Ahlsunna oo Baaq u dirtay Gudiga abaaraha Qaranka Soomaaliya

Posted Date: 19 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Maamulka Ahlusuna ee ka arimo Gobalada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa ay dhaliil u jeediyeen Gudiga Gurmadka abaaraha Qarnka Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlsunna Cali Baashi ayaa waxa uu sheegay xili warbaahinta uu kula hadlay magaalada Dhuusamareeb in Gudiga Gurmadka abaaraha Soomaaliya aysan ka soo muuqan doorkii kaga adanaa dadka kunool deegaanada ay maamulkaa Ahlsunna xili abaaaro xoogan ay kajiraan kuwaas oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweyne ku xigeenka Ahlsunna ayaa sheegay in Gurmarkii loogu tala galay dadka kunool deegaanada Ahlsunna meele kale loo leexiyay waxa uuna gudiga abaaraha qaran uu ugu baqaay in ay gurmad deg deg ah ay gaarsiiyaan dadka ku dhibaateesan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Ahlsunna.

Allidamaale