Alshabaab oo Xalay Weraaray Kantaroolka Bosaaso

Posted Date: 09 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Weerar Xoogleh ayaa Lagu soo qaaday Xalay Saqdii dhexe Kantoroolka Hore ee Laga soo Galo Magaalada Boosaso, Waxaana Halkaasi la isku weedaarsaday Hub Cul Culus.

Dagaalyahano La runeysanyahay Iney ka Tirsanyihiin Al-Shabaab ayaana La sheegay iney Wakhti Kooban la wareegeen Ganacan ku heynta Qeybo kamid ah Kontoroolka, Sida La Xaqiijiyay.

ila ku dhow dhow Saraakiisha Ciidamada ayaa Sheegay In Halkaasi uu ka dhashay Qasaare isugu jira Dhimasho & Dhaawac.

Lama Oga Dhimashada iyo dhaawaca Rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, waxaana la sheegay iney dadka waxyeeladu soo gaartay ku jiraan kuwa Shacab ah

Goobta Hadda waxaa si Buuxda Gacanta ugu Haya Ciidanka Kala Gadisan ee Puntland, Iyadoona Xaaladdu Tahay mid Degan.

Saraakiisha Amaanka ee Gobolka Bari iyo Maamulka Deegaankuba wali Kama Hadlin Weerarka Xalay lagu qaaday Koontoroolka Boosaso

Allidamaale