Agaasimaha Guud ee Radio daljir oo dil ka badbaaday maanta

Posted Date: 09 Dec 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Agaasimaha guud ee Radio Daljir Axmed Shiikh Maxamed (Tallman) ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib markii rasaas uu ku weeraray askari kamid ah bilayska Puntland ee magaalada Bossaso.

Askariga ayaa isaga oo ku qaylinaya “maxaa Asad Diyaano idiin geeyey” waxa uu xabbado afsaar ah ku ridey Agaasimaha oo xilligaas ka soo baxay xarunta idaacadu ku leedahay magaalada Boosaaso.

“Ilaahay baa i badbaadiyey, xabbad afsaar ah ayuu igu ridey ninkaas askariga ah,” ayuu yiri Tallman.

Marka magaca ama amarka masuuliyiinta lagu gaaro go’aan in la jaro ama halis la geliyo nafta muwaadin Puntland loona ordayo kursiga ugu sareeya dalka, maxaa dalka iyo dadka u danbayn doona?

Maamulka Radio Daljir waxa uu u qaatay in tani ay ahayd farriin cad oo muujinaysa hadafka shaqsiyaadka raba in ay hoggaamiyaan dadka iyo deegaanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7