Allaha u naxariistee Halyeey Marxuum Baribari oo aas qaran loogu aasi doono caasimada Puntland.

Posted Date: 29 Mar 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Allaha u naxariistee Halyeey Marxuum Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari oo aas qaran loogu aasi doono maanta caasimada Puntland ee magalada Garoowe. Meydka Marxuumka ayaa saacadaha soo socda laga qaadayaa magaalada Muqdisho oo lagu dilay Jimcihii, waxaana lagu wadaa in aaska marxumka ay ka qeyb galaan Caa’iladiisa oo ka kala tagay dunida dacaladeed dad aad u tro badan oo isugu jira Masuuliyiin Odayaal Dhaqameed, kuwaas qarkood saka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo lagu waday inuu ka qayb galo Aaska Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari ayaa si kadis ah uga qaabsaday aaska oo horey loosii qorsheeyay.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho taagan sadex diyaaradood oo loo kireeyay qaadiida Meydka iyo dadka ka qeyb galay Aaska qaran ee Halyeey Marxuum Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliyeed ee Puntland iyo shacabkeeda ayaa si weyn ugu diyaar garoobay soo dhaweynta iyo Aaska Qaran ee allaha u naxariistee Halyeey Marxuum Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari loogu sameyn doono caasimada Garoowe, waxaana magaalada Garoowe kusii qul qulaya marti sharaf kala duwan oo kakala tagay dhamaan magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale labada golo ee dowladda Puntland oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa, Guddoonka Baarlamanka iyo Madax dhaqameedyada Puntland ayaa taagan Gaoona diyaaradaha garoowe,  magaalada Garoowe ayaa wadooyinkeeda waxaa si weyn u buux dhafiyay dadweyne aad u tirabadan oo doonaya in ay sagootiyaan Marxuum Halyeey Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari Allaha u naxariistee.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7