Agaasimaha Daryeelka Arimaha Bulshada PL oo La kulmay Hey’ada u Dooda xuquuqda Naafada Finland

Posted Date: 04 Nov 2014   in: news,Puntland     0 Comments

Mohamed Abdirisak Dayib Gure. oo ah Director of puntland Agency for Social Welfare  (Agaasimaha Guud daryeelka arimaha bulshada puntland) oo ay la socdaan Wakiilka Dawlada Puntland u fadhiya Finland Mudane Abdifatah Jama (Janagale) iyo Gudoomiyaha Dallada Midowga jaaliyada Puntland  Mudane Abdiqani Ahmed Du’ale iyo  Gudoomiayaha Golaha dhexe ee Dallada Said Mohamed Osman iyo Xoghayaha arimaha bulshada Mudane AbdulkadirAbshir  Kadiye iyo Xubno kale oo gudiga Fulinta ee dalada Ayaa manta la kulmay Hay ado kala duwan oo u dooda Xuquuqda dadka Naafada iyo Dhimirka oo qaarkood ay naafa Yihiin waxaana hogaaminayay  Kalle Könkkölä oo ahaan jiray Xildhibaan katirsan baarlamaanka Finland hadana ah Gudoomiyaha Global Disability Diplomacy on Human Rights.

Kulankaas ayaa wuxuuna u dhacay  si wanaagsan waxaana layswaydaarsaday xogog muhiim ah oo waxtar uleh dadka naafada iyo dhimirka ee ku sugan deegaanada Putland iyagoo sheegay in ay haatan waxtaraan Deegaanada Somaliland iyo caasimada Soomaaliya Moqdisho
Hadaba fursadaan ay heshay dowlada puntland ayaa ah fursad muhiim ah waxaana kasoo shaqeeyey Wakiilka puntland u fadhiya finland Mudane Abdifatah Jama iyo Dallada ururada puntland ee Finland ee Fadhigeedu yahay Magaalada Helsinki.
agaasimaha.daryeelka.PL1
Waxaa kulankaas kasoo baxay in gudi heer sare ah loo saaro sidii deegaanada puntland loo caawin lahaa dadka naafada ah sidii qalab loo gaarsiin lahaa iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.
agaasimaha.daryeelka.PL2
Agaasimaha guud ee hey’ada daryeelka arimaha bulshada puntland ayaa balan qaaday inuu xiriir joogta ka sameyn doono hey’adan una geyn lahaa deegaanada puntland si ay marka hore usoo arkaan baahida ka jirta .

Dalada ururada puntland ee Finland Yasin Ali

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7