Afhayeenka xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel), ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedayn ay xukuumadda u jeediyeen siyaasiyiin reer Puntland ah.
Quraan-jecel ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay imbadan ka furfuran tahay xukuumadihii ka horeeyey, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhegeysiga aragtida bulshada.
Afhayeenku wuxuu sheegay in xukuumaddu ay imbadan u dhega nugu shahay shacabkeeda, islamarkaana madaxweynaha dalka ugu sareeya uu imbadan shacabka kadhegeystey aragtidooda haddana ay diyaar u tahay dowladdu inay u hogaansanto aragtidooda.
Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya xilli dhowaan rag ka soo jeeda deegaamada Puntland ay dhaliileen siyaasadda dowladda.
Feb 26, 2017
Jul 26, 2016
Jul 12, 2016
Jun 01, 2016
Jun 01, 2016