Ahlusunna oo dhoolatus Milatari ka dhigay degmada Dhuusamareeb

Posted Date: 09 Jul 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Culimada Ahlusunna Waljamaaca dhawaan maamulka ka dhisay gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku soo bandhigtay Cududeeda Milatari.

Ciidamada qalbaka sida ee Ahlusunna Waljamaaca oo si weyn ugu qalabeysan gaadiidka milatari ayaa Gaardis iyo socod ku dhex maray Xaafadaha magaalada Dhuusamreeb.

Saraakiishii ka hadashay dhoolatuskaas milatari ayaa idaacadaha u sheegay in ay uga goleeyihiin adkeynta iyo xaqiijinta amniga Goblada Hiiraan, Galgaduud iyo sidoo kale xus ay u sameeyeen ciidamadii uga geeriyooday dagaaladii adkaa ay kaga difaaceen goobolada ay gacanta ku hayaan kocda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Gobolada Dhexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kasoo laabtay booqasho uu ku gaaray matbaan ayaa halkaasi la filayaa in uu Qudbad uga jeediyo Ciidamada Dhoolatuska sameeyay iyo shacabka magaaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7