Shabaab ooWeerar Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qabsaday labo Hoteel oo ku yaala Muqdisho iyo xildhib. ku xayiran

Posted Date: 10 Jul 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Waxaa Goordhaw xiligii Afurka Qaraxyo Ismiidaamin ah iyo weeraro toos ay kooxda alshabaab ku qaadeen Hotelka Wehliye ee kuyaala laamiga Maka Al-Mukarama iyo Hotel Siyaad oo asna ah Hotel cusub oo ku yaala agagaarka Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Ismiidaamintii kadib ayaa labada Hotel ay gudaha u galeen Kooxda Al-Shabaab waxaana xiligan si weyn loo maqlayaa rasaas aad u culus iyo dagaal toos ah oo kascoda labada Hoteel. Rasaas iyo Qaraxyo ayaa ka dhex socta gudaha Hoteelada waxaana gudaha ku jira rag hubeesan oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ku qabsaday Hoteelada dadkii dagaan iyo kuwii ka afurayay oo la sheegay in ay u badnaayeen Xildhibaanada Baarlamanaka Federaalka ee martida ku ah magaalada Muqdisho iyo qurba joogta marti ku ah Muqdisho, halka kuwa u dhashay Muqdishana ay dagan yihiin guryo si weyn loo sugay amaankooda. Qaraxyada iyo rasaasta ayaa geystay khasaaro kala duwan oon la ogeyn inta ay la egyihiin, xaalada ayaa caawa ah mid aad u kacsan waxaana guud ahaan Muqdisho laga maqlayaa rasaasta kala duwan oo ay is weydaarsanayaan cidaamada dowlada iyo kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanada looma ooyaanka ah ayaa intooda badan la layahay halka iyo cirib iyo jaan dhigeen, halka kuwii kalena lagu heysto Labada Hoteel oo caawa ay laga yaabo ay akhiireystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7