadda Switzerland oo ka tacsiyeesay geeridii naxdinta laheyd ee Danjira Beriberi

Posted Date: 31 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Jaaliyadda soomaaliyeed ee reer Switzerland oo ka tacsiyeyneysa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Danjira Yusuf Beriberi: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, ma dhinte waa Eebe
Jaaliyadda Soomaliyeed ee degan Switzerland waxay tacsi tiiraayo iyo naxdin leh u dirayaan waalidka, xaaska, walaalaha, dhammaan eheladiisa, saaxiibadiisa iyo guud ahaan qaranka uu sida daacadda ah, sharafka iyo kartida leh ugu adeegayay muddada dheer. Waxan Eebe ka baryeynaa in uu marxuumka janadii ka waraabiyo anaga na naga samirsiiyo. Burcaddii dishay danjire Yusuf Beriberi waxay indhaha ka rideen qaranki soomaaliyeed.

Wuxuu Soomaaliya uga ahaa danjir xarunta labaad ee ugu muhimsan Qaramada midoobay oo wadan kastaa ka fushado danahiisa gaarka ah. Marxuum Yusuf wuxu ahaa danjiraha ugu firfircoon oo dalkiisa u qabtay waxyaalo leh qiimo aad u weyn. Wuxuu danjir iyo xiriiriye u ahaa jaaliyadaha soomaaliyeed ee degan yurub daafaheeda. Wuxuu ahaa nin isku darsaday aqoon, karti, wadaninimo iyo dadwadnimo la taaban karo. Habka loo dilay danjire Yusuf M. Ismaaciil Beriberi waa mid guracan oo foolxun. Haddaba waxaa loo bahanyahay in suaalahan jawaab loo helo.

Waxaa loo baahanyahay in la iswediiyo yaa dilay danjire Yuusuf?

See bey ku dhacday in masuul qiimahaas weyn leh in dowladdii u ka tirsanaa ay amaankiisa sugiweyso? Yaa dowladdu u xilsaarta nabagelyada madaxda sarsare? Hotelki Yusuf lagu dilay ma wuusan lahey ciidan nabadsugideed?
Prof, Maxamed Xareed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7