Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda St.lawrence-Uganda

Posted Date: 05 Dec 2015   in: Arrimaha bulshada     0 Comments

Arday tiradoodu kor u dhaafayso 80 arday oo Soomaaliya isuguna jira wiilal iyo gabdho ayaa waxay ka qalin jabiyeen Jaamacadda St.Lawrence ee waddanka Uganda , ardadaan oo ka kala qalin jabiyay kulliyado badan ayaa badankood bartay dhaqaalaha iyo cilmiga Bulshada, waxayna hadda dhammaysteen dhammaantood heerkii koowaad ee wax barashada jaamacadda ee Bachelor.

Waddanka Uganda waxa uu kamid yahay waddamada ugu badan ee ay ardada Soomaaliyeed ay wax ka bartaan, qiyaaso la sameeyay waxay tilmaamayaane in Uganda ay joogaan in ka badan 3000 oo arday ah kuwaas oo ku kala sugan gobolo kala duwan oo dalkaas.

Sayid Abdiwahid Hasan oo kamid ahaa ardadii qalin jabisay lana hadlay Warbaahinta Allidamaale ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qalin jabintiisa iyo in uu hayo mirahii juhdi dheer oo uu baxshey  intii uu ku guda jiray waxbarashada isagoo sidoo kale ku booriyay saaxiibadiis iyo dhammaan ardada Soomaaliyeed in ay ku dadaal wax barashada oo ah shay muhiim u ah nolosha bini aadanka.

Hoos ka daawo muuqaalo kamida ardadii ka qalin jabisay St.Lawrence University

 

 

 

 

sayidkaQ

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1

b

 

 

 

 

 

 

 

 

5 22 12064339_549830985166672_1906528024_n  12336176_549831238499980_826370031_n 12336214_549831541833283_1675420791_n   12348371_549830998500004_87345556_n 12348773_549831248499979_1676223504_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7