Axmed Madoobe oo la kulmay Wafdi uu Hogaaminayeey Keating SAWIRO

Posted Date: 12 Feb 2017   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating waxaana kulanka ku wehelinayay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Soo dhawayn kadib Madaxweynaha iyo Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay Xaalada uu dalka Soomaaliya marayo gaar ahaan Abaaraha iyo Amniga iyo sidii Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ay tageero ula garab istaagi lahayeen Dowlada Cusub ee Soomaaliya.

Inta uu kulanku socday Danjire Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh isagoo ku booriyay in uu sii wado dadaalkiisa la xiriira Dhismaha Ciidamada iyo Xasilinta Deganada Jubbaland oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku garab taagan tahay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay gacanta ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in lala shaqeeyo Dowlada Cusub si ay dalka uga saarto marxalada uu hada ku jiro oo uu xusay in ay mid cidhiidhi ah tahay.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynaha iyo Xubnaha ka socday Qaramada Midoobay ay isla soo qaadeen gurmadka Abaaraha iyo Qoxootiga ka soo laabanaya Kenya iyadoo UN-ku ay mar kale ku celiyeen in doorkooda arintaas ku aadan ay qaadanayaan waxaana Madaxweynahu uu sheegay in Qoxootiga soo noqonaya uu aad u badan yahay qaarkoodna Nolosha ay ku adagtahay balse ay samaynayaan wax walba oo dadka soo noqonaya loogu abuuri karo Nolol wanaagsan, iyo Shaqooyin ay ka faa’iidaystan

 

Allidamaale