Awoodaha shisheeye ee ku sugan Suuriya iyo Dagaalka loo durbaan tumayo

Posted Date: 13 Apr 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Kedis iyo wax lala yaabo ma aha in ciidamada badda ee Mareykanku ay yihiin kuwa ugu ballaaran cudud ahaan adduunka oo dhan, waxa jira 6; waaxood oo awoodoodda dhinaca badda ah kuwaas oo Mareykanku leeyihay kuna firisan inta badan caalamka, sidaas oo kale waxa uu Mareykanku saldhig ciidan ku leeyahay 150; Waddan oo kamid ah dalalka gacansaarka laleh Mareykanka, saldhigyadaas qaarkood si rasmi ah looguma aqoonsana in ay yihiin kuwo Mareykan leeyahay, halka qaar kalana aan xitaa Mareykanku dowlad ahaan aqoonsanayn I ay yihiin saldhigyo ciidan oo uu leeyahay balse waxa ay qabtaan shaqada saldhigyada ciidan ee Mareykanku looyaqaan.

Saldhigyada ciidan ee Mareykanku ku leeyahay Caalamka waxa ay hadda kor u dhaafayaan kun saldhig, kuwaas oo tiro badan oo kamid ah ay ku yaalliin gobolka bariga dhexe, oo ah xuddunta caalamka Carbeed.

Ciidamada Mareykanka eek u sugan Bariga Dhexe & Afrika;

Sida ay muujisay xog laga helay aqalka Bentagon oo xarun u ah waaxda difaaca, 54,000, oo askari oo Mareykankan ah ayaa kala jooga dhulalka 12; dowladood oo kamid ah kuwa bariga dhexe, 7; saldhig oo ku yaal gobolka Bariga dhexe ayay ciidankaas qaarkood adeegsadaan, isugeynta tirada Askarta iyo muwaadiniinta u shaqeeya wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka eek u sugan Bariga dhexe ayaa ah hadda 54’180, qof, halkii ay ka ahayd tiradaasi sanadkii 2017; 40,517, qof.

Xogtan ayaa sheegeysa in madaxweyne Donal Taraam kordhiyey tirada askarta Mareykanka ee ku fidsan waddamada Suuriya iyo bariga dhexe 33% sanadkii 2017.

Ciidamada Mareykanka ayaa hadda jooga 14; dowladood; oo dhaca bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika, waxa kamid ah waddamadaas: Masar, Israaiil, Lubnaan, Suuriya, Turki, Urdun, Ciraaq, Kuweyt, Sucuudiga, Yamen, Cammaan, Imaaraad, Qadar iyo Baxreyn.

Awoodda Badda ee Mareykanka

Ciidamada badda ee Mareykanku waxa ay haystaan:-

TT Nuuca Tirada
1.        Maraakiibta Dagaalka Badda 288
2.        Maraakiibta xambaara diyaaradaha dagaalka 10
3.        Doomaha Berri-biyoodka ah ee weerarka 9
4.        Doomaha raacdada 22
5.        Doomaha Burburinta 62
6.        Maraakiibta xawaaraha badan ee Frigate-ka loo yaqaan 17
7.        Gujisyada badda quusa 72

 

Awoodda Badda ee Mareykanku waxa ay leedahay shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeeya badda, waxa ay gaarayaan hadda 109,000; oo shaqaale.

Arrinta awoodda ciidanka badda Mareykanka ka sara-marisay awoodaha kale ee jira ayaa ah in Mareykan haysto maraakiibta dagaalka badda nooca Nimitz class ka oo ah Maraakiibta qaadda diyaaradaha, gaar ahaan kooxda diyaaradaha tobonaad, waxa ay maraakiibtaasi ka qaadi kartaa diyaaradaha laba laabka inta ay qaadi kartaa diyaaradda nooca 72; waxa ayna ku shaqeysaa awood nukliyer oo si gaar ah loo siiyey adeegga awoodda badda ee Mareykanka.

54; gujis oo qaadi kara weerar Nukliyeer, islamarkaana mas’uul ka ah ka hortagga weerar walba oo bartilmaameedkiisu yahay adeegga awoodda badda ee Maraykanka ayaa iyaguna kamid ah cududda badda ee Mareykanka, intaas waxa dheer 14; gujis oo kale oo sida gantaalaha Balastikada nuuca Ohio oo ay dhinaca circa ka caawinayaan 3700; oo diyaaradood, taas oo ka dhigeysa awoodda ciidanka badda Mareykanka awoodda 2aad ee ugu weyn adduunka dhan.

Nikki Haley; danjiraha QM; ee Mareykanka ayaa digniin culus u dirtay madaxweyne Bashaal Al Asad, kaddib weerarkii kiimikada ahaa ee ka dhacay magaalada Dowma

Iiraan

Sida laga soo xigtay suxufiyiinta ka faaloota dhinaca ammaanka ciidanka Milateriga ee Iiraan waxa uu ka sameeyey meel 14; km u jirta magaalada Dimishiq, islamraakna xigta dhanka koofureed  madal iyo barkulan uu adeegsado ciidanka Suuriya, taasina waxa ay sababta in raisalwasaaraha Israil Benjamin Netanyahu uu digniin ka soosaaray iskudayga Iiraan ay ku dooneyso in ay saldhigyo ciidan uga sameysato Suuriya, isaga oo sheegay in aanay suuragal ahayn in taasi dhacdo.

Ilo wareed kala duwan oo ay Roytar kamid tahay ayaa ku warramay in dhowr cutub oo ka tirsan ciidanka Iiraan ay tageen ciidda Suuriya dabayaaqadii 2014; si ay uga qaybgalaan howlgal gaar ah oo dhulka ah kaas oo ay wada fulinayeen Ciidamada Suuriya iyo Iiraan, hayeeshee Iiraan waxa ay sheegtay in aanay jirin ciidan ay leedahay oo jooga ciidda Suuriya.

Waxaa soo noqnoqday ka soo muuqashada saraakiisha ciidanka Iiraan ee furumaha dagaalka, waxaa kamid ah Qaasim Suleymaan

Ruushka

Vladimir Putin; madaxweynaha Raashiya ayaa xukuumadda Suuriya la saxiixday heshiis bishii Oktober-2016; heshiiskaas waxa lagu meelmariyey ogolaanshaha joogitaanka ciidamada Ruushka nuddo 50; sano ah oo ay ku howlgelayaan saldhigga ciidanka ee Xamiimiim; oo ku yaal gobolka Laadiqiya oo dhaca badda Mediterranean-ka.

Ruushka ayaa dib u habeyn ku sameeyey sanadkii garoomada diyaaradaha iyo korontada ama laryka dhammaan saldhigyada uu ciidankiisu adeegsanayo, bishii Desember-2015; ayuu Ruushku shaaciyey in saldhigga ciidanka Xamiimiim; ee gobolka Laadiqiya ee Suuriya uu u diyaarsan yahay fulinta howlgal dhinaca cirka ah, waxaana sida uu sheegay Ruushku adeegsan kara ugu yaraan 1,000, askari iyo 30; diyaaradood oo ah kuwa dagaalka, diyaarahaas qaarkood ayaa dhulka Suuriya ka fuliyey duqeyn dhinaca cirka ah iyada oo sida Ruushku sheegay gacan la siinayo ciidanka Suuriya, hadda saldhigga Xamiimiim; waxa uu qaadi karaa halkii marba 50; diyaaradood oo ah nuuca dagaalka.

Ciidanka Cirka ee Raashiya ayaa saldhiggiisa weyn ee Suuriya waxa uu ku xoojiyey diyaaradaha Sukhoi Su-24, Sukhoi Su-34, iyo laba nuuc oo kale oo ah Sukhoi Su-25, kuwaas oo dhammaantood ah kuwa sameeya weerarka gantaalaha iyo duqeynta aan loo aabbe yeelin, waxa kale oo Ruushku ku xoojiyey saldhiggiisaas Suuriya laba nuuc oo kale oo ah diyaaradaha wareega hawada ee haya illaalada dhinaca cirka ah.

Ruushka ayaa ciidankiisa si qarsoodi ah ugu fidiyey meelo ka baxsan saldhigga Xamiimiim; si ay awood ugu yeeshaan haddii loo baahdo bixinta gurmad, magaalada Tartus oo dhacda xeebta badda Mediterranean-ka, waana magaalada ay ku taal dekedda 2aad ee ugu ballaaran Suuriya, balse qofna kama qarsoona dadweynaha Suuriya in ay joogaan 2; illaa 3, kun oo askari oo rush ah oo ay leedaha shirkad dhinaca nabadgelyada ah oo si gaar ah looga leeyahay Raashiya, intaas waxaa dheer dhowr boqol oo booliiska sida millateriga u tababaran ah oo ku fidan dhammaan Suuriya.

 

Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka

Sida ay u xaqiijisay walaakadda wararka ee faransiiska Sylvie Goulard; wasiiraddii hore ee ciidamada qalabka sida ee faransiisku waxa jira dhowr saldhig oo qarsoodi ah oo faransiisku ku leeyahay magaalooyinka Til mashtanur iyo Sheekh Ciise; oo dhaca waqooyiga Raqa.

Agusto-2016; warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegtay in Ingiriiska iyo Talyaanigu ay ciidamo u direen Suuriya si ay uga qaybgalaan hardagnka ka taagan dhilka Suuriya, waxa ay ka wada sameysteen saldhigyo ciidan xadka suuriya ee dhinaca ay iska saran yihiin Ciraaq iyo Urdun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7