Alshabaab oo War Cusub kasoo saaray Jaamacadaha lagu dhigo Luuqadaha Ajaanibta ah

Posted Date: 20 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia,Uncategorized     Comments Comments

Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin ka soo saartay Iskuulada iyo Jaamacadaha aan islaamiga aheyn ee lagu dhigo luqadaha ajnabiga, iyagoo ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in aanay u dirin Iskuulada lagu faafiyo dhaqanada reer galbeedka ah.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo soo duubay farriin maqal ah oo 26-daqiiqo soconeysa ayaa sheegay in Carruurta ay aadi karaan Iskuulada Islaamiga lagu barto oo kaliya ah, maadaama kuwa kale aysan wanaagsaneyn

Waxaa uu u digay cid kasta oo ka qeyb qaadata ama faafineysa waxbarashada dhaqanka reer galbeedka ay la kulmi doonaan cawaaqib.

“Waxaan uga digeynaa Dalladaha, Ururada, Mu’asasaadka iyo shaqsiyaadka ku howlan fulinta ajandayaasha gaalada iyo gaala-raacyada in ay ka waantoobaan howshaas, ayna joojiyaan manaahijta qaloocan ee u adeegeysa rabitaanka gaalada iyo gaala-raacyada, ayna ogaadaan in howsha ay ku jiraan ay tahay garabsiin ay gaaladu ku garabsiinayaan gaaleysiinta ubadka Muslimiinta, taasna ay ka dhalaneyso in diinta laga baxo waa haddii ay Muslimiin ahaayeen, Haddii ay ogaal gaaladu ku garab siinayeena ha ogaadaan in ay dagaal kula jiraan Muslimiinta, ayna waxba ka duwaneyn gaalada soo duushay, dadka Muslimiinta ahna ha ogaadaan in cidii iyadoo howshaas ku jirta ay wax ku soo gaaraan aanan la dulminin balse ay iyadu dagaal cad ay gashay”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Allidamaale