Axmed Madoobe oo Hambalyo u diray Ciidamada Xooga Dalka.

Posted Date: 12 Apr 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda, iyo Dhamaan Ciidamada Xooga dalka Xaasaskooda, iyo Caruurtooda.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismaha Ciidamada xooga dalka, oo si xowli ah ku biloowday wax yar kadib qaadashadii Xoriyada wadankeena, ay Tusaale u ahayd sida ay u noqonayeen quwad weyn oo Afrika iyo Aduunkaba, Tusaale u ahayd Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray, in wali ay jirto fursad mar kale aan dib boorka uga jafi karo haybadii Ciidankeena, taas oo hadaba bilow wanaagsan uu ka muuqdo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam, wuxuu hoosta ka xariiqay in Argagixisada dagaalka kula jirta, jiritaanka Qaranimada Soomaaliya lagaga adkaan karo in wax walba loo huro dhismaha Ciidan Qaran oo wax walba ay u dhamaystiran yihiin.

Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tabar dareeyeen Sanadahii lasoo dhaafay, isla markana ay kusoo uruureen weeraro kudhufoo ka dhaqaaq ah oo ay u baahan yihiin in la cirib tiro.

Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay u midooban sidii looso afjari lahaa Argagixisada oo ah caqabada ku hor gudban Dowladnimada Soomaaliya.

Ciidamada Ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay u adkaystaan duruufaha adag, ee ay Qarankooda ugu shaqaynayaan, taas oo dhimasho, dhaawac, dhaxan, iyo Kulaylba ay ku mutaaan

Share this:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale