Askari katirsan Ciidanka Booliska Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Posted Date: 13 Sep 2017   in: news,Puntland,Somalia,Uncategorized     Comments Comments

Magaalada Ceeldaahir degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland kadib markii uu ku dhintay Kooxo doonayey inay Gaari Qaad sida ay ka dhacaan waddada.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Mudane C/xakiin Yuusuf Xuseen ayaa xili uu lahadlayey Warbaahinta wuxuu ka tacsiyeeyey geerida Askarigaasi isagoo ku tilmaamay nin aad u fir fircoon isla markaana shaqadiisa si wanaagan yaqaanay.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay Nasiib xumo tahay in laysku dayo in laga leexdo wadda Gaadiid u raran shacabka Puntland isla markaana ay hantidooda saarantahay.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin cid isbaaro u dhigan karta Gaari wadda Qaad isla markaana ay tilaabo ka qaadayso dawlada Puntland cidii danbe ee u gasha gadiidkaas wadda.

C/xakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari ayaa gaba gabadii wuxuu sheegay ninka dilay askariga inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Puntland ayna gacanta ku dhigtay dawlada isla markaana uu xiligan ku xiranyahay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Allidamaale